biyeysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeysi
-ga: (magac, lab, keli) wax kale, biyo ku darsi. Caanaha biyeysi kuma fiicna.
biyeysi -ga: (magac, lab, keli) weel biyo ku shubasho. Biyeysiga weysadaan sugayaa. Dh: dhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeys
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku shubid. Biyeys bay beertu u baahantahay.
biyeys -ka: (magac, lab, keli) weel biyo ka buuxin oo ku shubid. Biyeyska wasooyinka adigaa lagaa rabaa. Dh: dhaamis.
biyeys-ka: (magac, lab, keli) biyo ku darid sida caano. Biyeyska caanaha nooga daa hooyo. Dh: badhxis, xariiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileysi
m.l la-mid: bileysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeyso
(fal) biyo ku darso. Caanaha biyeyso harraadku ha kaa baxee. Dh: badhxo, xariiro.
biyeyso: (fal) weel biyo ku shubo. Biyeyso buraashadda oo orod dugsiga aad. Dh: dhaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niyeysi
(Niyeysi-ga)
Niyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyeysi
m.l la-mid: niyeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyeysi
-ga: (magac, lab, keli) wax haabka ku qabasho. Dh: niyeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beybeysi
-ga: (magac, lab, keli) oohin been ah oo looga jeedo beerlaxowsi is bihinbihis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeysad
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku darsad. Caanaha biyeysadka ka daa yaanay bagine. Dh: badhxad, xariirad.
biyeysad-ka: (magac, lab, keli) weel biyo ku shubashad. Biyeysadka buraashadda danbaysii oo marka hore iska maydh. Dh: dhaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeysan
(tilmaame) weel biyo lagu shubay; biyo laga buuxiyey. Galabta la doogsay oo weel waliba wuu biyeysanyahay. Dh: dhaansan.
biyeysan: (tilmaame) ah wax biyo lagu daray. Caano biyeysan baad naga gadday. Dh: badhxan, xariir.
biyeysan: (tilmaame) wax biyo lagu shubay sida beer, la waraabiyey. Beertu way biyeysantahay oo biyo ma tawana. Dh: waraabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileys
m.l la-mid: boliis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileys
-ka: (magacwadareed) ciidanka suga ammaanka dalka ee xidha qofka jebiya sharciga. Bileyskaan kaa soo dacweyn haddaad ideyni waydo Dh: boolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyeyn
(Biyeyn-ta)
Biyo ka dhigid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyeyn
m.f.dh eeg biyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) weel biyo ku shubid. Biyeynta dhiilaha weylahaa oommane ka danbaysiiya. Dh: dhaamin.
biyeyn -ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darid. Wallee biyeynta caanaha lagaama karo waa wax gaajo ku soo korey. Dh: badhxid, xariirid.
biyeyn-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku shubidda beerta, iyo waxii la mid ah. Biyeynta beerta soo dhammeeya kaddib hadhimeeya. Dh: waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ileysi
m.l la-mid: ilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileyso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bileyso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho. m.f.dh, bileysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileyso
(fal) bilo tirso oo xilli aad sugayso raagso. Weligaaba bileyso maalinta xukunkaagu dhammaado ayaa lagu sii deyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyayso
v.auto: put water into something, dilute (for oneself)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyayso
a: biyeyso
de: put water into s.t., dilute (for oneself)
lx: biyayso
pd: (biyaystay)
ps: v3b=auto
key: biyayso
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIYEEYS
(Beies) N Nuxia congesta Fresen. Loganiaceae.
N Nuxia oppositifolia (Hochst.) Benth. Loganiaceae.
N Pavetta gardeniifolia A.Rich. Rubiaceae.
N Wendlandia arabica Defl. Rubiaceae.
N Pluchea sarcophylla Chiov. Compositae.
N Sporobolus consimilis Fresen: Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimeysi
m.l la-mid: jimeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireysi
m.l la-mid: kireysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixeysi
m.l la-mid: lixeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax in la helo filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
niyeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax in la helo filasho. m.f.dh, niyeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyeyso
v.auto: intend, desire, bear in mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
niyeyso
-niyeystay I niyeysatay: (v) have in mind; intend (in-teendh ') ~ niyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyeyso
(fal) niyadda geli in aadd helayso.
