boholadumin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux cabsi iyo baqdin ku ridid, gees walba cabsi kaga keenid. Qoysku waxba ma qabsan karo boholaddumin baa dhan waliba lagaga keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumin
m.f.dh eeg boholaddumi. la-mid: boholaddumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumi
-ga: (magac, lab, keli) hogatusaalayn cabsi ku abuurid ah. Ninkan macsiyada deynwaaye hogaladumi ku wad oo ciqaabta aakhiro xasuusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumis
-ka: (magac, lab, keli) cabsi iyo ciqaab tusid oo ka cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumis
m.l la-mid: boholaddumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. la-mid: boholatus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boholaddumi
v. scare off, discourage, dissuade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boholaddumi
de: scare off, discourage, dissuade Lit: destroy ditches
lx: boholaddumi
pd: (boholaddumiyey)
ps: v2a=idiom
key: boholaddumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatusid
m.f.dh eeg boholatus². la-mid: boholatus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boholadumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatus
boholatus¹: m.l la-mid: boholatusid.
boholatus²: f.mg1 (-say, -stay) U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatus
-ka: (magac, lab, keli) eeg boholadumi. boholatusi: (fal) waani oo dhibaato jirta dhan walba ka tus oo ka cabsii. Wiilka ha ka hadhine boholatusi. Dh: hogatusaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamin
m.f.dh eeg ballami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ballan u qabasho. Ballaminta xubnaha sakrateeradda u sheeg. Dh: ballamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogaadin
(Bogaadin-ta)
1. Qof ama wax kale, waqti ku filan oo uu wax kaga baaraandego ama uu kaga bogto, siin.
2. Qof wax ku guuleystey ama wax loo bogo sameeyey, hadal ama si kale ku tusid, in lala farax-wadaagayo; "Baga!" ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaadin
m.f.dh eeg bogaadi. la-mid: bogaadis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogaadin
-ta: (n) an expression of praise, encouragement, congratu- lation or compliment (kom pala- mant)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BOGAADIN
Apprezzamento
Appreciation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bogaadin
Apprezzamento
Appreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax ku guulaystey ama wax loo bogo sameeyey oo farxadda lala qaybsado, ammaan ama hadal u soo jeedin. Dh: hambalyayn, bogaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolicun
m.l (-nno, m.dh) Qof hanti booli ah ku dhaqma. la-mid: boolicune, booliquute.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolicun
-ka: (magac, lab, keli) xaaraan cunid oo quudad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidan ururin; col diyaarin; cid dagaal galaysa isku keenid. Labada beelood waxay ku mashquuleen coldumid. Dh: colururin, coldumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg coldumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooldiin
(Fooldiin-ka)
Fool-beenaad; jajabow; horudhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooldiin
m. n. false labor; minor pain; the beginning of childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldiin
-ka: (magac, lab, keli) xummadda iyo xanuunka ka horreeya foosha. Dh: foolbeenaad, horudhalow, jajabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooldiin
de: false labor; minor pain; the beginning of childbirth
lx: fooldiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fooldiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolxumi
(Foolxumi-da)
Foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolxumi
f. n., [abstract] ugliness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumi
-da: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolxumi
de: ugliness
lx: foolxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: foolxumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblamin
m.dh la-mid: gablamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hogaamin
advantage, to lead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaan ku qabasho, ku wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqaldumin
-ta: (magac, dhedig, keli) kalatagga labo qof oo isqabay; isfuridda labo ruux oo isqabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotamid
-da: (magac, dhedig, keli) taratan orad ah dad la gelid. Dh: tartamid, beretamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowddumis
-ka: (magac, lab, keli) xaal laga qaado nin naag meherxaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah, hurin. Digadoo hulaaqdiyo, doolaabin kicin u ah, murankoo danteeda ah, wadwadkay ku darartaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid guul soo hoysay, foolad u samayn; farxad la wadaagid. Dh: fooladays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobdumis
m.l.kh G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobdumis
m.l.kh G. ah: qof ciyaaraha dhabqiya ama fadqalaleeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobdumis
vn-m (adj.): harm, destructiveness; destructive, harmful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobdumis
-ka: (n) one who causes spoilage; spoiler (ispooy-ler)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobdumis
de: harm, destructiveness; [atr.] destructive, harmful
lx: goobdumis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn-m/f
key: goobdumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamin
m.f.dh eeg looyaami. la-mid: looyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolicunid
-da: (magac, dhedig, keli) booli cunid. xaaraan cunid. Boolicunid waa lagu cadaab galaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowd-dumis
m.l Xaal laga qaado nin naag meher xaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomaddiin
-ka: (magac, lab, keli) saabaanka guriga mid ka mid ah oo muraayadi ku samaysan tahay oo qolka hurdada la dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabmid
m.f.dh eeg qoolaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholyoobid
(Boholyoobid-da)
Boholyow qabid; hiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholyoobid
m.f.dh eeg boholyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo la tebeyo u xiisaqabid. Hooyo ilmeheedii ka magan yahay boholyoobid ma weydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggaqumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dan qof lahaa u qabasho hawl cid kale lahayd u fulin. Dh: hawlfududayn.