boqnagoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnagoyn
m.f.dh eeg boqnagoo. la-mid: boqnagooyo, boqnajarid, boqongooyo, boqongoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnaha oo neef ama noole kale laga jaro oo socodka loo diido. Boqnagoyntu waa fal xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnagooye
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolo raacidda ku xun oo xoolaha laaya. Boqnagooye ma liibaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnagooyo
m.dh 1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. la-mid: boqnagoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

boqnajarid
m.dh la-mid: boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqondhaw
-ga: (magac, lab, keli) boqnajarid; boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gomodgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnagoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. la-mid: boqnajar, boqongoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqnagoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. m.f.dh, boqnagoyn. la-mid: boqnajar, boqongoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqnagoo
v. make lame by cutting the tendons; make someone suffer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boqnagoo
-yey/boqnogowsay: (v) cripple by cutting Achilles tendon; disable, damage or harm someone ~ faylagoo, boqonta gooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnagoo
(fal) wax socda boqnaha ka goo. Neefka boqno goo oo gawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqnagoo
de: make lame by cutting the tendons; [ext.] make s.o. suffer
lx: boqnagoo
pd: (boqnagooyey)
ps: v2a=tr
key: boqnagoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqongoyn
m.dh la-mid: boqnagoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqongoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef nool, seedda boqnaha goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogagoyn
m.f.dh eeg hogagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xolagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolagooyo wax ku siin. Dh: kaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo lugajarid. Dh: gonadgoyn, gomodgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoqobgoyn
(Qoqobgoyn-ta)
Farsamo lagu sameeyo ilmasidaha wareegsan ama afkiisu qalloocan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoqobgoyn
m.f.dh eeg qoqobgoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoqobgoyn
vl. n. surgery on the womb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoqobgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) farsamo lagu hagaajiyo ilmagaleenka wareegsan ama afkiisu qalloocan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoqobgoyn
de: surgery on the womb
lx: qoqobgoyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qoqobgoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqongooyo
m.dh la-mid: boqnagooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqongooyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boqnagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraggoyn
m.f.dh eeg qooraggoo. la-mid: qooraggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaggoyn
(Xoolaggoyn-ta)
Xoolaggooyo wax ku siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaggoyn
m.f.dh eeg xoolaggoo. la-mid: xoolaggooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqonta gooy
v. undermine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqonta_gooy
de: undermine Lit: cut the Achille's tendon (of s.o.)
lx: boqonta gooy
pd: (gooyey)
ps: v2a=idiom
key: boqonta_gooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel geedo leh ka jirid oo ban ka dhigid. Dh: daleedayn.
banayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhan furid. Dh: bannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
binayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri iyo wax la mid ah, dhisid. Sida daarihii bari, ma bineeyey agalkii. Dh: dhisid, binays.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bonbon
bonbon, n.m. - Macaan; dhadhan macaan; macmacaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqran
La boqray; boqor laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho. m.dh, boqranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqran
der. [adjective] crowned
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boqran
name-f crown prince/princess. Syn: Boqoro, Boqran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Boqran
magaca gabadh dhalatay iyada oo madaxa shaqlan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqran
(tilmaame) nin la boqray; boqor laga dhigay. Nin bogran beeshiisu ma mooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqran
de: crowned
lx: boqran
pd: (boqranaa)
ps: adj-der
key: boqran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongon
m.l Hoor yar oo weel salkiisa ku haray; goror.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gongon
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dareere ah. Dh: dhif, tiix, dhibic, tifiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagayn
m.dh la-mid: negayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid socdaali lahayd baajin. Dh: oolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannayn
(Bannayn-ta)
Waxa ku gudban ka wareejin; bannaan ka dhigid; furid; jideyn; sharciyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannayn
m.f.dh eeg bannee. la-mid: bannaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel furid oo wax ku awdan ka qaadid. Kol hadduu dhulku gabaw yahay maxaad bannaynta daaqadda ku fali? Dh: furid, fasixid. Li: xidhid, awdid, oodid.
bannayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, geedo iyo dhirba ka gurid. Dh: bannaanayn.
bannayn-ta: (magac, dhedig, keli) qaanuun ahaan wax bannaan ka dhigid oo sharciyayn.
bannayn -ta: (magac, dhedig, keli) weel wax ku jireen madhin oo faaruqin.
bannayn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax lagugu soo ganay ama tuuray u bannayntii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenayn
(Beenayn-ta)
Been ka dhigid; beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenayn
m.f.dh eeg beenee. la-mid: beenin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenayn
-ta: (n) the act of rebutting; rebuttal (ribatel); disproof (dis-buruuf) ~ beenin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenayn
-ta: (magac, dhedig, keli) been ka dhigid, wax la sheegay run ma ah dhehid. Dh: beenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqlayn
(Biqlayn-ta)
Biqle samayn; biibbiilayn; jaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlayn
m.f.dh eeg biqlee. la-mid: biqlays, biqle (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada lugood ee danbe oo wada jira, ku harraatiyid. Dh: jaflayn, biibiilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Octagon
Siddeedgeesle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
octagon
/oktagon/ (n) siddeed xagale (qaab siddeed xagal iyo siddeed dhinac leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonayn
(Roonayn-ta)
Wax roon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonayn
m.f.dh eeg roonee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barigoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) buullayn oo neef iyo wax ka badan u qalid. Barigoyntu waa xeer hore oo Soomaalidu isku ogayd. Dh: badhigoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqnajar
f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: boqnagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnajar
-ka: (magac, lab, keli) eeg boqnagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqongoo
f.g2 (-ooyay, -ooysay) la-mid: boqnagoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqongoo
(fal) noole, boqnaha jar oo wax curyaan ah ka dhig. Awrka boqongoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u eryesho oo daalin; orod ku daalin. Nafleydu waa adoo kale ee cagagoynta ka ilaali oo mar mar nasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodgoyn
m.f.dh eeg foodgoo. la-mid: foodgooyo (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoyn
m.f.dh eeg googgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaangoyn
(Jaangoyn-ta)
Wax la dhisa hayo ama la tola hayo, qaab u yeelid; habayn; hannaanin; sargoyn; qorshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaangoyn
m.f.dh eeg jaangoo. la-mid: jaangooyo (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaangoyn
v., [compound] plan, design
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalagoyn
vl. n. cutting apart; subtraction {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wax loo xisaabiyo oo lidka ku ah iskugeynta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalagoyn
cf: isdhimid
de: cutting apart; subtraction {mathematics}
lx: kalagoyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kalagoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) geed laamaha la goyn si waddada loo banneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaal ka bixid oo dadka iyo waaqica la qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoongoon
-ka: (magac, lab, keli) geed gaab aan qodax lahayn laamo toostoosan o guryaha lagu dhisto leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooragoy
-ga: (magac, lab, keli) faras senge ah ah oo lagu dagaal galo. Dh: goodhagoys, gooragooye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid qaamaysan tudh ku dhihid. Nin deyn qabaa yoongayn buu ka baqaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aankagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan iskii isu taagin oo mid kale ku xidhan ama raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggoyn
m.f.dh eeg bariggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqageyn
(magac, dhedig, keli) daajinta xoolaha ee barqadii. Barqageynta adhiga ha barina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bongareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.