borootiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borootiin
m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borootiin
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
borootiin
-ka: (n) protein (parootiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borootiin
-ka: (magac, lab, keli) maaddo ka kooban curiyayaal kala duwan oo uu ka mid yahay kaarboonhaydarayd iyo asuudku waxayna ku badan tahay cuntooyinka laga sameeyo firileyda waxana lagu tiriyaa maaddooyinka ugu muhiimsan ee jidhku u baahan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
borotiin
m. n. protein
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotiin
-ka: (magac, lab, keli) walxo ilimaqabato ah oo laga helo hilibka naalada, caanaha iyo waxyaabo kale oo qayb weyn ka qaata dhismaha jidhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
borotiin
de: protein Alt sp: borootiin {Eng}
lx: borotiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: borotiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxaha dhiigga
m.l (baayoloji) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooxaha dhiigga
m.l (baay.) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.
koox-amayno m.l (-xo ..., m.l) (kiim.) Iskudhis leh kooxda - NH -halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Protein
Borootiin
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Proteinase
Borootiinays
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
protein
/prowtiin/ (n) borootiin (nafaqo ku jirta cuntada oo jirka dhista).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhgal
-ka: (magac, lab, keli) borootiin gala jidhka dadka ama ka xayawaanka oo u horseeda inuu qaado xanuun ama cadanyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rootiin
Routine
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boromiin
m.dh (kiimika) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boromiin
m.dh (kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boromiin
-ta: (magac, dheddig, keli) curiye hoor ah oo guduudan oo ay firfircoonidiisu heer dhexe tahay, kana tirsan halojiimada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroomiin
m. n. bromine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroomiin
de: bromine {Eng}
lx: baroomiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baroomiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsiin
m.dh la-mid: baroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ka oohin. Ka baroorsiinta waalidku ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) milay kulayle ah, cid kale socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromatiin
m.l (baayoloji) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koromatiin
m.l (baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koromatiin
-ka: (magac, lab, keli) walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono) DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
motootixin
m.dh la-mid: mataatixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootin
(Bootin-ta)
1. Sid degdeg iyo xoog leh, qof ama wax kale, labo meelood isaga seeraarin, dhul taabad la'aan.
2. Booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootin
m.dh eeg booti. la-mid: booddo¹ (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootin
m.dh eeg booti. la-mid: booddo¹: (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootin
vl. n. jump, jumping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bootin
-ta: (n) the act of jumping; a leap ~ booddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog leh wax labo meelood isaga gudbin iyada oo aan dhulka la taabsiinaynin. Bootin dheeraa naagtu ma gorayo roob ka baxsan baa. Dh: boodsiin, booddo.
bootin -ta: (magac, dhedig, keli) arday dulmaray ardaydii kale fasalkiisa ka boodsiin oo meel kore gaadhsiin. Baruhu wuxuu bootin buu Bilan Buraale la maggaanyahay.
bootin -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar jabaq iyo jaan wanaagsan oo dumarka la qabaa ciyaaraan oo ta seylicada u eg waxa loo joogsadaa goobaab oo mid ayaa gudaha ku dhacda inta ay dallad qaadato midina ereyo ayay qaadda inta kalina way jiibiyaan marka la mirqaamo ayay labo ama saddex bootinta iyo qoobka ciyaarka isla yaqaannaa yay si bilicda leg gegada ugu boodaan ereyadeedana waxa ka mid ah: Alla ma duulaa sida dabaylaha, igu dhaladka Soomaaleey ma duulaa sida dabaylaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bootin
cf: kable
de: jump, jumping
lx: bootin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: bootin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotan
(fal): taratan orad ah dad la gal. Borotama oo buuraha ka dhaca. Dh: beretan, tartan.
