boolixooftayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixooftayn
m.f.dh eeg boolixooftee. la-mid: boolaxooftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxooftayn
m.dh la-mid: boolixooftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftay
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixoofto
m.dh Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. la-mid: boolaxoofto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolixoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad af iyo addinba laga tilmaamo oo been ah. Cali wuu boolixoofto badan yahay. Dh: baalxoofto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baalxoofto samayn oo hanjabaad; gooddi iyo cagajuglayn la imasho. Baalxooftaynta iska dhaaf oo bannaanka u soo bax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixooftee
f.g2 (-teeyay, -teysay) U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. la-mid: boolaxooftee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxoofto
m.dh la-mid: boolixoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxooftee
f.g2 (-teeyay,-teysay) la-mid: boolixooftee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftee
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee. Baalxooftee haddaad banaankaa mari weydo boodhkaad galgalan. Dh: hanjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgootayn
m.f.dh eeg foolaxgootee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si kibir iyo isqaadqaad ah u hanjabid. Dh: foolaxgooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoonayn
m.f.dh eeg toolmoonee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toolmoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toolmoon ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsanaa, mid foolxun ka dhigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolaaftan
-ka: (magac, lab, keli) carashada awrtu markay dagaal isku diyaarinayso ee ay isu dhibishaxanayso. Awrta goolaaftankeeda kala caydhi. Dh: hanjabaad, cartan, dhoollatus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalaxoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad aan run ahayn; cagajuglayn been ah, gooddiyid aan dhab ahayn. Dh:goolaaftan, jiirfeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftee
(fal) cid kale u cagajuglee; isku taartaar oo u hanjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toolmoonaan
(Toolmoonaan-ta)
Wax toolmoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoonaan
m.f.dh eeg toolmoon. la-mid: toolmoonaansho, toolmooni, toolmoonsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toolmoonaan
f. n., [abstract] goodness, beauty, virtue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toolmoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toolmoon ahaan. Dh: wanaagsanaan, quruxsanaan. toolmoonaansho -ha: (magac, lab, keli) qummanaansho; wanaagsanaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toolmoonaan
a: toolmooni (da) [n0-f-abs]
de: goodness, beauty, virtue
initial: t
lx: toolmoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: toolmoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoonsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: toolmoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toolmoonsan
(tilmaame) wanaagsan; qumman.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BOOLI QORAAL
Plagio
Plagiary
Waa qaabka loogu yeero qoraaga inta waxyaalo dad kale qoray soo guuriyo isu muujiya sidii asagoo waxyaalahaas qoritaankooda curiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo dhoofsan
adj., [expression] imported
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_dhoofsan
de: imported
initial: s
lx: soo dhoofsan
pd: (dhoofsanaa)
ps: adj-expr
key: soo_dhoofsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooratoorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socsocod badan oo aan fariisi ama joogsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolibabtaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boolibabtaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.