blew
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blew
/bilu/ (v) blow oo fal laha moothi eh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
balloon
/balluun/balloons, ballooning, ballooned;(n) caag ama bambiiro laga buuxsho neef (biibiile). e.g. They blew up balloons for the party.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blow up
/bloow ap/ (v) burburiyow, qarhiyow, boghow. The gas station blew up.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
blé
blé, n.m. - Sarreen (qamadi).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bleu
bleu, adj. - Midabka Cirka oo kale; (Calanka Soomaalida midabkiisa oo kale); lafcir; beymadow.
bleu foncé - Buluug qira leh.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
blow
(v) (m) to expel air from the mouth.
afuufis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blow
/bloow/blew, blown; (v) 1. afuufid (hawo siin). e.g. He blew on his tea to make it cool. 2. dabayl-qaadid (biibid); bidid. e.g. He blew the horn loudly.(infl) 3. khasirid (gubid). e.g. He blew $200 playing cards last night.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blow
/bloow/ (v) 1. afuufow. 2. diifsythow. He blew his nose. 3. buubiyow. Papers were blowing around the corner. (n) 4. dhowow amy ky dhiyow hoog leh. A blow to the chest. 5. nasiib hung (dhib).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
blow
n., (stroke) nabar, -ki; blow with the flat of a sword, ballad, -ki; blow with the fist, tantoomo, -adi, tumujo, -adi; blow with the hand, dharbaax, -adi.
blow, v.i., (to move with a current of air) dabayshi waa dhacaysaa, or dabayl baa ina haysa; blow with the mouth, v.tr., afuuf; blow with bellows, buufi; blow your nose, iska siimi or siinso, or siinka iska tir; (winnow) huf; blow out the lamp, siraadka bakhtii or sebi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brew
/bruu/ (v) 1. kamry miirow amy suubiyow. 2. shaahy amy gahwy suubiyow. 3. Athuuthow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brew
v.tr., (to prepare, as a liquor, from several ingredients) qoosh, isku qoosh, isku dar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flew
/fluu/ (v) fly, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slew
/sluu/ (slay, oo fal tagay ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablaw
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abley
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abley
-da: (n) dagger (dhaager) ~ toorreey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abley
a: amley
de: dagger
lx: abley
pd: (-da Pl: ableeyo (/da))
ps: n2-f
key: abley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ablow
(fal) hafrow oo boogtaa humbuluuluq ha noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balaw
(Balaw-da)
Bootin gaaban oo dhaqso iyo fudayd leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaw
vl. n. jump, hop, leap
balaw vl. n. bellowing in pain ~ fear (of cow)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaw
-da: (n) a light, springy jump or leap; hop (hop); leapfrog (liip- faroog). Ex: balaw dheh!; jump on!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaw
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabitaanka aadka ah ee la hubo. Dh: baw.
balaw: (ereycodeed) tusmeeya meel ka boodista degdegga ah. Marku askartii arkaay buu balaw yidhi. Dh: haw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balow
(Balow-ga)
Cod dheer oo ka yimaada lo'da ama nafleyda kale qaarkeed, kolkay naxdo ama aad u xanuunsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balow
balow: m.dh.sh.r B. dheh: baw dheh.
bąlow¹: m.l 1. Cod dheer oo lo'da, geela, dadka iyo wixi lamida sameeyaan marka ay la kulmaan dareen ay dhibsanayaan. 2. la-mid: balwid.
bąlow²: m.l Geed mirood biyo ka batay awgeed aad u weynaaday oo aan miro dhalin.
bąlow³: f.mg1 (-lway, -lowday; -lwi) Cabsi ama xanuun dartiis la qaylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balow
v. bellow in pain ~ fear (of a cow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balow
-da: (magac, dhedig, keli) eeg balaw.
balow-ga: (magac, lab, keli) lingaxa oo ka yaraada halkii lagu xidhayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balow
a: balaw
de: bellow in pain or fear (of a cow)
lx: balow
pd: (balway / balowday)
ps: v1=
key: balow
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bedew
v.tr., (moisten gently) yar qoo, yar qoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beled
(Beled-ka)
Meel dad badani wada deggan yahay oo leh guryo badan iyo waddooyin dheerdheer; degmo buulada ka weyn; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beled
m. n. town, settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beled
-ka: (n) city (sitty, town ~ magaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beled
-ka: (magac, lab, keli) magaalo weyn oo cammiran. Beled iyo baadiye midkaad doonto waad degi karaysaaye. Dh: magaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beled
de: town, settlement
lx: beled
pd: (-ka Pl: beldaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: beel; Contrast: caasimad, magaalo
key: beled
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax belo ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
belee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax belo ku ridid. m.f.dh, belayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belee
v. do harm to, ruin; have a bad influence on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belee
-yey / belaysay: (v) defame (difeeynty, speak ill of; attack the reputation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belee
(fal) balaayo geli; masiibo u horseed. Orod dadkaa kale belee oo annaga na dhaaf. Dh: balaayee, masiibee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belee
de: do harm to, ruin; have a bad influence on
lx: belee
pd: (beleeyey)
ps: v2b=tr
key: belee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belef
-ta: (magac, lab, keli) war aan xaqiiq loo ogayn; war kugu soo duulay, aan hubaal ahayn. Dh: bawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belel
(Belel-ka)
Belbel; olol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belel
belel¹: m.l la-mid: belbelid.
