boglaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boglaawe
-ha: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Boglaawe soo qabo. Dh: bogla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulugle
-ha: (magac, lab, keli) caydhoobid cayn xoolaad la waayo iyo maal ka hoogid. Dh: boglaawe.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bahlaawe
name-m the one who misses his clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahlaawe
magac loo baxsho wiil ku dhashay meel ay bahdiisu ama jufadiisu ka fogtahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billaawe
(Billaawa-ha)
Qalab bir ah oo raggu dhexda ku xirto; toorrey; magli; abley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iyo wixi lamida ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaawe
m. n. dagger
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Billaawe
nickname-m dagger. Lit: warrior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billaawe
-billaawaha: (n) dagger (dhaagger) ~ tooreey, golxob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaawe
-ha: (magac, lab, keli) agab bir ah oo sida toorrida laba af labada dhinac ku leh oo la afeeyey gal la geliyo leh, oo soo yara xoodan, raggu dhexda ku xidho. Nin dhergaa billaawe beer ku cuna. Dh: golxod, qolxad, golxob.
billaawe: magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo geesi dagaalyahan ah oo sida billaawaha wax u jara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaawe
bw: golxob
de: dagger
lx: billaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: magli
key: billaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codlaawe
m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codlaawe
m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoylaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof caqli yar. la-mid: dhooylaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoylaawe
m. n. stupid ~ unintelligent person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoylaawe
-ha: (magac, dhedig, keli) caqli laawe ama qofka aan dantiisa garan. Dh; henfede.
dhoylaawe -ha: (magac, lab, keli) maangaab aar garaad lahayn. Dh: garaaddarane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoylaawe
de: stupid ~ unintelligent person
lx: dhoylaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhoylaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuglaawe
(Dhuglaawa-ha)
(qof) aan dhug lahayn; laab la'; dhoohan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuglaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan caqli badan lahayn; dhoohan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuglaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan caqli badan lahayn; dhoohan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuglaawe
m. n. (adj.): inattentive person; absent-minded, not paying attention, stupid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuglaawe
-dhuglaawaha: (n) foolish or stupid (istuupidh) person; dolt (doolt); fool (fuul) person; idiot (idh 'yat) ~ dabbaal, doqon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuglaawe
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhoohane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuglaawe
bw: dhoohan
de: inattentive person; [atr.] absent-minded, not paying attention, stupid
lx: dhuglaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: maanlaawe
key: dhuglaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooqlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan dooq lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooqlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan dooq lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooqlaawe
m. n. person deprived of pleasures; one who takes no pleasure in any recreation; stick in the mud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooqlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan dookh fiican. Dooqlaawe waa loo doortaa. Dh: dookhlaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooqlaawe
de: person deprived of pleasures; one who takes no pleasure in any recreation; stick in the mud
lx: dooqlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dooqlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soonlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan soomanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxlaawe
-ha: (magacwadareed) geedaha iniintoodu qaawan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogla
-da: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah. Dh: naaqiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaawe
(Gaawa-ha)
Haruub weyn oo caanood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaawe
m. n. large container for milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaawe
-gaawaha: (n) a container for milking a camel ~ toobke, doobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawe
-ha: (magac, lab, keli) dhiil weyn oo laga qoro geedaha; haruub weyn oo geela lagu maalo. Hashii gorofka loo qaadayoo, gaawe laga buuxshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaawe
de: large container for milk
lx: gaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaawe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laawe
m. n.-suf: lacking, without
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laawe
de: lacking, without
lx: laawe
pd: (/ha)
ps: n7-m-neg-suf
xe: mute person [lit: lacking a mouth]
xv: aflaawe
key: laawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaad
m.l U bogid; qiimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogaad
f. n./m, [abstract] appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bogaad
name-f appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaad
magac loo baxsho gabadh dhalashadeeda loo riyaaqay ama lagu farxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogaad
de: appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
lx: bogaad
pd: (-da ~ -ka)
ps: n0-f/m-abs
key: bogaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogla'
(Bogla'-da)
(kalluun) Naaqiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogla'
m.dh Nooc jaadadka malayga ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogla'
f. n., [collective] fish species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogla'
cf: naaqiib; kalluun
de: fish sp.
