bokhokh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bokhokh
-a: (magac, lab, keli) cillad darteed marka neefku daaqo xashaashuq ama doog badan dibbiro ku dhacda caloosha noolaha gaar ahaan xoolaha. Bokhokh dartii buu la qarxayaa. Dh: dibbiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Expansion
Fidis, Bokhokh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingillan
(tilmaame) aad u dheregsan.Dh: dibirsan, bokhokhsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalalyow
-ga: (magac, lab, keli) dibbiro ay cunto darteed calooshu la bokhokhdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qablan
(fal) shanqadh iyo sawaxan badan samee. Weligaaba qablan cidi kuuma baxaysee. Dh: buuq.
qablan: (fal) aad u gaajoo; bogga iyo beerku ha isku kaa dhegaan. Adu qablan intuu ubadku qadi lahaa.
qablan -ka: (magac, lab, keli) shanqadh iyo sawaxan badan. Qablanka iska daa oo dadka ka fadhiiso. Dh: buuq.
qablan -ka: (magac, lab, keli) gaajo xoog ah oo xoolaha bogga iyo beerku isku dhego oo ay joogsan kari waayaan. Sucu qablan ayuu la hingan waayay. Dh: gaajo. Li: bokhokh, dhereg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraac
-a: (magac, lab, keli) sida la noqdo marka wax la cabbo ama la cuno ee aan laga dhergin. Dh: keliballow yaraysi Li: dhereg, bokhokh.
qarraac-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo lagu sugo waxa weyn ee asaasiga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dokhosh
m.l Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dokhosh
m.l Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
book
/buuk/ (n) buug.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Book
Buug
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
book
/buuk/ (n) 1. buug. (v) 2. malliyow, darbiyow. We booked rooms at the hotel.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
book
n., kitaab, -ki; the written or sacred book, cilmi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bohol
(Boho-sha)
Dillaac weyn oo dhulka ku yaal oo ballaar iyo qoddo fogaan isku darsaday; god weeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bohol
m.dh (-lo, m.l) Jeex hoos u dheer biyo iyo wixi lamida sameeyeen oo dhulka ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bohol
m.dh (-lo, m.l) Jeex hoos u dheer biyo iyo wixi lamida sameeyeen oo dhulka ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bohol
f. n. ditch, hole in the ground, ravine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bohol
-bohosha: (n) [Pl. boholo-ha] a large cave (keeyv); ditch (dish); trench (tareenji); cavern (kaaven) ~ qaxaab, booraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohol
-sha: (magac, dhedig, keli) god hoos u dheer oo dhulka meelaha dooxyada ah ku yaalla. Bohol hadimo ha qodin haddaad qoddana ha dheerayn ku dhiciyaana lama ogee.
bohol-sha: (magac, lab, keli) god dheer oo hoos loo qodo oo badarka lagu kaydsado. Bohol hadimo ha qodin ku dhici doonteena mooyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bohol
cf: haadaan, hataq, hog
de: ditch, hole in the ground, ravine
lx: bohol
pd: (/sha)
ps: n1-f, n2-f
key: bohol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bohol
مَسَالٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bohon
(Bohon-ka)
Neef lab oo aan xiniinyo lahayn; madhale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bohon
m.l (-nno, m.dh) Orgi wan iyo wixi lamida oo aan wax boodi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bohon
m. n. (adj.): castrated male; gelding, steer; impotent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohon
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo lab oo aan xiniiyo qabin ama xiniiyo la'aan ku soo dhashay. Bohon baraar ma dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bohon
de: castrated male; gelding, steer; [atr.] impotent
lx: bohon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bohon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodh
m.l (-dho, m.dh) (baayoloji) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boodh
m.l (-dho, m.dh) (baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Boodh
Dust
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boodh
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boodh
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, bus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodh
-ka: (magac, lab, keli) ciid budo ah oo dabaysho qaadqaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boodh
de: dust
lx: boodh
pd: (-ka Pl: boodhadh (ka))
ps: n4-m-mass
key: boodh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosh
m.l 1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boosh
m.l 1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boosh
nickname-m white; light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosh
-ka: (magac, lab, keli) kolay askarigu agaabtiisa ku rito. Booshka ii qabo intaan baabuurka ka soo degi.