niyeyso: (fal) cibaado inaad samayso niyadda geli. Kolkaad soomayso niyeyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyeyso
de: intend, desire, bear in mind
lx: niyeyso
nt: niyeysad (ka) [vn-m], niyeysasho (/da) [vn-f], niyeysi (ga) [vn-m]
pd: (niyeystay)
ps: v3b=auto
key: niyeyso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sineysi
-ga: (n) see [eeg] sinaysi, sino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayeysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xayeesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeyasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel biyo ku shubasho. Biyeysasho buraashaddaan mar hore ku idhi oo dugsiga aad. Dh: dhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysi
m.l la-mid: baryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqaysi wax la tuugsado. Dadku baryaysiga way kugu nacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysi
m.l la-mid: baybaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybaysi
-da: (magac, dhedig, keli) dacwad aan wada run ahayn. Baybaysiga ha rumaysanin ee hubi waxan ku sheegay. Dh: bihinbihis.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) ku jeestayn ama ku tiiqtiiqsi. Baybaysiga iga daa. Dh: tiiqtiiqsi.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) oohin ama wax jeclaan aan run ahayn baruurteeda aadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidceyso
f.g3 (-saday, -satay) (dii.) Wax, wax bidco ah, tixgelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidceyso
f.g3 (-saday, -satay) (dii.) Wax, wax bidco ah, tixgelin. m.f.dh, bidceysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidceyso
(fal) wax bidco ah ka dhigo; wax bidco u qaadasho. Cibaado aan Nebigu ogayn bidceyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biitaysi
m.l Guuguun. la-mid: biitaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileysad
m.l la-mid: bileysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileysad
-ka: (magac, lab, keli) bilo tirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysi
m.l la-mid: bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysi
-ga: (magac, lab, keli) karsasho oo wax bislaaday ka dhigasho. Bislaysiga cuntadayda waan ka adagahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayari
m.dh la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayeysii
f.g2 (-iiaya, -iisay) Nafley jahawareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayeysii
v. disorient; make someone dizzy ~ disoriented
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayeysii
(fal) cid kale, dhibaatee oo wareeri. Dh: dawikhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayeysii
de: disorient; make s.o. dizzy ~ disoriented
lx: dayeysii
pd: (dayeysiiyey)
ps: v2a=tr
key: dayeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: geyeysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayeysii
(fal) qof wax uusan galabsan ku ciil oo bad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid dhibaato badid. la-mid: gayeysii, geyoodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyeysii
v.caus: compel, force someone (to do something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyeysii
-yey / say: (v) result (ri salt); follow (faloo) as a consequence. Ex: nolashoodii xisaab la'aanta ahayd waxay geyeysiisay fakhrinimo; their profligate [wasteful] lifestyle resulted in bankruptcy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysii
(fal) wax daran bad... Oo lagu gayeysiin wixii halacba loo gaystey. Dh: bad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyeysii
bw: geyeysiin (ta) [vn-f]
de: compel, force s.o. (to do s.t.)
lx: geyeysii
pd: (geyeysiiyey)
ps: v2a=caus
syn: bad
key: geyeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysi
(Hiireysi-ga)
Hiireysasho; hiireysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiireysi
m.l la-mid: hiireysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbeysi
m.l la-mid: hilbeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimleysi
m.l la-mid: jimleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayeysi
(Kaayeysi-ga)
Kaltan; miilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayeysi
m.l la-mid: kaayeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaayeysi
vl. n. turn, chance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaayeysi
de: turn, chance
lx: kaayeysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: kaayeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leyleysi
m.l la-mid: leyleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leyleysi
-ga: (magac, lab, keli) leyleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: midee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mideysii
v.caus: unite, unify
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mideysii
de: unite, unify
lx: mideysii
pd: (mideysiiyey)
ps: v2a=caus
key: mideysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miileysi
m.l la-mid: miileysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyeydin
question word, vl. pron. are you? / do you? / did you? [plural.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyeydin
[interrogative word] are you (all) not..? did you (all) not..?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyeydin
a: maad
de: are you? / do you? / did you? [plural]
lx: miyeydin
pd: (meydin)
ps: qw + vpro
key: miyeydin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyeysan
[interrogative word] are they not..? didn't they..?. Ex: miyeysan wax maqlin? didn't they hear?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niyeysad
(Niyeysad-ka)
Niyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyeysad
m.l la-mid: niyeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyeysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg niyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qibleysi
m.l la-mid: qibleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryeysi
m.l la-mid: qoryeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeysi
m.l la-mid: siddeysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigeysi
-ga: (n) masturbation (mas-ter-beey-shiri) ~ seegaysi, seego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adamiyeysi
m.l la-mid: adamiyeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku darsasho. Dh: badhxasho, xariirasho.
biyeysasho -da: (magac, dhedig, keli) weyso iwm biyo ku shubasho; weel biyo ku shubasho. Biyeysashada weysada waad kartaaye biyayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caariyeysi
(Caariyeysi-ga)
Caariyeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeysi
m.l la-mid: caariyeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyeysi
vl. n. borrowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeysi
-ga: (magac, lab, keli) amaahaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyeysi
de: borrowing
lx: caariyeysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: caariyeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibiyeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax si dibaya ah u raran ahaansho (rati).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beys
m.l (kiimika) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beys
m.l (kiim.) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milan-biyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beys
-ka: (magac, lab, keli) waxa markay la falgalaan cusbada asiidhyada sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iyey
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka dhadhanka galmada ee dhedigga. Dh: macaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydi
-ga: (magac, lab, keli) hilibka intiisa loogu jecelyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beyse
vl. pron., [conjunction] instead, she / they,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beyse
de: instead, she / they + [FOCUS] = baa + ay + -se
lx: beyse
pd: (bayse)
ps: focus + vpro + conj
key: beyse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) 1. Wax biyo ku darid. 2. Wax biyo ka badan ku darid.