borri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borri
-ga: (magac, lab, keli) gaashaan weyn. Borri waran ka tabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin. m.f.dh, boorrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorri
v. instill courage; encourage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorri
-yey say: (v) inspire (inis paayr); motivate (moo ti veeyt); encourage (en- kooreej)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorri
(fal) ku tirtirsii; jecleysii oo ku waani. Ardayda akhriska ku boorri. Dh: guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorri
de: instill courage; encourage
lx: boorri
pd: (boorriyey)
ps: v2a=
key: boorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: ori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barri
-ga: (magac, lab, keli) dhulka qaybta aan biyaha ahayn. Barri iyo badba u maray baadidoonkaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berri
(Berri-da)
Maalinta la joogo, tan ka danbaysa oo soo socota; maalinta maanta iyo saaddanbe u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berri
berri¹: m.l la-mid: birri.
berri²: m.dh.fk 1. la-mid: berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
berri
m.dh.fk 1. la-mid: berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berri
m. n., [collective] land, country
berri [feminine] n. tomorrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berri
-da: (n) tomorrow (tumooroow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berri
-da: (magac, dhedig, keli) maalinka la joogo ta ka danbaysa ee soo socota; maanta iyo saadanbe u dhexeeya. Dh: siimaal.
berri -ga: (magac, lab, keli) dhulka inta engegan ee aan badda ahayn; dhulka inta aan baddu ku fadhdhiyin. Wax berri jira, berri carabeed jira afka mooyee biri ma goyn karta. Dh: dhul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Berri
de: Somalia, Somaliland
lx: Berri
pd: \pd-Soomaal
ps: np
key: Berri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birri
(Birri-ga)
Dhulka intiisa engegan; inta aan baddu ku fadhiyin; dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. la-mid: berri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birri
m. n., [collective] land (as opposed to sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birri
-ga: (n) land (laandh) ~ dhul. Ex: badda iyo birriga; the sea and the land
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birri
a: berri
de: land (as opposed to sea)
lx: birri
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: birri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohri
(tilmaame) qof hodan ah ama maalqabeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bųri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boorrin
(Boorrin-ta)
Geesinnimo gelin; dhiirrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorrin
m.f.dh eeg boorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorrin
vl. n. boldness, courage, encouragement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorrin
-ta: (n) inspiration (inis pa reeyshin); motivation (moo ti veey shin); encouragement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin mudnaan gaar ah leh gudashadeeda ruux ku adkayn oo ku dhiirrigelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorrin
de: boldness, courage, encouragement
lx: boorrin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: boorrin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boorrin
تَشْجِيع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarri
(Baarri-ga)
Qof waalidkii dhalay jecel oo wuxuu u qaban karo u qabta; waalidka okobban oo u sama fala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Qof waalidkii iyo Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baarri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Qof waalidkii iyo Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarri
m. n., [collective], (adj.): person loyal to his/her parents; faithful, obedient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarri
-ah: (n) obedient child, especially to his or her parents
baarri -ga: (n) obedient son, especially to his parents see [eeg] baarriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarri
-da: (magac, dhedig, keli) ubbo calool weyn oo subagga lagu shubto. Dh: qunbe, tebbed.
baarri -ga: (magac, lab, keli) qofka yeela amarka labada waalid ee dhalay; qofka u dheganuglaada labadiisa waalid. Baarrigu janaduu galaa. Dh: muddeec, ducaqabe. Li: waalidinkaar, caaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarri
cf: muddeec
de: person loyal to his/her parents; [atr.] faithful, obedient
lx: baarri
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: baarri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid. m.f.dh, bararin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barari
(fal) wax bararsan ka dhig; xanuuni oo barar u yeel. Shawdh ku barari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berrin
(Berrin-ka)
Ruun; jabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berrin
m.l (-nno, m.dh) Meel bannaan, dhir ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
berrin
m.l (-nno, m.dh) Meel bannaan, dhir ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berrin
m. n. camp, settlement area (used by nomadic groups)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berrin
-ka: (n) community settlement, especially nomadic community
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berrin
-ka: (magac, lab, keli) meel la deganaa oo laga guuray; meel ooddii iyo digadii xooluhuba gaboobeen. Dh: ruun, jabad, rug, guri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
berrin
de: camp, settlement area (used by nomadic groups)
lx: berrin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jabad, ruun
key: berrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birriq
-da: (magac, dhedig, keli) dhiiqid yar oo hal mar ah; in yar oo caano dhirriq ka siin. Biriq caano ahna laga waa hashii. Dh: bidhiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorid
m.f.dh eeg boor³. la-mid: boor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorid
-da: (magac, dhedig, keli) hab saca ilmaha loo ogolaysiiyo ama godolka oo maydhax gumareed dabada looga geliyo. Dh: booris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg boorid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Booris
Dabayl kiisid, dabayl cabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorre
-ha: (magac, lab, keli) maroodiga kiisa labka ah ee da'da weyn. Dh: arbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqrid
m.f.dh eeg boqor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqrid
-da: (magac, dhedig, keli) boqor ka dhigid. Dh: duubid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
borrow
/borrow/ (v) daymasho, la amaahiyo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
borrow
/boorrow/ (v) etheeghythow. We borrow books from the library.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
borrow
borrowing, n., amaah, -di.
