bogsiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiimo
-ha: (magac, lab, keli) caafimaadid; bogsasho. Nabarkii wiilka lagu dhiftay haddeed waa bogsiimo. Dh: caafimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafi
(fal) 'Eebbe' qof buka caafimaad iyo bogsiimo ugu deeq. Dh: bogsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafimaadi
(fal) caafimaad iyo bogsiimo ugu deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax buka caafimaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax buka caafimaadin. m.f.dh, bogsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsii
v. cure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsii
(fal) caafimaadi oo xanuun ka daawee. Ilaahoow wiilka ii bogsii. Dh: caafi, fayooobee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsii
de: cure
lx: bogsii
pd: (bogsiiyey)
ps: v2a=
key: bogsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiin
m.f.dh eeg boogsii. la-mid: bogsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsiin
vl. n. healing, curing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta daawayn. Dawooyinku way kala bogsiin og yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsiin
cf: bukaan
de: healing, curing
lx: bogsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: bogsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiis
m.l la-mid: bogsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bogsiin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bogsiiya
name-f healer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bogsiiya
magac loo baxsho gabadh la filayo inay dhib jirtay dawayso ama hooyadeed iyo aabbaheed oo kala tegi lahaa negeysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bogsiiye
magac loo baxsho wiil la filayo in uu dhib jirtay daweeyo ama hooyadii iyo aabbihii oo kala tegi lahaa negeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiiye
-ha: (magac, lab, keli) samatalis halkii ismaandhaaf ka jiraba xal u raadiya oo dadka kala dhexdhexaadiya. Taladayada bogsiiye Alloow u bixi oo beleliye ka ilaali. Dh: nabadeeye, xeeriye. Li: belbeliye, beleliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degsiimo
(Degsiima-da)
Degmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsiimo
m.dh Meel la degganyahay. la-mid: degmo (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degsiimo
f. n. settlement; camp; community
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) meel laga helayo baahida aasaasiga u ah dadka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degsiimo
de: settlement; camp; community
lx: degsiimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: degsiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsinimo
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhexmuuqashada asaaggaa. Baxsinimo ayaa ka muuqata wiilkan waa filki ka roone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) daahis iyo dib u dhicid wax la sugayo ama la filayo. Raagsiimo iska ilaali markaad shaqo ku jirto.
raagsiimo-da: (magac, dhedig, keli) in badan jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimo
m.dh la-mid: biime.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg biime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsi
m.l la-mid: bogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsi
-ga: (magac, lab, keli) bogsasho oo caafimaad helid. Dawada qaado bogsiga Allaa hayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax caafimaaday noqosho. la-mid: bogsoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax caafimaaday noqosho. m.f.dh, bogsasho. la-mid: bogsoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogso
v. get well, heal, recover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogso
bogsaday bogsatay: (v) recover [oneself] to a normal state from an illness; get better; recover (ri-kaver); recuperate (ri-kuu- pareeyt); get well ~ biskood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogso
(fal) cudur ama xanuun ku haya ka kac, kaa baaba'. Biri may xumaatoo, baadroolka daadsho, ka wadaa bukoodoo, bogsan waayo maan odhan. Dh: ladnow.
bogso: (fal) ka biili hore ka caafimaad, caloolxumo ka bax. Wixii dhacay ka bogso oo xalay dhalay ka noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogso
de: get well, heal, recover
lx: bogso
pd: (bogsaday)
ps: v3a=
xe: While I am recovering, you will be the one to take care of me.
xv: Intaan ka bogsanayo, adiga ayaa i baananaya.
