boqnajarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnajarid
m.dh la-mid: boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnajarid
-da: (magac, dhedig, keli) boqnaha ka goyn oo curyaamin. Boqnajarid gawrac baa u dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnajar
f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: boqnagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnajar
-ka: (magac, lab, keli) eeg boqnagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnagoyn
m.f.dh eeg boqnagoo. la-mid: boqnagooyo, boqnajarid, boqongooyo, boqongoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqondhaw
-ga: (magac, lab, keli) boqnajarid; boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdajabid
-da: (magac, dhedig, keli) jab kaa soo gaara bowdada ama fashilaad iyo dhabarjab hawl kaa soo gaadha. Bowdajabid ku rida cadowga oo baallaha ka mara. Dh: bawdajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqacararid
m.f.dh eeg baqacarar². la-mid: baqacarar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqacararid
-da: (magac, dhedig, keli) baqacarar samayn oo dagaal socda ku baxsasho. Ciidan jabaa baqacararid ku dagaallama.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BANAARI
(Banari) S Gloriosa superba L. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjari
(fal) shaag, kubbad iyo waxii la mid ah neefta ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqlaad
numeral: hundredth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boqlaad
-ka: (n) hundredth (han dhareedhth); 100th ~ boqolaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqlaad
a: boqolaad
de: hundredth
lx: boqlaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqlaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaag iyo wax la mid ah, neefta ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaris
-ka: (magac, lab, keli) banjarinta shaagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarid
m.f.dh eeg banmar². la-mid: banmar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banmarid
-da: (magac, dhedig, keli) nadaafadxumo sac lagu lisay darteed u caano yarayn. Xooluhu banmaridda way ku naasabeelaan. Dh: balmarid. banmarin -ta: (magac, dhedig, keli) neef gacan aan nadiif ahayn ku lisid oo sababtaa darteed u caanayarayn. Dh: balmarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomaarid
m.f.dh eeg oomaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaarid
-da: (magac, dhedig, keli) baylid oo uumi bixin. Dh: baylid.
oomaarid -da: (magac, dhedig, keli) ur qadhmuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarid
(Barbaarid-da)
Barbaar noqosho; korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarid
m.f.dh eeg barbaar³. la-mid: barbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqosho; barbaar noqosho. Dh: hanaqaadid, korid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bookaarad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakoorad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaarid
m.dh la-mid: koosaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarid
m.f.dh eeg koosaar². la-mid: goosaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarid
-da: (magac, dhedig, keli) koosaar ku darid; suugo ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsaarid
(Korsaarid-da)
Dusha wax ka saarid (faa'ido, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsaarid
m.f.dh eeg korsaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) shey meel yaal oo wax kale korka laga saaro. Dh: duldhigid.
korsaarid -da: (magac, dhedig, keli) shay korka ama madaxa saarid. Dh: dushasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaarid
(Liqdaarid-da)
Wax liqdaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarid
m.f.dh eeg liqdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toosan meel ku tigtigid oo ku xajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugajarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhibaato kaga dhacday lugaha ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minawarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala maammulid. Dad ayaa loo tababaraa minawaridda maraakiibta badaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooqaarid
m.dh la-mid: qarqoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qǫoqaarid
m.f.dh eeg qǫoqaar². la-mid: qǫo qaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraarid
m.f.dh eeg qooraar². la-mid: qooraarsad, qoraarsasho, qooraarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soosaarid
m.dh 1. (kiimika) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiimika) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soosaarid
m.dh 1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xulashada leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soosaarid
vl. n. production, producing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soosaarid
cf: kabixin
de: production, producing
initial: s
lx: soosaarid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soosaarid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
soosaarid
إنتاج
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqraarid
m.dh la-mid: tiqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la kala jeexay, labadiisa dhinac kala durkin. Dh: tiqraarid. taqraarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la taqraaray ahaan; tiqraarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
timajarid
m.dh Habka timaha loo jaro ama loo qurxiyo. la-mid: timajar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timajarid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha isku simin oo qurxin; timojarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraarid
(Tiqraarid-da)
Tiqraar dhexgelin, ku kala celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiqraarid
m.f.dh eeg tiqraar². la-mid: taqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) tiqraar dhexgelin; ku kala celin. Tiqraarida ka daa afka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararid
-da: (magac, dhedig, keli) barbarar iyo buurbuurni yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylajarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faylagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnabarid
m.f.dh eeg gacnabar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qori jarid
Lumbering
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo saarid
Transpiration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqondhebid
m.f.dh eeg boqondhaw². la-mid: boqondhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqondhebid
-da: (magac, dhedig, keli) boqondhaw samayn. Boqondhabiddu waa fal xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coobbakarid
-da: (magac, dhedig, keli) astaan dagaal muujin ah. Dh: doobbatuurid, dhoollatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolcararid
m.f.dh eeg foolcarar². la-mid: foolcarar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolcararid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foolcarar.