boollibarooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boollibarooro
-da: (magac, dhedig, keli) noole la bah ah balambaallista oo afar baal leh, meelaha biyaha dul wareegaa. Boolibarooro biyo lagama biyo laga ag waayo. Dh: baalalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaboolo
m.dh Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. la-mid: boolamboolo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booloboolo
(Booloboola-da)
Shinbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cad yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booloboolo
f. n. duck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booloboolo
-booloboolada: (n) duck (dhaak) boolonboolo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booloboolo
de: duck
lx: booloboolo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: booloboolo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
booloboolo
بَطْة، بَطْ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolamboolo
m.dh la-mid: boolaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolamboolo
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir cad oo luga dhaadheer oo badda ku dul socota; xuur badeed. Boolamboolo keli ma duusho. Dh: boolaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallaybaroor
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo balambaallista la jaad ah, inuu iskii hawada isku taago na awood u leh. Gaar ahaan, waxaa u ku nolyahay meelaha biyaha leh. Dh: boollibarooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalleybaroor
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallay-baroor.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAALEEY-BAROORTO
(Balei-barorto) S Heliotropium cineriscens DC. Boraginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iballaroor
m.l.u la-mid: ibalaroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooxarooxo
-da: (magac, dhedig, keli) geed aan iskii isku taagin oo ku marta geeda kale oo dhala midho la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolagooyo
-ha: (magac, lab, keli) hab dadka baahan ama cayrooba xoolo loogu urursho. Xoologooye waa xeer soo jiray. Dh: baahayn, dhawrtay taageero, xoolasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badalliroor
-ka: (magac, lab, keli) si birinbirqo iyo kibir ku jiro oo dugaagnimo ah u ordid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOCO-BOOCO
(Bo'o-bo'o) All.Som. Calotropis procera. (Ait.) Ait.F. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogcaloolo
m.dh la-mid: boogcalooleed¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogcaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boogcalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxoofto
m.dh la-mid: boolixoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixoofto
m.dh Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. la-mid: boolaxoofto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolixoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad af iyo addinba laga tilmaamo oo been ah. Cali wuu boolixoofto badan yahay. Dh: baalxoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolmaroodi
m.l Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolmaroodi
m.l Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolmaroodi
m. n., [compound] ivory; elephant's trunk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolmaroodi
-ga: (n) ivory (ayvari); elephant's tusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolmaroodi
-ga: (magac, lab, keli) foolka dheer oo fuqa sare kaga yaal maroodiga oo ka ganacsigiisa laga hortago. Waayadii hore dhulka Soomaalida waxa loo soo doonan jiray foolmaroodi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolmaroodi
cf: faanmaroodi
de: ivory; elephant's trunk
lx: foolmaroodi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: foolmaroodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallikaroon
m.dh (-nno, m.dh) Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalleybarro
m.dh Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalleybarro
m.dh Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boolonboollo
-boolonboollada: (n) duck (daak) ~ booloboolo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fool marood!
Task
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolestarool
m.l (daawo) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koolestarool
m.l (cilmiga naflayda) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalligaroow
(fal) eeg qaaliyow.