belel²: f.g1 (-elay, -eshay) la-mid: belbel².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belel
v. burn [fig.] (of someone's hand, eyes)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
belel
-ay / belbashay: (v) 1. feel a burning pain; burn (been) ~ belbel. 2. to bum with a bright flame; blaze (baleeyz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belel
-ka: (magac, lab, keli) eeg balal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belel
de: burn [fig.] (of s.o.'s hand, eyes)
lx: belel
nt: belel (ka) [vn-m]; See also: belbel
pd: (beleley)
ps: v1=intr
key: belel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
below
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax belo la kulmay noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
below
/bilow/ (adj) ka hooseeya (meel hoose)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
below
/bilow/ (prep) lessy (hoos).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
below
de: be ruined, become bad; [ext.] become troublesome
lx: below
pd: (beloobay / belowday)
ps: v1=inch
xe: Ahmed has become troublesome.
xv: Axmed wuu beloobay.
key: below
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
below
ad. and prp., daf, dafta, hoos, hoosta; is he below? dafta or hoosta ma jiraa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaw
(Bilaw-ga)
Wax la fala hayo qaarkiisa ugu horreeya; unug; abuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaw
v. begin, start
bilaw vl. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilaw
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billaw). Syn: Bilow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaw
-ga: (n) starting (istaarting); novice (noovas); beginning (bi gin ning) ~ bilow, billaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilaw
magac loo baxsho wiilka curadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaw
(fal) meel wax ka unkamo u samee; kow ka qaad oo hawl socodsii.
bilaw-ga: (magac, lab, keli) ambaqaadka u horreeya; gudagalidda hawsha ee u horreeya. Hawshu imika ayay bilaw tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow¹.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. la-mid: billow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. m.f.dh, bilaabid. la-mid: billow.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bilow
start
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilow
m. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilow
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billow). Syn: Bilaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilow
-ga: (n) starting (istaarting)-, novice (noovas)-, beginning (bi-gin-ning) ~ bilaw, billaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilow
a: bilaw ~ biloow
de: beginning, start
lx: bilow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: bilow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilow
بِدَايَة، افتتاح، ابتِدَاء
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bleak
/biliik/ (adj) aan wanaag soo wadin, aad u xun, aan ka soo rayn lahayn
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bleak
/biliik/ (adj) 1. dharraamyng, walby ing lahaayny, eber eh. A bleak land. 2. rajy ing lahaayny (keer hang wedny).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bleat
/biliit/ (v) 1. cida idaha, ariga iwm. 2. cantatabid (si naac ah u hadlid)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bleat
/biliit/ (v) ithaaley haang lyng weery.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bleed
(v) to lose blood.
dhiigayaa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bleed
/biliidh/ (v) 1. dhiig bixid. e.g. His nose is bleeding. 2. maal badan bixin (israafid)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bleed
/biliidh/ (v) dhiigow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bleed
v.i., (lose blood) dhiig bax; my wound is bleeding, qoontayda dhiig ka baxayaa or ka imanayaa.
bleed, v.tr., (let blood) dhig ka sii daa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
blême
blême, adj. - Weji madoobaaday (is beddeley); caro ama murugo wejiga qofka laga dareemo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
blend
/balendh/ (v) 1. isku-qasid (isku-rafaaqid). e.g. Oil doesn't blend with water. 2. isku-baxaya; isku fiican (laba midab oo kale oo isku qurxoon). e.g. These two colors blend well.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
blend
/blend/ (v) isky hammaarow, isky qasow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bless
/balees/ (v) 1. u ducayn (alla u baryid) 2. barako iyo wanaag u rajayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bless
/bles/ (v) ing do'aayow (Ilaahey ing tuughow). 2. barakaayow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bless
v.tr., barakaday, ducay, hadee, sahal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulee
f.g2 (-leyay, -laysay) Maro, ul iyo wixi lamida bul u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulee
v. put tassel(s) on; make into a tassel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulee
(fal) ul qoyan bul u yeel. Cidaadda bulee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulee
de: put tassel(s) on; make into a tassel
lx: bulee
pd: (buleeyey)
ps: v2b=
key: bulee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bylaw
/baay-loo/ (n) sharci hoosaad (sharciga beel gaar ahi ku dhaqanto).