boostokaadh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boostokaadh
-ka: (n) postcard (poowst kaardh) ~ boostokaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booxaadh
-ka: (magac, lab, keli) hadalka nahnahda ah ee bawaarku ku hadaadaqo. Dh: faataadhug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boostaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waraaqaha boostada ka soo qaada oo dadkii lahaa u geeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boostaale
-boostaalaha: (n) [Pl. boostaalayaasha] mailman (meeyl-maan); postman (powst man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boostaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka boosta ka shaqeeya, warqadaha kala habeeya, sanduuqyada ku kala rida. Dh: booswale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Boosaaso
pr. n., loc. Bosaso [coastal city in north east Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Boosaaso
(n) Bosaso; Northwest port city of Somalia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booshaaq
(fal) si qaabdaran u walaaq. Caanaha iyo shuurada isku booshaaq. Dh: rufaaq.
booshaaq -a: (magac, lab, keli) si qaab xun u walaaqid. Booshaaq kala daashay shuuradii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootaale
m.l la-mid: bootoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqoraad
der. [adjective] imperial, royal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqoraad
de: imperial, royal
lx: boqoraad
ps: adj-der
key: boqoraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg cofaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bastoolad
* (Bastoolad-da)
Qalab yar oo fudud oo xabbado ka dhacaan oo gacan keliya lagu qaado oo lagu nishaabo oo lagu rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bastoolad
m.dh (-do, m.l) Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. la-mid: baastoolad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bastoolad
m.dh (-do, m.l) Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. la-mid: baastoolad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bastoolad
f. n. revolver, pistol, hand gun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bastoolad
-da: (n) [Pl. bastooladdo] handgun (haandh gan); pistol (pis tal); revolver (rivool var) qori-gacmeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bastoolad
-da: (magac, dhedig, keli) haan yar oo qalabka geerashyada gaadhiyada lagu rinjiyeeyo ka mid ah oo si xoog leh oo neefi la socoto ka saartaa rinjiga. Bastooladda ku rinjiyee gaariga.
bastoolad -da: (magac, dhedig, keli) jaad hubka fudfudud ka mid ah oo gacanta lagu rido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bastoolad
a: baastoolad
bw: Arabic
de: revolver, pistol, hand gun
lx: bastoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: bastoolad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bastoolad
مُسَدَّس
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bistoolad
-a: (n) [Pl. bistoolado-ha] pistol (pistaly, revolver (ri-volvar); handgun (haandh-gan) ~ bastoolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boosteeya
name-f female ostrich; beautiful and easy going; over-shadow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooshaash
-ka: (magac, lab, keli) habka loo daajiyo xoolaha siiba adhiga iyo geela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosimaad
-ka: (magac, lab, keli) daaq badan; caws badan oo meel ka baxay. Goosimaadka meeshii lahayd waa gelgelintaase.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogto ah
adj., [expression] permanent; usual, constant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogto_ah
de: permanent; usual, constant
lx: joogto ah
ps: adj-expr
xe: I am in constant pain.
xv: Xanuun baa i haya si joogta ah.
key: joogto_ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kontomaad
m.l.t.j Midka ku abbaaran tirada konton. la-mid: kontonaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kontomaad
m.l.t.j Midka ku abbaaran tirada konton. la-mid: kontonaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kontomaad
-ka: (magac, lab, keli) wax ka kooban shan tobnaad. Kontomaadkii buu dhashay garaadka beeshu. Dh: konton. Wa: kontonno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kontonaad
m.l.t.j Tirada jagaale, kan kontonka u dhigma. la-mid: DSI, kontomaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kontonaad
m.l.t.j Tirada jagaale, kan kontonka u dhigma. la-mid: kontomaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kontonaad
numeral: fiftieth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kontonaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro konton ka kooban. Dh: kontomaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kontonaad
a: kontomaad
de: fiftieth
lx: kontonaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: kontonaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadh
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka gungaadh; ka salgaadh; yoolgaar.
yoolbaadh -ka: (magac, lab, keli) 'erey ciidan' hab yool la toogan doono loo raadsho. Dh: yoolbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadh
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama wax kale ka salgaadhid. Taladii reerka yoolgaadh laga waa. Dh: gungaadh, yoolgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baastoolad
m.dh la-mid: bastoolad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baastoolad
f. n. pistol, revolver
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baastoolad
-da: (n) pistol (pis tel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baastoolad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab hubka fudfudud ka mid ah oo siddaha loo sudho suunka dhexda lagu xidho oo inta badan qaadda lix rasaasood oo yaryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baastoolad
a: bastoolad
bw: Arabic
de: pistol, revolver
lx: baastoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: baastoolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootimaale
(Bootimaala-ha)
Cayaar ku dhisan booddo jaadad badan leh; bootin-cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootimaale
m.l Tartan lagu tartamo bootin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootimaale
m. n., [collective] dance characterized by much jumping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootimaale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar geed, ood ama meel sare laga boodo. Bootimaale kaalay aan ciyaarnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bootimaale
de: dance characterized by much jumping
lx: bootimaale
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: bootimaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonyoqaad
-ka: (magac, lab, keli) qofka damiinka u kala qaada dad is haysta. Doonyaqaad dulmi ma waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaadh
-ka: (magac, lab, keli) ciidanka marka shiishka la barayo rasaasta ay tababar ahaan yoolbeenaadka ugu ridaan. Goolibaadhka ciidanku waa buurta hoosteeda oo aan dad iyo xoolo toona joogin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosteesad
-da: (n) a female flightattendant: stewardess (stuu-war-dhes);
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob xaadh
Rain wash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosh cadde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nooc bariiska ka mid ah oo aad u tarma marka la kariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolibbaadh
m. n. rifle range, target
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolibbaadh
de: rifle range, target
lx: goolibbaadh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: goolibbaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koostiksoodha
-da: (magac, dhedig, keli) adke cad oo sayaxmilme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiyemilme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
monosakaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
monosakaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
monosakaraydh
-ka: (magac, lab, keli) kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.