boosh-ka: (magac, lab, keli) haragga aan waafiga ahayn. Boosh baraar laga bixiyey ma gogol baa? Dh: kashrad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
booth
/buuth/ (n) 1. balbalo ama teendho yar oo bocsharo lugu gado ama ciyaaro lugu daawado (badanaa suug weyn u dhow)(n) 2. meel hal gof geli karo oo teleefoon laga dirsado. e.g. I am calling from a telephone booth.(n) 3. fadhiga baararka ee miiska dheer iyo kursiga dheer leh (00 kala xirxiran).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dookh
-a: (magac, lab, keli) dareenka qofka ku qasba inuu wax gaar ah xiiseeyo isla markaana doorto. Ninba wuxu doortiyo, dookhii dad kala reeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fookh
m.l la-mid: fooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jookh
(Jookh-a)
Dhogor ama dun la midabeeyo oo wax lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jookh
m.l 1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jookh
m. n., [collective] colored materials used for decorative effect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookh
(fal) arratir oo labbis iyo xarrago ku dhaydhay. Dh: qurxi, xarragaysii, dhaydhay, bil. Li: joc arradi, darxumay, basaasi, dullay, dayac.
jookh -a: (magac, lab, keli) madax dad. Colwadaha joc nolol ama jookhiisa mid ii keena. Dh: kur, jooq.
jookh-a: (magac, lab, keli) baalgorayo, koofiyadda joc bogorka lagu joojiyo.
jookh-a: (magac, lab, keli) gogol iyo wax ma mid joc ah oo ay biyo galeen lagana engejin. Dh: siyic.
jookh-a: (magac, lab, keli) sharraxaad qurxineed dhar ama dun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jookh
de: colored materials used for decorative effect (e.g., thread, feathers, etc.)
lx: jookh
pd: (-a)
ps: n-m-col
key: jookh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Obokh
pr. n., loc. Obokh [city in Djibouti.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Obokh
de: Obokh [city in Djibouti]
lx: Obokh
ps: n0-loc
key: Obokh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okhol
-sha: (magac, dhedig, keli) jeeb ama kiish xayawaanka qaarkii leeyahay sida: xuurta iyo kanguurada. Bogcadka ayay kanguuradu okhol ku leedahay. Dh: gulgulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tookh
(Tookh-a)
Faan; dhood; ammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tookh
tookh¹: m.l Faan, ammaan.
tookh²: f.mg1 (-khay, -khday) Ku t.: faan iyo istustus samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tookh
tookh¹: m.l Faan, ammaan.
tookh²: f.mg1 (-khay, -khday) Ku t.: faan iyo istustus samayn. m.f.dh, tookhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tookh
m. n. boast, bragging, boasting
tookh v. boast ~ brag (about)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookh
(fal) faan ama qab badnaan iyo isla weyni. Waxaad tahay nin tookh yagaan. Dh: dhood.
tookh-a: (magac, lab, keli) qofku markuu hadal uu isku amaanayo uu ku hadlo. Tookhu ma fiicnee iska daa. Dh: faan, dhood, is'ammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookh
(ereydhawaaq) fardaha loogu dhawaaqo kolka la xasilinayo ama la qabanayo. Faraska yookh dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bokool
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Okhole
(Okhola-ha)
Gaawe sal dhuuban oo aan sariir lahayn oo xoolaha lagu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
okhole
m.l (-layaal, m.l/dh) Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaaggaaban biyaha looga soo darsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
okhole
m. n. vessel used for watering stock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okhole
-ha: (magac, lab, keli) weel gun dheer oo wax lagu rito.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
okhole
cf: wadaan
de: vessel used for watering stock
lx: okhole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: okhole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bokooro
(Bokoora-da)
Cudur indhaha ku dhaca; (ama bakooro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bokooro
m.dh la-mid: bakooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bokooro
f. n., [collective] eye disease
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOKOORO
(Bocoro) May, S Nymphaea lotus L. Nymphaeaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bokooro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur indhaha ku dhaca oo olol badan iyo guduud u keena. Bokooraa haysee dhiijiyaha la gaadh. Dh: bakooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bokooro
a: bakooro
de: eye disease
lx: bokooro
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: bokooro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boyhood
/booyhuudh/ (n) wiilnimo (xilliga wiilnimada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mokhoor
(Mokhoor-ka)
Dhoof dabaysha laga horyimaado; (ama makhoor).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mokhoor
mokhoor¹: m.l la-mid: makhoorid.
mokhoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: makhoor².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mokhoor
m. n. course to windward
mokhoor v. sail into the wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mokhoor
(fal) ku muquur meel biyo ka buuxaan: biyaha wada dhex geli oo ku qari. Ku wada dhex mokhoor weelka biyaha. Dh: muquur.
mokhoor: (fal) dhanka ay dabayshu ka soo dhacayso u kac. Xaggaa u mokhoor oo dabaysha wajah. Dh: makhoor.
mokhoor -ka: (magac, lab, keli) socod loo socdo dhinaca ay dabayshu ka timaaddo kolka badda la dhex marayo. Mokhoorka dabayshu maanta waa woqooyi bari.