lx: bogla'
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: bogla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ablaawe
(Ablaawa-ha)
Qof aan tol lahayn: aan taariikhdiisa la aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ablaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ablaawe
m. n. person of unknown descent ~ family
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ablaawe
name-m of unknown descent; without ancestors; a person of unknown descent or family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ablaawe
magaca wiil dhashay xilli rag badan oo ehelladii ahi cudur iyo colaad midkood u le'deen; wiil aan ab ama reer uu ku tiirsado haysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablaawe
-ha: (magac, lab, keli) nin aan qaraabo iyo tol u dhaw lahayn. Dh: tollaawe. Li: tolle, able.
ablaawe -ha: (magac, lab, keli) qof galmo aan sharci ahayn ku dhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ablaawe
de: person of unknown descent ~ family Lit: without ancestors
lx: ablaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ablaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aflaawe
(Aflaawa-ha)
Qof aan kartida hadalka lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Afgarooc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aflaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Afgarooc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aflaawe
m. n. (adj.): mute person; speechless, inarticulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan hadalkar ahayn oo af gaaban. Nin aflaawe ah bay afhayeen ka dhigteen. Dh: afgarooc, afgabnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aflaawe
de: mute person; [atr.] speechless, inarticulate
lx: aflaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: aflaawe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baraawe
pr. n., loc. Brava [coastal town in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baraawe
(n) Brava; a porty city of southern Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baraawe
de: Brava [coastal town in south Somalia]
lx: Baraawe
ps: n0-loc
key: Baraawe
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bilaabe
starter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaale
-ha: (magac, lab, keli) koob shaaha lagu shubto, lagu cabbo oo dheg la qabsado leh, ka samaysan dhoobo. Bilaale shaaha ii keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaadi
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid hambalyo u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogaadi
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid hambalyo u jeedin. m.f.dh, bogaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogaadi
v. compliment, congratulate; satisfy; cheer (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogaadi
-yey/say: (v) encourage (en- kooreej); praise (pareeys); acclaim (a-kaleeym);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaadi
(fal) ruux wax wanaagsan sameeyey ama ku guulaystay ku ammaan, ku dhiirrigeli. Oroyahankii guusha soo hooyey madaxweynuhu wuu bogaadiyey. Dh: hambalyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogaadi
de: compliment, congratulate; satisfy; cheer (up)
lx: bogaadi
pd: (bogaadiyey)
ps: v2a=tr
key: bogaadi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqlaad
numeral: hundredth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boqlaad
-ka: (n) hundredth (han dhareedhth); 100th ~ boqolaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqlaad
a: boqolaad
de: hundredth
lx: boqlaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqlaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bulaale
name: Bullale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaawe
m. n. partially blind person, blind in one eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaawe
de: partially blind person, blind in one eye
lx: illaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: cawar
key: illaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaaw
qoolaaw¹: m.l la-mid: qoolaab¹.
qoolaaw²: f.g1 (-way, -wday) la-mid: qoolaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iyo wixi lamida lagu dubo; birlaxooxeed. la-mid: birdaawo, birtaawe, birtaawo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iyo wixi lamida. lagu dubo; birlaxooxeed. la-mid: birdaawo, birtaawe, birtaawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdaawe
m. n. frying pan, grill, skillet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdaawe
-ha: (magac, lab, keli) qalab madbakh ama jiko oo ka samaysan bir, kimista lagu dubo. Birdaawaha alqabankiisa saar markaad laxooxda dubayso. Dh: daawe, birdaawo, birlaxooxeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdaawe
a: birdaawo (/da) [n6-f]
bw: daawe {C & S}
de: frying pan, grill, skillet
lx: birdaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: birdaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birtaawe
m.l la-mid: birdaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birtaawe
-ha: (magac, lab, keli) birta daawaha ee taayirku uu ku jiro. Birtaawe ayuu gaaddhigu ku socday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogcadde
(magac, lab, keli) dhulka meesha ay biyuhu ka kala rogmadaan ee badiyaa aqal Soomaaliga laga dhiso. Halkaas ayaa bogcadde ahe aqalka ka taaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogcadee
(fal) bogcad iigu samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolbare
m.l (-rayaal, m.l/dh) la-mid: boodhar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boolbare
-boolbaraha: (n) 1. powder (pawdher). 2. deodorant powder (pawdher)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootaale
m.l la-mid: bootoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bullaale
(Bullaala-ha)
Faras midabkiisu bullo yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bullaale
m.l 1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bullaale
name: Bullalee (nick name for a man)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bullaale
m. n. cream ~ light, collectiveored horse with a big bushy tail
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bullaale
nickname-m light skinned. Cf: Bullo, Bullow