bocorridad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocorridad
-ka: (magac, lab, keli) bocorridasho ku samayn sur. Bocorridadka baray oo surtii durba dhuuq.
bocorridad -ka: (magac, lab, keli) bocorridashada gabar bikra ah. Bocorridadka gabadha adaa lagaa sugayaa ma bilaash baad badhida u cabbi jirtey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocorrido
(fal) bocorta dumi oo malabka gaadh. Suraystihii surtiibuu bocorritay.
bocorrido: (fal) gabadh bikrad ah, u galmoosho. Doobkii wuu bocorritay gabadhii fiidba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocorridasho
-da: (magac, dhedig, keli) bocorta shinnida dumin oo malabka gaadhid.
bocorridasho -da: (magac, dhedig, keli) gabadh bikra ah oo tolan jabsashada canbarkeeda. Bocorridasho kari waa illeen waa nin gaboobaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boorrin
(Boorrin-ta)
Geesinnimo gelin; dhiirrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorrin
m.f.dh eeg boorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorrin
vl. n. boldness, courage, encouragement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorrin
-ta: (n) inspiration (inis pa reeyshin); motivation (moo ti veey shin); encouragement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin mudnaan gaar ah leh gudashadeeda ruux ku adkayn oo ku dhiirrigelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorrin
de: boldness, courage, encouragement
lx: boorrin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: boorrin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boorrin
تَشْجِيع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqorad
(Boqorad-da)
Qof dumar ah oo boqortooyo u talisa; marantida boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqorad
m.dh (-do, m.l) Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqorad
m.dh (-do, m.l) Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqorad
f. n. queen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqorad
-da: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo waddan boqortooyo ah u talisa.
boqorad -da: (magac, dhedig, keli) shinnida ta wada dhasha ee kolba meesha ay joogto shinnida inteeda kale degi. Boqoradda shinnida u soo qaad oo gaaggurta dhex dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqorad
de: queen
lx: boqorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: boqorad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boqorad
مَلِكَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berriyad
-da: (magac, dhedig, keli) dabayl xagga berriga ka timaadda oo xagga badda u dhacda ama u kacada, oo hanfi wadata. Berriyad kulul baa nagu dhufatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birriyad
(Birriyad-da)
Dabayl xagga birriga ka timaadda oo xagga badda u socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birriyad
m.dh Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birriyad
m.dh Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birriyad
n. offshore wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birriyad
-da: (magac, dheddig, keli) dabayl dhanka berriga ka timaada oo dhanka badda u socota.
birriyad -da: (magac, dhedig, keli) eeg berriyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birriyad
cf: dabayl
de: offshore wind
lx: birriyad
pd: (-da)
ps: n -f
key: birriyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqoraad
der. [adjective] imperial, royal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqoraad
de: imperial, royal
lx: boqoraad
ps: adj-der
key: boqoraad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
corridor
/korrador/ (n) wadiiqo (siiba wadiiqooyinka dhismo ku dhexyaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorriyad
(Xorriyad-da)
Xornimo haysasho; isutalis; madaxbannaani (ama xorriyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorriyad
m.dh Madaxbannaani. la-mid: xorriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xorriyad
m.dh Madaxbannaani. la-mid: xorriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorriyad
f. n. freedom, independence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xorriyad
-da: (n) independence (in-di-beendhansi); freedom (firii-dham)~ see [eeg] xornimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorriyad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxba buuxda oon cid kale la hoos tegin. Dh: made naani, gobonnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorriyad
a: xurriyad
bw: Arabic
de: freedom, independence
initial: x
lx: xorriyad
pd: (-da)
ps: n-f
key: xorriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarrimad
-ka: (magac, lab, keli) afeef sii dhigasho; Intaanad hadal horteed baarrimaad dhigto.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarriyad
-da: (n) an obedient daughter, especially to her parents
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysad
m.l la-mid: booraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorbidid
m.f.dh eeg doorbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan, mid ka dhexdoorasho oo inuu ka fiican yahay u arkid. Dh: faddilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocorhindi
-da: (magac, dhedig, keli) quluc weyn oo kankoonsan oo midab casuur ah leh, dhexdeeduna ku jirto buruq hurud ah oo macaan oo maraqa rasiin looga dhigo.
bocorhindi-ga: (magac, lab, keli) eeg bocor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorrimaad
m.l 1. Inta uu da'ayo roob curtay. 2. Tifqidda muddo hoore tifqayo. 3. la-mid: hoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biciriirsad
m.l la-mid: biciriirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biciriirsad
-ka: (magac, lab, keli) bidhiiqsi oo inyar uun wax arkid. Dh: bidhiiqsad, himbiriirsad. biciriirsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg biciriirsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolgurad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bacoolaggurad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOCOR-HINDI
(Bo'r-hindi) S Cucurbita maxima Duch.ex Lam. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogad
m.l la-mid: dhogorrogasho.