boholaddumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. la-mid: boholatus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boholaddumi
v. scare off, discourage, dissuade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boholaddumi
de: scare off, discourage, dissuade Lit: destroy ditches
lx: boholaddumi
pd: (boholaddumiyey)
ps: v2a=idiom
key: boholaddumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumin
m.f.dh eeg boholaddumi. la-mid: boholaddumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumis
m.l la-mid: boholaddumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumi
-ga: (magac, lab, keli) hogatusaalayn cabsi ku abuurid ah. Ninkan macsiyada deynwaaye hogaladumi ku wad oo ciqaabta aakhiro xasuusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux cabsi iyo baqdin ku ridid, gees walba cabsi kaga keenid. Qoysku waxba ma qabsan karo boholaddumin baa dhan waliba lagaga keenay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholadumis
-ka: (magac, lab, keli) cabsi iyo ciqaab tusid oo ka cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatus
boholatus¹: m.l la-mid: boholatusid.
boholatus²: f.mg1 (-say, -stay) U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatus
-ka: (magac, lab, keli) eeg boholadumi. boholatusi: (fal) waani oo dhibaato jirta dhan walba ka tus oo ka cabsii. Wiilka ha ka hadhine boholatusi. Dh: hogatusaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatusid
m.f.dh eeg boholatus². la-mid: boholatus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boholadumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholood
-ka: (magac, lab, keli) eeg bohololood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolxumi
(Foolxumi-da)
Foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolxumi
m.dh la-mid: foolxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolxumi
f. n., [abstract] ugliness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumi
-da: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolxumi
de: ugliness
lx: foolxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: foolxumi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowddumis
-ka: (magac, lab, keli) xaal laga qaado nin naag meherxaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burladduul
m.l Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burladduul
m.l Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanxumi
m.dh Dabeecad, fir, muuqaal iyo wixi lamida aan la jeclaysan oo wax leeyahay. la-mid: dhalanxumaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalanxumi
m.dh Dabeecad, fir, muuqaal iyo wixi lamida aan la jeclaysan oo wax leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalanxumi
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumi cusub. Carruurta dhalanxumida ha laga waaniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooradduur
m.dh.u Kabaraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooradduur
f. n., [collective] partridge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooradduur
de: partridge Lit: jungle fowl
lx: dooradduur
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: dooradduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduug
mooradduug¹: m.l Dhac aan wax la isku reebin. la-mid: mooradduugid.
mooradduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooradduug
m.l Dhac aan wax la isku reebin. moordi m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooradduug
v., [compound] rob, wipe out, plunder without leaving anything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooradduug
de: rob, wipe out, plunder without leaving anything
lx: mooradduug
nt: mooradduug (ga) [vn2a-m]
pd: (mooradduugay)
ps: v1=cmp
key: mooradduug