boodays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodays
-ka: (magac, lab, keli) dhar aad u maydhid. Boodayska dharkaa gaari lagu arkoon jireye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhays
-ka: (magac, lab, keli) wax boodhayn; boodh marmarin. Dh: boorays.
boodhays -ka: (magac, lab, keli) boodh la isku daahiriyo oo salaadda lagu bannaysto sababo sharcigu caddeeyay aawadood, sida biyala'aanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootays
m.l la-mid: bootayn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Goodays
Qalabka lagu hantiyo dhuun-biyoodda la leexinayo ama la toosinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysi
-ga: (magac, lab, keli) boodhaysad ku weysaqaadasho. Dh: gabogabaysi, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhayso
(fal) boodh marso; ismarmari habaas si si salaad loogu bannaysto, biyo la'aaan awgeed. Dh: boorayso, tayamum, goggobayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) boodh marin; habaas ka dhigid. Boodhaynta gogosha aabbo ka ilaali. Dh: boorayn, siigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysi
m.l la-mid: booraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg booraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayso
f.mg3 (-stay, -satay) (dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorayso
f.mg3 (-stay, -satay) (dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum. m.f.dh, booraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorayso
v.auto: perform the Muslim ablutions before prayer with sand, when there is no water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayso
(fal) eeg boodhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorayso
de: perform the Muslim ablutions before prayer with sand, when there is no water
lx: boorayso
pd: (booraysaday)
ps: v3a=auto
key: boorayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysi
-ga: (magac, lab, keli) hab reer guuraagu ceelasha uga wada cabbaan oo ah in goloba maalin ku soo aroorto maalin ama labana ka qatanaato. Shaqada qoodaysi ayaan ku qabanayna Dh: kaltamid, kaayaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayso
(fal) dad hawl la qabo oo la kaalayso Dh: kaltan, miilayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badays
-ka: (magac, lab, keli) ceel weyn oo biyo badan. Dh: birqod. Li: goof, dhadhiin, galle, laas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobas
m.l Habaas; boor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodal
m.l (-llo, m.dh) Nin geesi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodal
-ka: (magac, lab, keli) biro waaweyn oo sagbadda la shubayo hoosta lagaga qabto oo tiirka haya iyo looxa sagbadda u goglan u dhexeeya oo kolky engegto laga furo. Boodal la'aan sagbad lama shubi karo, Dh: buudar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodis
-ta: (magac, dhedig, keli) bootin samayn.
boodis -ta: (magac, dhedig, keli) ka cadhooshaha fikir la soo jeediyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojay
m.l Maroodi yar oo caanannuug ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boosay
(Boosay-ga)
Faras boos ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosay
m.l la-mid: boos¹ (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boosay
m. n., [abstract] tan, off-white, beige color (of a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosay
(tilmaame) midabyada faraska mid ka mid ah. Faras boosay ah ayaa nagu soo baxay. Dh: hoos, boosey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boosay
bw: boos
cf: bood
de: tan, off-white, beige color (of a horse)
lx: boosay
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: boosay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codays
-ka: (magac, lab, keli) eeg codayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodayn
(Oodayn-ta)
Ood saarid; ood ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodayn
m.f.dh eeg oodee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oodsaarid ama ood ku meerin. Isaga ayaa loo xilsaaray oodaynta xerada. Dh: oodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooday
(fal) si qoode ah u soco. Qooday oo hadhicdhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardays
-ta: (magac, dhedig, keli) ul xagga sare ka soo godan, dhabannadana looxsan oo geela lagu kaxeeyo. Dh: ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaan
m.l/dh (-aamo, m.l) Koor weyn oo geela loo xiro. la-mid: buudaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaan
-ta: (magac, dhedig, keli) koorta geela loo xidho midda ugu weyn. Boodaanta geela xidhanee, badhtamaha hilada daaqaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Goobays
Seeraar, afmeer, afkoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxays
m.l la-mid: kooxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxays
-ka: (magac, lab, keli) eeg kooxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg moolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorays
m.l la-mid: mooreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolays
(Noolays-ka)
Noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolays
m.l la-mid: noolayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolays
vl. n. act of reviving, keeping alive, resurrecting
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Noolays
name-m reviving, keeping alive, resurrecting, nourisher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Noolays
magac loo bixiyo wiil la rajaynayo in uu reerkii uu u dhashay barwaaqo iyo nolol wacan u horseedo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolays
-ka: (magac, lab, keli) qori dab ah oo dambaska la xuluuliyo si hadhaw dab looga shito.
