boornaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boornaan
m.f.dh eeg booran. la-mid: boornaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boornaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax booran ahaan. Saca ilma diidka ahi boornaan la'aan ma godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraan
(Booraan-ta)
God hoos u dheer; uub; lun; hataq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraan
m.dh (-aamo, m.l) God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booraan
f. n. deep hole; large hole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booraan
-ta: (n) a large cave (keeyv); ditch (dish); trench (tareenji); cavern (kaaven) ~ bohol, qaxaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraan
-ta: (magac, dhedig, keli) godadka waaweyn, daadadka ama bahaluhu qodeen. Booraan hadimo ha qodin ku dhici doonteena mooyee. Dh: bohol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booraan
de: deep hole; large hole
lx: booraan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: booraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soornaan
m.f.dh eeg sooran. la-mid: soor-naansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toornaan
m.f.dh eeg tooran. la-mid: toornaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boornaansho
m.l/dh la-mid: boornaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booritaan
-ka: (magac, lab, keli) sac irmaan oo dabada maydhax gumareed ama wax kale laga geliyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boornaato
-da: (magac, dhedig, keli) dawo dhammaajo. Boornaato dhiig ma baajisaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqranaan
m.dh eeg boqran. la-mid: boqranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la boqray oo boqor laga dhigay ahaan. Boqranaanta boqoradda waa la wada ogol yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoornaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa oo aan dhinnaan lahayn. Li: madhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booran
(tilmaame) sac la booray; sac boortii dabada kaga jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barnaan
(Barnaan-ta)
Aan buuxin; bar ahaan; kala-barnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barnaan
m.f.dh eeg baran². la-mid: barnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barnaan
f. n. incomplete state; state of being halved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel aan buuxin oo ka la badhan. Dh: badhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barnaan
de: incomplete state; state of being halved
lx: barnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: barnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaan
m.l/dh (-aamo, m.l) Koor weyn oo geela loo xiro. la-mid: buudaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaan
-ta: (magac, dhedig, keli) koorta geela loo xidho midda ugu weyn. Boodaanta geela xidhanee, badhtamaha hilada daaqaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootaan
(Bootaan-ta)
1. Bus; habaas.
2. Meesha buska leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootaan
m.dh 1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootaan
m.dh 1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bootaan
name: Bootan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootaan
f. n., (mass n.): dust; dusty place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bootaan
name-m dust; a dusty place. Lit: he who was born at a dusty place or white-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg boodh.
bootaan -ta: (magac, dhedig, keli) meesha busta leh ee boodhka badan ka kaco. Bootaanta habaaska leh iyo markaan beri ka soo guurrey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaan
(Booyaan-ka)
Hadal badan oo aan duluc lahayn oo layska taxo; daroori; sooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaan
booyaan¹: m.l 1. Hadal badan oo aan duluc lahayn. 2. la-mid: booyaamid.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booyaan
booyaan¹: m.l Hadal badan oo aan duluc lahayn.
booyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay, -aami) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid. m.f.dh, booyaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booyaan
v. chatter, ramble on
booyaan vl. n. meaningless talk, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaan
(fal) ku dhawaaq cod ujeeddo leh. Aan booyaamo xalay baa hurdada, layla baashiraye.
booyaan: (fal) hadal aan kala joogsi lahayn. Dh: daroori, dhuran, daldalan.
booyaan -ka: (magac, lab, keli) hadal bad ah oo aan nuxur lahayn. Booyaanka badan bannaanka ula bax. Dh: sooyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraan
f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax hareerayn. 2. (f.mg) Maanso tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hornaan
m.f.dh eeg horan. la-mid: hornaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooraan
-ka: (magac, lab, keli) qayb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yagaan danab, loona isticmaalo awooddhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iyo wixii la mid ah.
kooraan -ka: (magac, lab, keli) xiisadda jacda ama jacda iyo danabka laftiisa. Dh: koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodnaan
m.f.dh eeg oodan4. la-mid: oodnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhinac walba ka soo xidhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oognaan
(Oognaan-ta)
Aad u shidnaan; wax oogan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oognaan
m.f.dh eeg oogan². la-mid: oognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oognaan
f. n., [abstract] state of blazing; burning brightly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u abaabulnaan; dardar joogsi lahayn yeelasho.
