biyocabaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyocabaal
-ka: (magac, lab, keli) lacagyar oo la isa siiyo. Maanta biyo cabaal na sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyacabaal
-ka: (magac, lab, keli) biyacabka xoolaha kolka ay dhirtu qallasho. Biyocabaal baa la galay hadda. Dh: ceelfadhiisi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biyamaal
nickname; name-m wealth, riches, finance, prosperous, fortunate; good omen
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIYO-BAHAL
(Biobahl) C, S Garcinia livingstonei ? Guttiferae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyo macaan
n. phr. drinkable water, fresh water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyo_macaan
de: drinkable water, fresh water
lx: biyo macaan
ps: np
key: biyo_macaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miyomagaalo
Urban-rural
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bifocal
Laba kulmis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyabax
-a: (n) ejaculation (ijaa-ki leey shiri); orgasm (oorgaasam); climax (kalaay-makis) ~ biyobax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabax
(fal) lab ama dhedig, biyaha menida ama shahwada, soo bax.
biyabax -a: (magac, lab, keli) lab ama dhedig. shahwad soo baxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyobax
m.l (-xyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Shahwo ka soo bixidda guska oo kacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyobax
m.l (-xyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Shahwo ka soo bixidda guska oo kacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyobax
v., [compound] ejaculate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyobax
-a: (n) ejaculation (i-jaa ki-leey-shin); orgasm (oor gaasim); climax (kalaay-makis) — biyabax
biyobax: -ay / day: (n) ejaculate (ijaa ki leeyt); eject semen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyobax
(fal) si ama farsamo ay kalluumaysatadu, is kaga daweeyaan dhib wixii ka soo gaadha quusidda qusurka ama moolka muddada dheer ee quusaayaasha luulku ay mukhuursanaadaan. Marka ay soo baxaan ayay bacaadka badda isku aasaan si ay dhidid badan iskaga keenaan.
biyobax: (fal) lab ama dhedig, xawo ha kaa timaad. biyobax3-a: (magac, lab, keli) lab ama dhedig, xawo ka imaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyobax
a: biyabax
bw: sp: biyabbax
de: ejaculate
lx: biyobax
pd: (biyobaxay)
ps: v1=cmp
key: biyobax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyogal
m.l (-llo, m.dh) (daawo) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyogal
m.l (-llo, m.dh) (daaw.) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabaxo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul biyaha webiyada iyo balliyadu fariistaan, markay soo jabsadaan jiinkii celinayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbax
(Biyabbax-a)
Biyaha laboodka imaatinkooda, soo bixiddooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbax
biyabbax¹: m.l Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaan. la-mid: biyabbixid.
biyabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyabbax
biyabbax¹: m.l Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaa.
biyabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho. m.f.dh, biyabbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbax
v., [compound] ejaculate, have an orgasm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbax
a: sp: biyabax, biyobax
de: ejaculate, have an orgasm = biyo + bax
lx: biyabbax
pd: (biyabbaxay)
ps: v1=cmp
key: biyabbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeel
-ka: (magac, lab, keli) cunto la karinayo oo biyuhu ka yaraadaan ama ka dhammaadaan. Dheriga biyo ku dar biyabeel buu ku dhow yahay. Dh: biyallaasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcataab
-ka: (magac, lab, keli) tuug in badan gaajo qabay. Bilcataabihii iga xadaan uga baqaayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: biyaqabatin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo adag
Hard Water
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-saar
m.l (-ryo, m.dh) (baayoloji) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyoqabsi
m. n., [collective], [compound] small reservoir, catchment area
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyoqabsi
de: small reservoir, catchment area
lx: biyoqabsi
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2-m-cmp
key: biyoqabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydwalaal
m.l Laba bayd faal ama ka badan oo tirada hogaha iskala eg, dhigiddana ku kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biif-abaar
m.l Badar biyo lagu bilbilay oo weli qallalan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birshakaal
Bishilka reeba ama xanniba middida raandada ama isu haya daabka iyo madaxa dubbaha, iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilicsanaan
m.f.dh eeg bilicsan. la-mid: bilicsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilicsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qurux badnaan isha soo jiidata. Bilicsanaanta deegaanka gugii ayaa la gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo noqod. Biyoobitaanka barafka ka ilaali oo qaboojiyaha geli. biyoole-ha: (magac, lab, keli) ruuxa biyo dhaaminta ka shaqaysta ee intuu soo dhaamiyo sii gada biyaha. Biyoole tanag iiga shub markuu soo maro. Dh: warraad, biyadhaamiye, dameerdhaamiye.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miyirwalaal
name-m aware; articulate; cool-tempered
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooryowalaal
m.l (-llo, m.dh) la-mid: ooryawalaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooryowalaal
-ka: (magacwadareed) laba nin labo hablood oo walaalo ah kala qaba. Ina dubrigay aabbihii iyo aabahay waa ooryowalaal.