boqoolsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsan
(tilmaame) qof qorrax kulayl ah socda. Dh: dhalandhoolsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) milay kulayle ah, cid kale socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo hayaamin. Dh: boqoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baqoolsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsii
(fal) eeg boqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiin
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolsiis
m.l la-mid: boqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqool
(Boqool-ka)
Qorrax kulul ku socod; dhalandhool; wirwir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqool
boqool¹: m.l la-mid: baqoolid.
boqool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) la-mid: baqool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqool
v. be exhausted from walking in the overhead sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqool
(fal) soco hadhimada dabadeed. Markay gadeeyeen ba way boqooleen. Dh: dhalandhool.
boqool -ka: (magac, lab, keli) qorrax kulayl ku socod hadhimada dabadeed. Boqoolka innaga oo seexannaa innoo dhaanta qorrax kulayl. Dh: dhalandhool. Dh: hayaan, geeddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqool
de: be exhausted from walking in the overhead sun
lx: boqool
pd: (boqoolay)
ps: v1=
key: boqool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolan
1. Qool ku jira; la qoolay.
2. (u-qoolan) Eeddu saaran tahay; wax ka mas'uul ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolan
qoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Xarig wax la qoolay noqosho.
qoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Xarig wax la qoolay ahaansho. 2. U q.: qof, wax dhacay ama dhici doona dhibaatada ka timaada ka masuul ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolan
der. [adjective] haltered, wearing a halter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolan
(tilmaame) mid gool ku xidhan. Dh: xidhan.
qoolan: (tilmaame) mid eed saaran tahay, mid ee- daysan. Dh: xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolan
de: haltered, wearing a halter
lx: qoolan
pd: (qoolnaa ~ qoollaa)
ps: adj-der
key: qoolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la aqoolay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoolan
der. [adjective] divided (up), distributed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoolan
-aa: (adj) catered (keeyteridh) in good manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolan
(tilmaame) mid kala soocan.
aqoolan: (tilmaame) arrin si wanaagsan u agaasiman.
aqoolan: (tilmaame) mid meel ka dhaqaaqay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoolan
de: divided (up), distributed
lx: aqoolan
pd: (aqoolnaa)
ps: adj-der
key: aqoolan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoosan
(tilmaame) mid wax maskaxda ku haya oo garansan. Dh: yaqiinsan, og. Li: mooggan.
aqoosan: (tilmaame) cid kale ama dawlad kale ictiraafsan. Muslin aqoonsan Israa'iil ma jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoole
m.l Socod la socdo waqtiga qorraxdu aad u kulushahay. la-mid: baqoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqooli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: baqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqooli
(fal) xilli aan caadi ahayn socod u ambabixi. Ubadka meesha ka boqooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax looliyey ahaansho (bir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ololsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ololay ahaansho (dab).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ololsan
der. [adjective] inflamed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ololsan
-aa: (n) aflame (a faleeym); ablaze (a baleeyz), afire (a faayar), on fire, in flames
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololsan
(tilmaame) dab belbelsan oo holcaya ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ololsan
de: inflamed
lx: ololsan
pd: (ololsanaa)
ps: adj-der
key: ololsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax kale u citiraaftay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax kale u citiraaftay ahaansho. m.f.dh, aqoonsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonsan
der. [adjective] recognized (as someone ~ something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsan
(tilmaame) mid wax garanayo ama cid kale ictiraafsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonsan
de: recognized (as s.o. ~ s.t.)
