boholadumis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumis
-ka: (magac, lab, keli) cabsi iyo ciqaab tusid oo ka cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumis
m.l la-mid: boholaddumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumi
-ga: (magac, lab, keli) hogatusaalayn cabsi ku abuurid ah. Ninkan macsiyada deynwaaye hogaladumi ku wad oo ciqaabta aakhiro xasuusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux cabsi iyo baqdin ku ridid, gees walba cabsi kaga keenid. Qoysku waxba ma qabsan karo boholaddumin baa dhan waliba lagaga keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumin
m.f.dh eeg boholaddumi. la-mid: boholaddumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. la-mid: boholatus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boholaddumi
v. scare off, discourage, dissuade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boholaddumi
de: scare off, discourage, dissuade Lit: destroy ditches
lx: boholaddumi
pd: (boholaddumiyey)
ps: v2a=idiom
key: boholaddumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatus
boholatus¹: m.l la-mid: boholatusid.
boholatus²: f.mg1 (-say, -stay) U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatus
-ka: (magac, lab, keli) eeg boholadumi. boholatusi: (fal) waani oo dhibaato jirta dhan walba ka tus oo ka cabsii. Wiilka ha ka hadhine boholatusi. Dh: hogatusaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatusid
m.f.dh eeg boholatus². la-mid: boholatus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boholadumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg coldumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowddumis
-ka: (magac, lab, keli) xaal laga qaado nin naag meherxaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobdumis
m.l.kh G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobdumis
m.l.kh G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobdumis
vn-m (adj.): harm, destructiveness; destructive, harmful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobdumis
-ka: (n) one who causes spoilage; spoiler (ispooy-ler)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobdumis
de: harm, destructiveness; [atr.] destructive, harmful
lx: goobdumis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn-m/f
key: goobdumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowd-dumis
m.l Xaal laga qaado nin naag meher xaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamis
-ta: (magac, dhedig, keli) ballaminta dad kale; dad kulan loogu baaqo ama loo qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaadis
m.l la-mid: bogaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaadis
-ka: (magac, lab, keli) bogaadin u soo jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiis
m.l la-mid: bootin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidan ururin; col diyaarin; cid dagaal galaysa isku keenid. Labada beelood waxay ku mashquuleen coldumid. Dh: colururin, coldumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolxumi
(Foolxumi-da)
Foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolxumi
f. n., [abstract] ugliness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumi
-da: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolxumi
de: ugliness
lx: foolxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: foolxumi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotamid
-da: (magac, dhedig, keli) taratan orad ah dad la gelid. Dh: tartamid, beretamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fooladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamis
m.l la-mid: looyaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galloocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamis
-ka: (magac, lab, keli) sooyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) salaaxid; xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolicunid
-da: (magac, dhedig, keli) booli cunid. xaaraan cunid. Boolicunid waa lagu cadaab galaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noola-ohis
m.l (baayoloji) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noola-ohis
m.l (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabmid
m.f.dh eeg qoolaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholyoobid
(Boholyoobid-da)
Boholyow qabid; hiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholyoobid
m.f.dh eeg boholyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo la tebeyo u xiisaqabid. Hooyo ilmeheedii ka magan yahay boholyoobid ma weydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggaqumis
-ka: (magac, lab, keli) eeg toogga' qumin.