borotan -ka: (magac, lab, keli) taratan orad ah dad la geliddii. Borortankii haddaan badiyey basar baan u seexan. Dh: beretan, tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorin
m.f.dh eeg baroori. la-mid: baroorsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka oohin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiin
m.f.dh eeg boobsii. la-mid: boobsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo hayaamin. Dh: boqoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotoon
m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Saxar asaasi ah oo leh saldanab togan. B.nnadu waa iniin-bu'eedyo laga helo dhammaan bu'leyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borotoon
m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Saxar asaasi ah oo leh saldanab togan. B.nnadu waa iniin-bu'eedyo laga helo dhammaan bu'leyda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Borotoon
Proton
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
borotoon
m. n. proton
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
borotoon
-ka: (n) [Physics] proton (parotoon)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
borotoon
de: proton {Eng}
lx: borotoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: borotoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orodsiin
(Orodsiin-ta)
Orod ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orodsiin
m.f.dh eeg orodsii. la-mid: ordisiin, ordisiis, orodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si xoog ah u caymadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiin
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroordiiq
(Baroordiiq-a, Baroordiiq-da)
Qof wax culusi gaareen, hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah oo lagu yiraahdo; baroor la qaybsad; tacsi ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh 1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. la-mid: baroordiiqid.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid. m.f.dh, baroordiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroordiiq
vl. n., [compound] consoling, sympathizing, joining in mourning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroordiiq
-da: (n) the act of mourning (moorning) ~ tacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroordiiq
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo dejin iyo samirsiis ah oo lagu yidhaado qof dhib culus ama geeriyi ku timi. Dh: tacsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroordiiq
de: consoling, sympathizing, joining in mourning
lx: baroordiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: vn2a-m/f-cmp
key: baroordiiq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorsooyin
ka: (n) [plural of boorso] luggage (laag gij); bags (baagis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiis
m.l la-mid: boqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boronkiito
m.dh (daawo) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boronkiito
m.dh (daaw.) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boronkiito
-da: (magac, dheddig, keli) halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxaa lagu yaqaan qufac xaako leh iyo isku roorid dhuumaha neefta. Midda labaad waxaa lagu yaqaan xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Locomotion
Dhaqdhaqaaq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
locomotion
/lowkamowshan/ (n) awoodda socodka; socod; dhaqdhaqaaq samayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
locomotion
locomotion, n.F. - Socod; Awoodda lagu soc do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
motootixid
m.dh la-mid: mataatixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tortorniin
-ka: (magac, lab, keli) muudhmuudhniinka. Tortorniinka hraga milix ka mari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korontofidin
vl. n. electrification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korontofidin
de: electrification
lx: korontofidin
pd: (-ta)
ps: vn-f
syn: nalbixin
key: korontofidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariin
(Bariin-ta)
Nabadgelyo ku bari siin; samatabbixin; badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariin
m.f.dh eeg barii. la-mid: bariisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariin
f. n. safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof socota ah, jiif iyo cunto la siiyo. Dh: martigelin.
bariin -ta: (magac, lab, keli) xoolo, ka ilaalin waxii dhib u keenaya oo dhan gaar ahaan habeenkii ilaa waagu baryayo. Tuug bariin ma leh berri buu ku xadi. Dh: magangalin, nabadgelin, samatabixin, badbaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariin
de: safety
lx: bariin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bariin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boohin
(Boohin-ta)
Baqdin weyn ama naxdin ama wax kale saamayskood muujin, inta badan qaylo iyo ilmo indhaha ka timaaddaa weheshaan; (ama oohin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boohin
m.dh la-mid: oohin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boohin
-ta: (n) crying (karaay-ing); weeping (wiiping); shedding tears ~ oohin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boohin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo kaga keenid oo kaga oohin. Boohinta agoonku waa denbi weyn. boohis -ka: (magac, lab, keli) ka oohinta cid kale; boohin kaga keenis. Boohis ma leha ninkii beerka kaa jaraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boojin
(Boojin-ta)
Qof aan raalli ahayn xoog kula tegid ama ku haysasho, badanaa gabar guur laga rabo ama qof la doona hayo inuu xoolo isku furto ama lagu furto; Afduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojin
m.f.dh eeg booji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo ama ruux aan raalli ahayn qasab kula tegid. Boojin baa lagu qaatay gabadhii. Dh: afduubid, qafaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootis
m.l la-mid: bootin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootis
-ka: (magac, lab, keli) bootin samayn. Bootis badan iyo kibir ba waa lagu jabaa.
bootis-ka: (magac, lab, keli) bootin u samayn arday xariifnimo dhaafay. Bootis mal eh ardaygaan casharro soo barane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booyin
-ta: (n) crying (karaaying); weeping ~ boohin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mootin
m.dh (fiisikis) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mootin
m.dh (fiisikis) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mootin
Transparency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ka gudbin oo dhaafin. Mootinta xadku habeen kuma fiicna. Dh: weydaarin, dhaafin, gudbin, mootis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qootin
hal magta dhagarta lagu bixiyo; hal lammaan oo la siiyo xigtada qofka lagu dhagaroobay.
qootin: macaga geedka qudhaca ah marka uu yar yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobin
(Roobin-ta)
Roobdoon akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobin
m.f.dh eeg roobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobin
-ta: (magac, dhedig, keli) roobdoon akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorin
(Roorin-ta)
1. Xarig il leh ama wax kale oo la mid ah dhifasho, xoog u jiidid, si ishu u xiranto oo wax u qabato; sirqin.
2. Ka ordisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorin
m.f.dh eeg roori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorin
-ta: (magac, dhedig, keli) surgin jiidid: xadhig il leh ama wax kale oo la mid ah dhufasho oo xoog u jiidid si surgintu u xidhanto oo wax u qabato. Dh: sirqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorin
(Aroorin-ta)
1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.
2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.
3. Qof hurda riyo wax ku tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroorin
m.f.dh eeg aroori. la-mid: arooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo la doonid; ceel u kaxayn. Dh: arooris.
aroorin -ta: (magac, dhedig, keli) qof hurda, riyo wax ku tusid. Dh: dheelmin, suulin, arooris.
aroorin -ta: (magac, dhedig, keli) meel hoose ku fogayn. Aroorinta sabaradda ka ilaali, waa intaas oo ay jabtee. Dh: arooris.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Aroorin
Dhidbin, xaluulin, turqid, mudid.