lx: aqoonsan
pd: (aqoonsanaa)
ps: adj-der
see: aqoonso
key: aqoonsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolin
m.f.dh eeg baqooli. la-mid: baqoolis, baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel dheer u hayaamin oo u rarid. Hadday abaari jirto baqoolinta xooluhu waa lama huraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqoolid
(Boqoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; dhalandhoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolid
m.dh la-mid: baqoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolis
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joqofsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: juqufsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolsii
(fal) cid kale, rar oo meel dheer u hayaami. Dh: boqooli, baqooli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsolsan
(tilmaame) neef la xalaaleeyey. Waanbaa noo birsolsan manta. Dh: gawracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqollaal
-ka: (magac, lab, keli) tiro aan xadidnayn oo boqol illaa sagaal boqol u dhaxaysa. Boqollaal ciidan ah ayaa magaalada soo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho. m.f.dh, caloolsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolsan
der. [adjective] contented, satisfied; person that has no complains
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolsan
-caloolsamaa / caloolsamayd: (adj) happy (hap-i); pleased (pliizid); delighted (di-laaytidh) ~ faraxsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolsan
de: contented, satisfied; [ext.] person that has no complaints
lx: caloolsan
pd: (caloolsamaa)
ps: adj-der
key: caloolsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daloolsan
-aa / ayd: (adj) drilled (diriiled); bored (booridh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoonsan
f.mg4 (-oonaa, -oonayd) Wax yohoomay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) baqoolid waqti cadceeddu kulushahay, socoshada hadhimada dabadeed. Sii boqoolitaan baad tihiin. Dh: dhalandhoolitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax golongol hayo ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolsiis
m.l la-mid: baqoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayhoofsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid bayhooftay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayhoofsan
(tilmaame) wax dayacan oo baylahasan. Dh: jaahwareersan, basanbaasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirqoolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof la biirqoolay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirqoolan
(tilmaame) biirqool xidhan. Nin biirgoolanbaa kaalinta u hoosaysa ee ceelasha joogsada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqollofan
(tilmaame) duuduuban oo dhan walba ka dedan. Dh: hagoogan, dedan. Li: feydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoonsani
-da: (magac, dhedig, keli) baahi awgeed aad u hunguri xumi. Dh: mammani, yahoonsani, yuhuunsani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirqoolnaan
m.f.dh eeg biirqoolan. la-mid: biirqoolnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirqoolnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax biirqoolan ahaan. Biirqoolnaan ayuu lo'dii oo dhan wiilku ku waraabiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqool
baqool¹: m.l Safar duhurkii la socdo; dhalandhool. la-mid: baqoolid.
baqool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Duhur, socod gelid. la-mid: boqool².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) Duhur, socod gelid. m.f.dh, baqoolid. la-mid: boqool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqool
(fal) waqti cadceeddu kulushahay soco oo ha hadhgalin hadhimada dabadeed. Sii boqool tuulladu way fogtahaye. Dh: dhalandhool.
baqool -ka: (magac, lab, keli) socod dheer oo qorax kulaylaha la socdo, casar iyo duhur inta u dhaxaysa. Baqoolaha hadhsimadii, hadii buqulka lagu dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsan
(tilmaame) mid cabsi qaba. Nin baqsan col uma birdhigo. Dh: didsan.
baqsan: (tilmaame) caano xumaaday oo fud iyo faar u kala baxay. Caana baqsan buunshe ganaan baa dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bocool
(Bocoo-sha)
Qolof bahal-galeen ah oo aalaa laga helo dhulka waayadii hore baddu fadhiyi jirtey; aleel weyn; caroog; dhulman; tammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bocool
m.dh (-lo, m.l) 1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bocool
m.dh (-lo, m.l) 1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bocool
f. n. seashell species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bocool
-bocoosha: (n) [Pl. bocoolo- ha] seashell (sii sheel) ~ angaleel, alleel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocool
-sha: (magac, dhedig, keli) jidhfo ama qolofo badan laga helo dhulka beriyihii hore baddu fadhii jirtey sida aleelo waaweyn. Bocool haddii baddu lahaan jirtey ebryihii hore bannaankay fadhil jirtaa laga helaa. Dh: tammaan, caroog, dhulman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bocool
cf: aleel, laji
de: sea shell sp.
lx: bocool
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: bocool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bokool
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakool.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bolson
Qaydar, xiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booran
(tilmaame) sac la booray; sac boortii dabada kaga jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boosay
(Boosay-ga)
Faras boos ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosay
m.l la-mid: boos¹ (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boosay
m. n., [abstract] tan, off-white, beige color (of a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosay
(tilmaame) midabyada faraska mid ka mid ah. Faras boosay ah ayaa nagu soo baxay. Dh: hoos, boosey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boosay
bw: boos
cf: bood
de: tan, off-white, beige color (of a horse)
lx: boosay
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: boosay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqran
La boqray; boqor laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho. m.dh, boqranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqran
der. [adjective] crowned