booraandawaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraandawaco
m.dh God dawaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraandawaco
-da: (magac, dhedig, keli) erey ciidanku adeegsado oo looga jeedo ateero aan dheerayn oo askarigu samaysto. Booraandawaco buur lagama qotee bus baa laga qotaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraandacawo
-da: (magac, dhedig, keli) godka dacawadu gasho. Booraandacawo bowdo lafeed lagama waayo. Dh: boholdawaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haandawaco
m.dh Adaahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haandawaco
-da: (magac, dhedig, keli) geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban. Dh: adaahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darandawaco
(Darandawaca-da)
Daranta jaadadkeeda mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandawaco
m.dh Nooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darandawaco
f. n., [compound] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandawaco
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah noocyada geedka daranta la yidhaa ka mid ah. Neefku wuxu daaqay darandawaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darandawaco
de: tree sp.
lx: darandawaco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: darandawaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufandawaco
m.dh Cunno yar oo aan laga dhergin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufandawaco
m.dh Cunno yar oo aan laga dhergin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DARAN-DAWACO
(Daran-dawao) C Zygopyllum somalense Hadidi Zygophyllaceae.
C Limonium cylindrifolium (Forsk) Cuf. Plumbaginaceae.
N, C, S Limonium distichum Wilmot-Dear. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansasho
(Qooraansasha-da)
Wax eegid iyadoo qaarka sare la godayo ama kor loo qaadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansasho
m.f.dh eeg qooraanso. la-mid: qooraansad, qooraansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooraansasho
-da: (magac, dhedig, keli) si qoollaalli ah wax u eegid. Dh: goodaaliyid, goollaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boor-kamakacdo
m.dh (-ooyin, m.l) Haween isku darsatay caajisnimo iyo baalinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadawaco
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca waylaha dubkoodana u yeela bul bul tiro badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsanaan
m.f.dh eeg doorsan². la-mid: doorsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beddelan ahaan. Dh: qayirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodadaabo
-da: (magac, dhedig, keli) luggooyo iyo dibindaabyo. Dh: hadimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansad
(Qooraansad-ka)
Qooraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansad
m.l la-mid: qooraansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooraansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qooraansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaalayso
(fal) bootindhisad ku tartan oo ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraysasho
(Booraysasha-da)
Ciid boor leh ku weesaysasho, biyo la'aan ama sabab kale darteed; goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysasho
m.f.dh eeg boorayso. la-mid: booraysad, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) siigo ku tayamumid. Haddii biyo la waayo booraysashadu way bannaan tahay. Dh: boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boornaansho
m.l/dh la-mid: boornaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boornaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid booran ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraanqaad
-ka: (magac, lab, keli) habsocod, degdeg ama gaabis ah oo ka hore lagu daydo. Awrba awrka horuu horraanqaadkiisa leeyahay. Dh: socod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilkaddawaco
(Ilkaddawaca-da)
Xanuun-carruureed, ilkaha caanannuug soo bixiddoodu ku wacan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaddawaco
m.dh (daawo) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. la-mid: ilkow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilkaddawaco
m.dh (daaw.) Cudur ilkeed, caruurta yaryar ku dhaca marka ilkaha u soo baxayaan; ilkow. la-mid: ilkow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilkaddawaco
f. n., [compound] teething trouble (in infants)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilkaddawaco
de: teething trouble (in infants) Lit: jackal teeth
lx: ilkaddawaco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: ilkaddawaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubaddawaco
(Kubaddawaca-da)
Caloosha xoolaha dhinaceeda lakabyada leh; kubabbaalalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubaddawaco
m.dh Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kubaddawaco
m.dh Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubaddawaco
f. n., [compound] layers of an animal's stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubaddawaco
-da: (magac, dhedig, keli) caloosha xoolaha dhinaceeda lakabyada leh; kubabbaalalley. kubadhagaxoobid -da: (magac, dhedig, keli) kubadhagaxow qabid ama ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubaddawaco
de: layers of an animal's stomach
lx: kubaddawaco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: kubaddawaco
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MEYRODAWACO
Aristida adscensionis 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqranaansho
m.l/dh la-mid: boqranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqranaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la boqray oo boqor laga dhigay ahaansho. Dh: boqranaan. boqrani -da: (magac, dhedig, keli) eeg boqranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansasho
m.f.dh eeg hoogaanso. la-mid: , hoogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraarsasho
m.dh eeg qooraarso. la-mid: qooraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsanaansho
m.l/dh la-mid: doorsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax beddelan ahaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaansanaan
m.f.dh eeg looyaansan. la-mid: looyaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarsanaansho
m.l/dh la-mid: foororsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorarsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg foorarsanaan.