bocoolgurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolgurad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bacoolaggurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolagurad
-ka: (magac, lab, keli) hadal wax lagu diidan yahay. Bocoolagguradka waalidkaa ka daa. Dh: akeekan, jigraartan, muran, bacoolgurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bocoolaggurad
(Bocoolaggurad-ka)
Muran, akeekan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bocoolaggurad
m.l Muran, akeekan. la-mid: bocoolaggurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bocoolaggurad
vl. n.-idiom: bickering, silly argument; pretense, false action
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bocoolaggurad
de: bickering, silly argument; pretense, false action Lit: picking up shells
lx: bocoolaggurad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-idiom
key: bocoolaggurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolagurasho
-da: (magac, dhedig, keli) jikaartamid: akeekamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bocoolagguro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Si diidmo iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bocoolaggale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nafley yar, biyo ku nool oo bocoosha gasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakoorad
m.dh (-ddo, m.dh) Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. la-mid: bakooro (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakoorad
-da: (n) walking stick ~ matoobbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakoorad
-da: (magac, dhedig, keli) ul toosan oo xagga sare soo laaban oo uu raggu u qaato xarragada, odayada gaboobay na ku tukubaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorad
m.l la-mid: baroorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorad
-ka: (magac, lab, keli) ooyid oo qaylo la hiqlayn. Baroorad geel laguma dhiciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqoolid
(Boqoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; dhalandhoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolid
m.dh la-mid: baqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bookaarad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakoorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsan
(tilmaame) qof qorrax kulayl ah socda. Dh: dhalandhoolsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolgaad
m.dh Masaar yar oo lagu dagaalamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgarad
(Googgarad-da)
Maro haweenku qaarka hoose ka qaataan oo kurdadda ama garayska, kd., ka hoosaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgarad
m.dh (-do, m.l) Maro hoosaad duluc leh dheer oo dumarku qaarka dambe ku xirtaan. la-mid: gorgorad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgarad
m.dh (-do, m.l) Maro hoosaad duluc leh dheer oo dumarku qaarka dambe ku xirtaan. la-mid: gorgorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgarad
f. n. underskirt, petticoat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googgarad
-da: (n) underskirt (an dher iskeert); pettiskirt (peti iskeert); petticoat (peti kowt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgarad
-da: (magac, dhedig, keli) maro dumarku qaarka hoose ku qaataan oo duruucda ka hoos xidhaan. Dh: goono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googgarad
de: underskirt, petticoat
lx: googgarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: googgarad
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soohguran
m.l (daaw.) Baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohguran
-ka: (magac, lab, keli) baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocorridad
-ka: (magac, lab, keli) bocorridasho ku samayn sur. Bocorridadka baray oo surtii durba dhuuq.
bocorridad -ka: (magac, lab, keli) bocorridashada gabar bikra ah. Bocorridadka gabadha adaa lagaa sugayaa ma bilaash baad badhida u cabbi jirtey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socodbarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan hore u socon jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooh-guran
m.l (daawo) Baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoologarad
-ka: (magac, lab, keli) qof wax walba duunyo ka raaca oo maal jecel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bocoolagale
-ha: (magac, lab, keli) xasharaad badgaleen ah oo bocool ku dhexjira kolka uu halis dareemana bocoosha dhexdeeda isku qariya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.