biyoxidh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyoxidh
m. n., [compound] dam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyoxidh
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baank ment); dike ~ biyoxir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyoxidh
a: biyaxir ~ biyoxir
de: dam
lx: biyoxidh
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyoxidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxidh
-ka: (magac, lab, keli) dhisme xoog badan oo lagu istaajiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyaxireen
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baangk-ment); dike ~ biyoxireen, biyoxidh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habka_biyoxidhka
de: hydraulic system
lx: habka biyoxidhka
ps: np-m
key: habka_biyoxidhka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyoxir
v., [compound] dam (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyoxir
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em-baagk-ment); dike ~ biyoxireen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyoxir
a: biyaxir ~ biyoxidh
de: dam (up)
lx: biyoxir
pd: (biyoxiray)
ps: v1=cmp
key: biyoxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iloxidh
-ka: (magac, lab, keli) raarta iyo docda aqalka daah lagu kala gooyo, si qofka soo galaayi u arag qofka raarta fadhiya. Dh: ilaxidh, daah, qoqobe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxidheen
-ka: (magac, lab, keli) biyaha webiyada, togogga iyo laagaha socda oo loo sameeyo derbiyo joojiya oo xanniba, si looga faa'idaysto oo manaafacaadsado. Dh: biyaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bixid
(Bixid-da)
1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.
2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.
3. (xoolo) dhimasho.
4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.
5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixid
m.f.dh eeg bax.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bixid
to trip
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixid
vl. n. going, departing; act of withdrawing; exit
bixid vl. n. rising; shoots (of grain); shooting up out of the ground (plants)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixid
-da: (n) the act of leaving; departure (di baarjar) ~ bixitaan
bixid -da: (n) the act of growing [for example, a plant] ~ baxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guda ah ama aad ku dhex jirtey ka tegiddeed. Dh: bixis.
bixid-da: (magac, dhedig, keli) samaysanka iyo ururitaanka subagga ciir la lulayo. Dh: bixis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bixid
مُغَادَرَة، ذَهَابِ، خُرُوجٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyood
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyood
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badxidh
-ka: (magac, lab, keli) xilliyadaa badda hirarkeedu kacsan yihiin ee aan la mari karin, Qaaliyawga maciishada badxidhkaa sabab u ah. Dh: badxir. Li: badfur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyaxir
(Biyaxir-ka)
Dhis xoog leh oo lagu joojiyo biyaha socona haya oo badda ama webiga ama durdurrada; biyacelis; (ama biyaxireen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaxir
m.l (-rro, m.dh) Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. la-mid: biyaxireen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaxir
m.l (-rro, m.dh) Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. la-mid: biyaxireen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaxir
v., [compound] dam (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg biyaxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaxir
a: biyoxidh
de: dam (up)
lx: biyaxir
pd: (biyaxiray)
ps: v1=cmp
key: biyaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibxidh
-ka: (magac, lab, keli) badeecad ama xoolo baayacaadood; carbuun yar ku xannibid. Hadal iibxidh ma noqdee, carbuun keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaxidh
-ka: (magac, lab, keli) aqal, aad u qurxin oo aad u sharraxid ama afaaf yar oo laga soo galo u samayn.
ilaxidh -ka: (magac, lab, keli) daaha qolka dhexdiisa lagu xidho ee lagu kala gooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tinxidh
-ka: (magac, lab, keli) qof waayeel ah oo taladiisa iyo odhaahdiisa la tixgeliyo oo ma-dhaafaan. Dh: arrin-keen ningarbood, waayeel. Li: aqbal-keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidh
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiidh
-ka: (magac, lab, keli) qof timo bidhiidh ah leh. Cali waa bidhiidh.
bidhiidh -ka: (magac, lab, keli) salaanta wejiga: wejiga badhtankiisa. Ninka tukada bidhiidhka ayaa madoobaada. Dh: biriir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyo leh
adj., [expression] watery, having water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyo_leh
de: watery, having water
lx: biyo leh
ps: adj-expr
xe: a place with water
xv: meel biyo leh
key: biyo_leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyodiid
-ka: (magac, lab, keli) neef biyaha diida kolka la arooriyo isaga oo u baahan waliba. biyokamadhibcaan -ka: (magac, lab, keli) kama dambays aan ku noqosho iyo jixinjix midna lahayn. Warkaasi waa biyakamadhibcaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyoobid
(Biyoobid-da)
Biyo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyoobid
m.f.dh eeg biyow². la-mid: biyow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) walax adag ama wax kale, biyo noqosho. Biyoobid baa shaahii la la kabban waayey. Dh: milmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidh
(fal) dad ama noolayaal badan oo meelo kala joogjooga xabsiga mid mid ugu taxaab. Tuugta magaalada wada xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh: (fal) wax keliya oo meel yaalla xadhko badan ku adadkee ama meelo badan kolba meel ka xidh. Alaabta dusha taalla aad u xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh: (fal) albaabyo badan oo wad furfuran kolba mid awd. Maqsinnada soo xidhxidh. Dh: xirxir.
xidhxidh-ka: (magacwadareed) guntimo yaryar oo badan oo inba gooni loo xidhay. Dh: guntimo, xirxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirixidh
a) xirsixidh u samee.
xirixidh-ka: (magac, lab, keli) qur'an ama duco kale oo la akhriyo si shar oo dhan looga gashaanto. Dh: nabaadiinaxidh, xirixidh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyoxireen
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baagk ment); dike ~ biyaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabixid
-da: (magac, dhedig, keli) qarbid iyo wax la mid ah, biyo sii dayn. Dh: biyabixis.
biyabixid-da: (magac, dhedig, keli) shahwada lab ama dhedig soo baxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo adag
Hard Water
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhac
Waterfall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digoxaadh
-a: (magac, dhedig, keli) loox yar oo la baldhaban oo lagu haro digada taalla xerada adhiga. Dh: harti, digahar, digaxaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibxidh
(fal) fal ama sixir oo raadqaad; baab naannaabiya oo dib u soo noqod dhaqso loo helo u jar. Dh: raadqaad, fal, sixir, jilibxir.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo fadhis
Marsh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.