borrow: v.tr., amaaho, soo yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
botori
(fal) cagaha dhulka la dhac oo ku dhufdhufo Ninkii botoriyey baa geela didiyey.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bourru
bourru, adj. - Cod-xun; qallafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burrin
m.dh la-mid: bųrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burris
(Burris-ka)
Qalab bir ah oo biraha kale lagu tumo; dubbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burris
m.l 1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. la-mid: bųrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burris
m.l 1. (-syo, m.dh) Dubbe. 2. la-mid: bųrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burris
m. n. hammer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burris
-ka: (n) hammer (haamar) ~ dubbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burris
-ka: (magac, lab, keli) dameer yar oo aan weli hooyadii ka hadhin. Burris sagabo ma qaado. Dh: qay
burris -ka: (magac, lab, keli) agab bir ah oo daab la qabsado leh, biraha lagu tumo. Burris hadduu jabo maxaa biraha lagu tumo. Dh: dubbe, madaraqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burris
cf: dubbad (anvil)
de: hammer
lx: burris
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: burris
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
burris
مِطْرَقَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof bururay ka dhigid. 2. la-mid: burburi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bururi
v. make someone fall ~ go into a trance, hypnotize
bururi v. shatter, break, chop, destroy something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururi
(fal) wax kuusan oo muuq dhexda ku leh bushuq isku sii. Xabbadda tamaadka bururi.
bururi: (fal) jejebi oo budo iyo burbur ka dhig. Dhaqaxa bururi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorori
f.g2 (-iyay, -isay) In yar oo hoore ah oo weel salkiis ku haray ka shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorori
f.g2 (-iyay, -isay) In yar oo hoore ah oo weel salkiis ku haray ka shubid. m.f.dh, gororin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorori
v. cause a nose bleed; cause to drip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorori
(fal) weel iyo wax la mid ah, waxa ku hadhay ka soo shub ama ka soo dareeri.
gorori: (fal) lab, dhedigga sibiisha ka urso; hubi inay orgaysantahay iyo in kale. Awrku qaalinta wuu gororiyey ka dibna wuu roorsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorori
de: cause a nose bleed; cause to drip
lx: gorori
pd: (gororiyey)
ps: v2a=
key: gorori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoorri
m. n. nomad's small hut, cabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorri
-ga: (magac, lab, keli) wax weynaaday oo gaboobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoorri
de: nomad's small hut, cabin
lx: hoorri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hoorri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horrid
/hooridh/ (adj) aad u-xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrid
-ka: (magac, lab, keli) neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pourri
pourri, adj. - uraya; kharriban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorri
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedaha xeebaha ka baxa ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorri
m.dh la-mid: toorrey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toorri
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorri
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorreey, toorrey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg toorrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toorri
de: dagger
initial: t
lx: toorri
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
see: toorrey
key: toorri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
torrid
/tooridh/ (adj) kulul (aad u kulul, sida cimilo dab ah, arin kulul iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. la-mid: orri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ori
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Kor u dhawaaqid. 2. Cod dheer ku heesid. m.f.dh, orin. la-mid: orri. ormo m.dh (-ooyin, m.l) Koox. la-mid: hormo. orod¹: m.l Lugaha oo si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud loo qaado; roor. orod²: f.mg1 (-rday, -rodday; -rdi) Lugaha si degdeg ah oo socodka ka dhaqso badan kana fudud u qaadid; roorid. m.f.dh, ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ori
v. chant (along with a song ~ dance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ori
-yey / say: (v) make noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ori
(fal) qayli oo dheh oo oo. Ku ori ninka hadalkiisu aanuu qiimaha lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ori
de: chant (along with a song ~ dance)
lx: ori
pd: (oriyey)
ps: v2a=intr
key: ori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bari
1. (Bari-da) Salka dadku ku fariisto; labada doollood wadajirkooda; (idaha) xubinta weyn oo baruurta ah oo dabaggibinta, ama subagga laga shiilo.
2. (Bari-ga) Qofka woqooyi ujeeda, docda midigtiisa ku abbaaran; docda qorraxdu kasoo baxdo; qorraxkasoobbax.