borotobalaasam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotobalaasam
m.u (baayoloji) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borotobalaasam
m.u (baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotobalaasam
-ka: (magac, lab, keli) walax leh miramiro oo looga jeedo walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo Walaxdan, waxay ka kooban tahay bu' dhextaalla saytoobalaasam oo xab oo kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaasmoodiyam
m.l (-yo, m.l/dh) (baayoloji) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unug
unug¹: m.l (-gyo, m.dh) Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
unug²: m.l (-gyo, m.dh) (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.
unug³: f.g1 (-nkay, -nugday; -nki) Unug samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balaasmoodiyam
m.l (-yo, m.l/dh) (baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unug
unug¹: m.l (-gyo, m.dh) Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
unug²: m.l (-gyo, m.dh) (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA. m.f.dh, unkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saytobalaasam
m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Walax xab oo kale ah oo ku wareegsan bu'da unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saytobalaasam
m.l (-myo, m.dh) (baay.) Walax xab oo kale ah oo ku wareegsan bu'da unugga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birotobilaasma
-da: (magac, dhedig, keli) qalab kimikaad kakan oo kala duduwan ee salka u ah unugyada noolaha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boroobagaando
-boroobagaandada: (n) 1. propaganda (paro-pi-gaan-dha) 2. negative characterization of someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) bootindhisad samayn. Boodaalaysad bartaa ku lunta bowdana way ku jabtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borobogaanda
m.dh (siyaasad) War iyo wixi lamida oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borobogaanda
m.dh (siyaa.) War iyo wixi lamida oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boroobagando
f. n. propaganda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boroobagando
de: propaganda
lx: boroobagando
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dacaayad {Eng}
key: boroobagando
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootimaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) meel sare sida geed, ood iyo waxii la mid ah ka boodid. Dh: boodaalaysad, bootindhisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boroolataaliyad
-da: (magac, dheddig, keli) dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira xoogsigooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boroolataariyad
m.dh (siyaasad) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boroolataariyad
m.dh (siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.