key: bogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: bogso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: bogso. bogsood m.l eeg bogso / bogsoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiiro
-da: (magac, dhedig, keli) nafaqadarro iyo busaarad qof ay ka muuqato oo tabaale qaba. Basiiro ninkii ay heshaa baahi kici waayey. Dh: bisaarad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biàsimo
s.m. dood kulul, canaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bojiino
(Bojiina-da)
Nasasho; raaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bojiino
m.dh Xaalad shaqo iyo dhib la'aaneed oo nafley ku jirto; nasasho muddo laga nasto hawl. la-mid: bojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bojiino
f. n. rest, relaxation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bojiino
-da: (magac, dhedig, keli) marka aanad wax hawl ah haynin ee aad gacan bannaantahay. Bojiino hal berina la ima siinin. Dh: bojin, nasasho, nasiino, raaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bojiino
bw: bejiino
de: rest, relaxation
lx: bojiino
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nasad ~ nasasho
key: bojiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boojimo
(Boojima-da)
Qofka la boojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojimo
m.dh (-ooyin, m.l) Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boojimo
f. n. captive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojimo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo boob lagu keenay ama dhac. Nin boojimo la silyo aroos jiifa baan ahaye. Dh: qaniimo.
boojimo -da: (magac, dhedig, keli) qofka la dhaco ama la afduubo naftiisa. Dh: beejimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boojimo
de: captive
lx: boojimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: boojimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boorimo
(Boorima-da)
Hab hilibka loo dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorimo
vl. n. method of baking meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorimo
-da: (magac, dhedig, keli) hab hilibka loo dubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorimo
de: method of baking meat especially that of a young goat
lx: boorimo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: boorimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimo
m.dh Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. la-mid: casiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casiimo
m.dh Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. la-mid: casiimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasiimo
f.g3 (-iintay, -iimatay) la-mid: gesiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimo
(fal) quudo oo ku noolow; dheefso oo cun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesiimo
f.g3 (-iintay, -iimatay) Cunto cunid. la-mid: gasiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gesiimo
-da: (magac, dhedig, keli) raashin, quudasho oo dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosimo
f.g3 (-maday, -matay) Guro awr hoosin u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasiino
m.dh la-mid: baasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasiino
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasiino
de: gas, petrol
lx: baasiino
pd: (-ka)
ps: n6-m-mass
see: bansiin {It}
key: baasiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogsasho
(Bogsasha-da)
Caafimaad helid; xanuun ka bi'id; doorsasho; raysasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsasho
m.f.dh eeg bogso. la-mid: bogsad, bogsi, bogsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsasho
vl. n. healing, getting well, recovery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogsasho
-bogsashada: (n) recovery (riko vari); the act of recovering, convalescence or healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad iyo roonaansho helis. Bogsasho waxba ugama hadhin. Dh: ladnaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsasho
de: healing, getting well, recovery
lx: bogsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bogsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsimo
m.dh la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul abaar dabadeed daaq ka baxay oo uu roob u da'ay. Dh: naq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsiimo
m.dh la-mid: harsimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta badhtamaheega la cuno. Dh: hadhimo, qado.
harsiimo -da: (magac, dhedig, keli) maalinta inteeda kulul. Dh: yoomeyoome, baaxadsoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. la-mid: hubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho. Hubsiimo hal baa la siistaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korniimo
m.dh Kobaca iyo weynaanta ay nafley marto. la-mid: korniin, korriimo, korriin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korniimo
m.dh Kobaca iyo weynaanta ay nafley marto. la-mid: korniin, korriimo, korriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korniimo
vl. n. growth, growing, development
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korniimo
-komiimada: (n) growth (garoowth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korniimo
-da: (magac, dhedig, keli) koritaan iyo barbaarid. Dh: korid, koris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korniimo
a: korniin (ka) [vn-m]
de: growth, growing, development
lx: korniimo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: korniimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korriimo
m.dh la-mid: korniimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korriimo
-da: (magac, dhedig, keli) waynaansho iyo u kordhis cimri. Dh: korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorniimo
m.dh la-mid: qorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taysiimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka geela la soo dhaco neefka ciidanku qashaan. Dh: halabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tirsiimo
m.l.u (-ooyin, m.l) (xisaab) Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tirsiimo
Natural numbers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada wax lagu tirsado ka hor ilbaxa sayniska waana 1, 2, 3, 4...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolliimo
(Tolliima-da)
1. Tol ahaan; tolnimo.
2. Wax tolid; tolmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolliimo
m.dh 1. la-mid: tolmo. 2. la-mid: tolnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolliimo
f. n., [abstract] clan membership; nationality