boqolkiiba (%)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BOQOLKIIBA (%)
Percento (%)
Percent (%)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuur
(Canshuur-ta)
Lacag, boqolkiiba in, hantida laga baxsho oo dowladda la siiyo, danaha guud oo tolka (qaranka) dartood; ammaan; sedo; (ama cashuur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuur
canshuur¹: m.dh (-ro, m.l) Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. la-mid: cashuur¹.
canshuur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Hanti canshuur ka bixin. 2. Cid canaadid. la-mid: cashuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilyam
m.l (kiimika) Mid ka mid ah neefaha naadirka ah ee ku jira hawada, dhammaantood waxay ka koobanyihiin boqolkiiba .01 ee hawada qallalan; xaddiga hiiliyam mid buu ka yahay 200,000.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moor
m.l (-rar, m.l) 1. Shay cusub ama aan la doonayn in la furo wax lagu xiro. 2. Lacagaha la bixinayo canshuur yar oo boqolkiiba in dawladdu ku leedahay. 3. M. ah: qof cayr ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canshuur
canshuur¹: m.dh (-ro, m.l) Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. la-mid: cashuur.
canshuur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Hanti canshuur ka bixin. 2. Cid canaadid. m.f.dh, canshuurid. la-mid: cashuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiilyam
m.l (kiim.) Mid ka mid ah neefaha naadirka ah ee ku jira hawada, dhammaantood waxay ka koobanyihiin boqolkiiba .01 ee hawada qallalan; xaddiga hiiliyam mid buu ka yahay 200,000.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moor
m.l (-rar, m.l) 1. Shay cusub ama aan la doonayn in la furo wax lagu xiro. 2. Lacagaha la bixinayo canshuur yar oo boqolkiiba in dawladdu ku leedahay. 3. M. ah: qof cayr ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Percent
Boqolkiiba
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
%
Boqolkiiba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
percent
/persent/ (adv) boqolkiiba (boqol kasta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
percentage
/persentij/ (n) boqolleey (boqolkiiba).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KAYD
Risparmio
Saving
Waa dhigaal lacageed oo ku kaydsan Banki, wuxuuna u kala baxaa dhawr hab, sida badanse waxaa lagu dhaqmaa labo hab: (1) Kayd dulsaar dhalis ah iyo; (2) Kayd dulsaar laawe ah. Kan koowaad waa kan kaydlaha iyo Bankigu ku heshiiyaan dulsaar boqolkiiba in ah (%) haddii lacagta kaydsani Bankiga oollayso in muddo lagu heshiiyey ah, ayadoo aan laga qaadqaadin, waxaana loo yaqaan «KAYD GOORAYSAN».
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MOOR
Bollo
Stamp-duty
Waxaa lagu dul dhajiyaa warqad kasta oo ay ka muuqato hawl la qabtay, wax la kala gatay, mushaar la bixiyey, iwm., waxaana qiimihiisa loo qiyaasaa boqolkiiba in sharci ku qotonta.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Percent
Boqolkiiba
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Percentage
Boqolkiiba
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Percentage (economics)
Boqolkiiba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolley
-da: (magac, dhedig, keli) saamiga uu shay ka yahay boqolkiiba tiro ahaan. Ka shaqee xisaabtan boqoleyda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalabka lagu cabbiro huurka hawada; inta boqolkiiba uumibiyood ku jirta hawada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pourcentage
pourcentage, n.m. - boqolkiiba (inta tiro mid kale ka tahay boqolkiiba)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolkiiba
de: percent Lit: each hundred
lx: boqolkiiba
ps: np
key: boqolkiiba