boog-xiidmeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boog-xiidmeed
m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boog-xiidmeed
m.dh (-dyo, m.dh) (daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda 'O'. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac-xuub-ubuceed
m.l (-cyo ..., m.dh) (daawo) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iyo wixi lamida. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holac-xuububuceed
m.l (-cyo ..., m.dh) (daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka 1aad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iyo wixi lamida. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog-calooleed
(Boog-calooleed-da)
Nabar caloosha ka soo baxa; (ama boog-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boog-calooleed
f. n. stomach ulcer
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermixiidmeed
m.l (baay.) Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xoog xudduneed
Central force
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birciideed
Bir barxan, Birxaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boonbiyeed
m.l Ninka tababaradka bilowga ah ku jira ee loo carbinayo sida gammuunka loo gano waxna loogu dilo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
long-winded
/ (adj) hadal badan oo aan dhadhan lahayn (hadal dheer oo macna darra ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boog-calooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boogcalooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogcalooleed
-da: (magac, dhedig, keli) boog ama nabar caloolsha ka soo baxa. Dh: boogcaloolo, gaastari, nudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goob-milixeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.