noolays-ta: (magac, dhedig, keli) eeg noolayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolays
de: act of reviving, keeping alive, resurrecting
lx: noolays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: noolays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si goode ah u socosho. Dh: qoodays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorays
-ta: (magac, dedig, kell) eeg qoorayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofays
m.l la-mid: soofayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofays
-ka: (magac, lab, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofe marin oo af u yeelid. Dh: afays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tookaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xoolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookays
-ka: (magac, lab, keli) eeg yookayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysad
-ka: (magac, lab, keli) boodh marsasho si salaad loogu bannaysto. Dh: goggobaysad, booraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysan
(tilmaame) wax boodh ku yaallo, boodh marsanyahay, habaas leh. Gogol boodhaysan gacal looma dhigo xurmo haddii loo dooni. Dh: booraysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboodaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax ama sabab dhufays ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodayso
(fal) itaal iyo amar yeelo.
awoodayso: (fal) itaal iyo amar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax boog leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boogaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax boog leh ahaansho. m.f.dh, boogaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogaysan
(tilmaame) mid nabar weyn qaba oo boog leh. Meel boogaysan waa la dhawraa.
boogaysan: (tilmaame) aroosad reeraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysad
m.l la-mid: booraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fooladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysad
-ka: (magac, lab, keli) kaalaysi oo ceel qoloba maalin u aroorid. Jilaalkii ceelasha goodaysad ayaa lagu cabbaa. Dh: kaltan, kaayaysi, qoodaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoondaysi
m.l la-mid: qoondaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoondaysi
-ga: (magac, lab, keli) shey isa siin o lahaanshihiisa niyadda gelin. Dh: qorshaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoondayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax qorsheysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoondayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoondayso
v.auto: plan something ahead of time for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoondayso
de: plan s.t. ahead of time for oneself
lx: qoondayso
pd: (qoondaystay)
ps: v3b=auto
key: qoondayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoondhays
vl. n. fixing, placing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomays
-ka: (magac, lab, keli) eeg agoomayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaaq
(fal) arrin ama wax kale laaqid.
boodhaaq-a: (magac, lab, keli) laaqitaan wax la laaqo. Boodhaaq badan ciir subug bay ku dhiiqdaa xaarna ur buu ku dhiigaa. Dh: lab, qas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiis
m.l la-mid: bootin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Boosaaso
pr. n., loc. Bosaso [coastal city in north east Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Boosaaso
(n) Bosaso; Northwest port city of Somalia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqays
-ka: (magac, lab, keli) dhooqo marmarin. Dharka dhooqayska liga daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyaysi
-ga: (magac, lab, keli) qaab raggu u fadhiisto oo inta uu go'iisa dhabarka soo mariyo labada dacal ee go'ana jilibihiisa ku soo gunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyayso
(fal) adigoo fadhiya dhabarka ilaa jilbaba go' ku xidho. Dh: doonyaysi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Moodayya
penser.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysi
-ga: (magac, lab, keli) timaha madaxa iska wada xiirid. Dh: moolaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolayso
(fal) timaha iska wada xiir oo madaxaaga idiin aan timo lahayn ka dhig. Sacyiga dhammee oo moolayso. Dh: dhukuro. Li: deyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysi
m.l la-mid: mooraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo mooro ku xereysasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nowadays
/nawa dheys/ (adv) maalmahaan (ayaamahaan).