oognaan -ta: (magac, dhedig, keli) aad u shidnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oognaan
de: state of blazing; burning brightly
lx: oognaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: oognaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qornaan
m.f.dh eeg qoran. la-mid: qornaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qornaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonaan
(Roonaan-ta)
Roonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonaan
m.f.dh eeg roon. la-mid: roonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roonaan
f. n., [abstract] improvement; being better off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan oo fiicnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roonaan
a: roonaansho (/ha) [vn-m-st]
de: improvement; being better off
lx: roonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: roonaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sooraan
name-m giver of food; host; distributor. Syn: Sade, Soore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernaan
m.f.dh eeg beeran². la-mid: beernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beeran ama abuuran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurnaan
(Buurnaan-ta)
Buuran ahaan; cayillaan; shishlaan; weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurnaan
m.f.dh eeg buuran. la-mid: buurnaansho, buurni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurnaan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurnaan
-ta: (n) obesity (oo-bii-siti); fatness (faatnes) ~ buurni, buurnaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuran oon weyd ahayn ahaan; hilib badan lahaan. Buurnaanta isboori ayaa lagula dagaallamaa. Dh: buurri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurnaan
de: stoutness, obesity, fatness
lx: buurnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buurnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooryaan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan dibaato u leh aadanaha oo duula dushana qolof adag ku leh. Dh: doorshaan, daaruqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxnaan
(Dooxnaan-ta)
Wax la dooxay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxnaan
m.f.dh eeg dooxan². la-mid: dooxnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooxnaan
f. n., [abstract] state of being gutted ~ disembowelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid caloosha laga dillaaciyay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooxnaan
de: state of being gutted ~ disembowelled
lx: dooxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dooxnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) buurnaan soo beyni baxday oo muuqata ahaan. Foocnaanta likaha si dhib fududbaa loo arkaa. Dh: foocniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foognaan
(Foognaan-ta)
Foognaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foognaan
m.f.dh eeg foogan. la-mid: foognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foognaan
f. n., [abstract] state of being raised ~ lifted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kor wax ugu taagnaan. Foognaanta maxaa kuugu wacan?
foognaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax ku mashquulsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foognaan
a: foognaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being raised ~ lifted
lx: foognaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: foognaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaan
question word, vl. pron. when ... I?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaan
de: when ... I?
lx: goormaan
ps: qw + vpro
xe: When am I going to see her?
xv: Iyada goormaan arkayaa?
key: goormaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goortaan
(conjunction) during the time at which; while (waayl)-, when (ween) ~ waagaan. Ex: goortaan yaraa, waan ciyaar baadnaa; when (while) I was young, I was playful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gooryaan
(Gooryaan-ka)
Dixiri jaadad badan ah oo xiidmaha gudohooda ku dhasha oo ku noolaada oo lala bukoodo; ~ masas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryaan
m.l.u Deriskunool dhuuban, dheer, cad, oo caloosha nafleyda qaarkeed ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gooryaan
m.l.u Deriskunool dhuuban, dheer, cad, oo caloosha nafleyda qaarkeed ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooryaan
m. n., [collective] intestinal worms, ascarid ((Ascaris lumbricoides))
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gooryaan
-ka: (n) intestinal parasitic roundworm worm (werm)-, [Ascaris lumbricoides]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooryaan
-ka: (magac, lab, keli) dirxi calooleed; dirxi jaadad badan leh oo xiidmaha gudohooda ku dhasha oo lala bukoodo. Gooryaan ayaa caloosha kaga jira Jaamac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooryaan
bw: \de
de: intestinal worms, ascarid,
lx: gooryaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
sc: Ascaris lumbricoides
key: gooryaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gooryaan
دُوَيْبَةٌ مُسْتَطِيلَة، دُودَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolnaan
m.f.dh eeg hoolan². la-mid: hoolnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joornaal
m. n. journal, newspaper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joornaal
-ka: (n) journal (joornal); newspaper (niyuuspaper) ~ jariidad, majallad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joornaal
-ka: (magac, lab, keli) wargeys meel iyo milay ka soo baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joornaal
de: journal, newspaper Alt sp: jornaal {Eng}
lx: joornaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: joornaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobnaan
m.f.dh eeg kooban². la-mid: koobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kooban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooryaan
(Mooryaan-ta)
Dad la dhacay; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooryaan
m.dh.u 1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooryaan
m.dh.u 1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooryaan
f. n., [collective] poor people (living in misery)