biyo-ku-jir
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIYO-KU-JIR
(Biogujiri) N Marsilea sp. aff.M. Botryocarpa Ballard. Marsileaceae.
N Potamogeton schweinforthii ? Potamogetonaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaan
(Dhaan-ka)
Rati ama gaadiid kale oo weel biyood saaran yahay, oo inta ceel ama webi ama meel kale, oo biyo ku jiraan la geeyo, biyo lagu soo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godob
1. (Godob-ka) Balli aad u weyn oo wareegsan oo in badan biyo ku jiraan: togagga xilliyada roobka biyaha keena baa doojiya.
2. (Godob-ta) Aano; sagan; dakano; asaaye; gashi; utun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo galo
m.l (daawo) Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyogal
m.l (-llo, m.dh) (daawo) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.

dhaan
dhaan¹: m.l (-aaman, m.l) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan²: f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gal
gal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.
gal²: m.l/dh (-lal, m.l) 1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iyo wixi lamida).
gal³: f.g/mg1 (galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iyo wixi lamida wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbo
garbo¹: m.l Xiddigaha dallaallida u horreeya oo u dhexeeya dirirka iyo bayaxawda.
garbo²: m.dh Meel godan oo biyo ku jiraan oo qusur ah oo ay sameeyaan biyaha kor ka soo dhaca; galxiddigaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyogal
m.l (-llo, m.dh) (daaw.) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyogalo
m.l (daaw.) Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaan
dhaan¹: m.l (-aaman, m.l) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan²: f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho. m.f.dh, dhaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gal
gal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.
gal²: m.l/dh (-lal, m.l) 1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iyo wixi lamida).
gal³: f.g/mg1 (galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iyo wixi lamida wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi). m.f.dh, gelid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goldfish
/goldh-fish/ (n) mallaay-dahabi (kalluun midab dahabi ah leh, oo muraayad biyo ku jiraan lugu dhex koriyo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mirage
/maraash/ (n) wir-wir; dhaan-dabagaale (dhalanteedka qorraxda kululi samayso oo u eg meel biyo ku jiraan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pool
/puul/ (n) 1. barkad (meel biyo ku jiraan)(n) 2. barkadda dabaasha (v) 3. wadaagid (wax isku-darsad) (n) 4. bilyaardi (v) 5.sharatan (bakhtiyaa-nasiib).
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
lake (1)
worti wuni wori il yeti
war biyo ku jiraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belde
-ha: (magac, lab, keli) moqor yar oo ay biyo ku jiraan. Shinbiri belde kama quusato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinso
(fal) gororso oo wixii weel guntii biyo ku jiraba dharruuro. Dh: gororso, dindinso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RIYO-KU-XOON
(Riyo.ku-hone) C Kleinia pendula (Forsk) DC. Compositae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iska-jir
-ay / tay: (v) be careful; take care; watch out (waaj awt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyakuhar
m.l (-rro, m.dh) Balli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyakuhar
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay biyuhu ku sii hadhaan xilliga jilaalka kolka meelihii laga cabbi jiray ay gudhaan. Dhijaan biyakuhar ah ayaa beertayada ku dhex taal. Dh: biyokuhadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-saar
m.l (-ryo, m.dh) (baayoloji) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIYO-BI'IS
(Biyo-bies) N Ammania baccifera L. Lytheraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyokunool
-sha: (magacwadareed) noolaha biyaha dhexdooda ku dhaqma ee aan berriga ku noolaan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.