boolaxooftay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftay
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxooftayn
m.dh la-mid: boolixooftayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixooftayn
m.f.dh eeg boolixooftee. la-mid: boolaxooftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxoofto
m.dh la-mid: boolixoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaxooftee
f.g2 (-teeyay,-teysay) la-mid: boolixooftee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolaxooftee
(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee. Baalxooftee haddaad banaankaa mari weydo boodhkaad galgalan. Dh: hanjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixoofto
m.dh Faan iyo hanjabaad been ah oo cid loo jeediyo. la-mid: boolaxoofto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolixoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad af iyo addinba laga tilmaamo oo been ah. Cali wuu boolixoofto badan yahay. Dh: baalxoofto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolixooftee
f.g2 (-teeyay, -teysay) U b.: faan iyo hanjabaad cid u jeedin. la-mid: boolaxooftee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgootayn
m.f.dh eeg foolaxgootee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si kibir iyo isqaadqaad ah u hanjabid. Dh: foolaxgooddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalaxoofto
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad aan run ahayn; cagajuglayn been ah, gooddiyid aan dhab ahayn. Dh:goolaaftan, jiirfeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baalxoofto samayn oo hanjabaad; gooddi iyo cagajuglayn la imasho. Baalxooftaynta iska dhaaf oo bannaanka u soo bax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolaboolo
m.dh Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. la-mid: boolamboolo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boolaboolo
m.dh Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. la-mid: boolamboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolaaftan
-ka: (magac, lab, keli) carashada awrtu markay dagaal isku diyaarinayso ee ay isu dhibishaxanayso. Awrta goolaaftankeeda kala caydhi. Dh: hanjabaad, cartan, dhoollatus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalxooftee
(fal) cid kale u cagajuglee; isku taartaar oo u hanjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgootee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) U f: cid u faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgootee
(fal) eeg foolaxgooddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgooddin
m.dh la-mid: falaxgooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgooddin
-ta: (magac, dhedig, keli) si kibir iyo isqaadqaad ah u hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgooddis
m.l la-mid: falaxgooddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolaxgooddiyid
m.dh la-mid: falaxgooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaxgooddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foolaxgooddin.