boroolataariyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boroolataariyad
m.dh (siyaasad) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boroolataariyad
m.dh (siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boroolataaliyad
-da: (magac, dheddig, keli) dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira xoogsigooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barolitaariyad
f. n. proletariat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barolitaariyad
de: proletariat
lx: barolitaariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: xoogsato {Eng}
key: barolitaariyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolagurad
-ka: (magac, lab, keli) hadal wax lagu diidan yahay. Bocoolagguradka waalidkaa ka daa. Dh: akeekan, jigraartan, muran, bacoolgurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bocoolaggurad
(Bocoolaggurad-ka)
Muran, akeekan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bocoolaggurad
m.l Muran, akeekan. la-mid: bocoolaggurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bocoolaggurad
vl. n.-idiom: bickering, silly argument; pretense, false action
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bocoolaggurad
de: bickering, silly argument; pretense, false action Lit: picking up shells
lx: bocoolaggurad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-idiom
key: bocoolaggurad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaartoogaraafiyada
m.dh (juqraafi) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaartoogaraafiyada
m.dh (juqraafi) Farshaxanka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) socod hareeraha la eegayo oo kolba dhan firfirinayo. Dh: daymadaymood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Bariga Aasiya
(n) Orient (oori yent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) barwaaqo awgeed la hadlid. Dh: foodhaadhiyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boroobagaando
-boroobagaandada: (n) 1. propaganda (paro-pi-gaan-dha) 2. negative characterization of someone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burjuwaasiyad
m.dh (-do, m.l) (siyaasad) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burjuwaasiyad
m.dh (-do, m.l) (siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burjuwaasiyad
f. n., [collective] bourgeoisie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burjuwaasiyad
-da: (n) bourgeoisie (buurshuwaaz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burjuwaasiyad
-da: (magac, dhedig, keli) dabaqad dhexe oo maamulka iyo hantida maaraysa. Burjuwaasiyaddu waxay caan ka ahayd Yurub qarniyadii dhexe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burjuwaasiyad
a: bujurwaasiyad
de: bourgeoisie
lx: burjuwaasiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: burjuwaasiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormosalaadid
m.dh eeg hormosalaad². la-mid: qamaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoollaalliyid
m.f.dh eeg qoollaalli². la-mid: qoollaalli¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoollaalliyid
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qoodaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tobograafiyad
m.dh la-mid: tobograafiyo¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
TobograafIyad
Topography
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotobalaasam
m.u (baayoloji) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borotobalaasam
m.u (baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotobalaasam
-ka: (magac, lab, keli) walax leh miramiro oo looga jeedo walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo Walaxdan, waxay ka kooban tahay bu' dhextaalla saytoobalaasam oo xab oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goroyokaxaaris
-da: (magac, dhedig, keli) geed marka uu ku maro ama ku taabtu ubaxiisu aad caaroonaysid oo aad kuu guba.