biyamarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyamarin
m.dh Si xoog leh oo roob meel ugu da'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyamaris
biyamaris¹: m.l Roob xoog leh oo biyihiisu daad soo rogaan.
biyamaris²: f.mg1 (-say, -stay) Biyo roob daad soo rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyamareen
-ka: (magac, lab, keli) dhul godan oo biyaha roobku isugu soo ururaan ama ku soo dindimaan, meesha dhuuxa ah ee biyuhu maraan. Biyamareen baad reerka dejiseen daadkaa qaadiyi see la yeel hadduu roob da'o. Dh: keli, boqon, far, gacan, kannaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyamar
m.l (-rro, m.dh) Raadka uu roobka ku reebo meesha uu ku da'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayari
m.dh la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarin
m.dh la-mid: cayaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciyaarsiin. Dh: dheelsiin, madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarin
(Diyaarin-ta)
Diyaar ka dhigid; darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarin
m.f.dh eeg diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaargarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyammareen
(Biyammareen-ka)
Tog yar ama weyn oo la sameeyey ama iska samaysmay oo dhuuxiisa biyuhu maraan; far; gacan; kanaal; keli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyammareen
m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog; kanaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyammareen
m. n., [compound] canal, channel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyammareen
de: canal, channel
lx: biyammareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyammareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyomareen
-ka: (magac, lab, keli) meel godan oo daadku maro. Beertu waxay ku taal meel biyomareen ah. Dh: gotaan, biyamareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarin
baarin¹: m.f.dh la-mid: baariyid.
baarin²: m.dh Meesha gacatada laga qoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badeeco la naadiyay qof u xukumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararin
m.f.dh eeg barari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararin
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun ama nabar wax barariya. Bararinta maxaa keenaya?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarin
m.f.dh eeg basari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qun yar ah oo xeelad iyo maskaxi ku jirto xal u helid. Hawluhu basarin ayay u baahan yihiin. Dh: basaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaari
ciyaari¹: m.l.u la-mid: cayaari¹.
ciyaari²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cayaari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaari
(fal) cid kale, dheelsii. Dh: cayaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid. m.f.dh, diyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaari
v. prepare, make ready
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaari
-yey / say: (v) prepare (piri-peer); make ready, make preparations (meyk pare-pareey-shinis); pave the way ~ diyaargaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaari
(fal) hawl sidii loo qaban lahaa, qorshee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaari
de: prepare, make ready
lx: diyaari
pd: (diyaariyey)
ps: v2a=
key: diyaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarin
m.dh Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarin
vl. n. glancing, giving (only) a superficial look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eegid degdeg ah. Hoo buuggan ilmarin ku soo samee. Dh: fiirfiirin, indha'indhayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarin
de: glancing, giving (only) a superficial look
lx: ilmarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ilmarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoogaysi ama itaalaysi ama ciidamin. Talo wacani tamarin bay leedahay. Dh: xoogaysi. Li: liidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarin
m.f.dh eeg banmari. la-mid: banmaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarin
m.f.dh eeg baraari. la-mid: baraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badhaadhayn oo nimcad samayn. Qof walba baraarin naftiisa wuu u ordaa. Dh: badhaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaraar caddayn ah soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayaanin
m.f.dh eeg bayaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) si cad oo aan madmadaw lahayn wax u sheegid. Runtu bayaaninta ayay ku fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qotoma qalloocin. Bikaacin unbaa wax lagaga cabbi karaa dhiisha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biyamaal
nickname; name-m wealth, riches, finance, prosperous, fortunate; good omen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayaro
m.dh Meel aan biyo badan lahayn. la-mid: biyayari, biyayarood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarin
(Cayaarin-ta)
Cayaarsiin; dheelsiin; madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarin
m.f.dh eeg cayaari. la-mid: ciyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaarin
vl. n. act of having someone play, dance ~ drill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dheelsiin. Dh: dheelsiin, madadaalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaarin
de: act of having s.o. play, dance ~ drill
lx: cayaarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cayaarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'sicir', aad u kicin; qiimo aad u sarreeya gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). la-mid: ibamaryeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarid
m.f.dh eeg ibamar². la-mid: ibamar-yeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaamin oo waddo aanay aqoon tusin. Dh: hagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadin
(Siyaadin-ta)
Siyaado u yeelid; wax dheeri ah ku darid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadin
m.f.dh eeg siyaadi. la-mid: siyaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dheeraad ku darid; badin; wax dheeri ah ku biirin; kordhin badin; siyaadis. Dh: kordhin. Li: dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyamacee
(fal) biyaha macaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) horay u dhigid: horay u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyafariisin
m.l (-nno, m.dh) Dhul godan oo biyo qabatin leh. la-mid: biyafariisad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyafariisin
m.l (-nno, m.dh) Dhul godan oo biyo qabatin leh. la-mid: biyafariisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) raridda iyo dhaaminta biyaha. Dh: warraad, biyadhaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyammaceyn
(Biyammaceyn-ta)
Dhar ama wax kale oo biyo dhanaan lagu mayray, biyo macaan uga danbaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammaceyn
m.f.dh eeg biyammaacee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaqabatin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan. la-mid: biyaqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyarraacin
(Biyarraacin-ta)
Wasakh la kaakacshey ama meel tuunsan, biyaha xooggooda ku kala eryid, ku xaaqid, ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyarraacin
m.f.dh eeg biyarraaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalmarin
(Abaalmarin-ta)
Abaalkiis abaal le'eg marin; abaalgudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalmarin
m.dh eeg abaalmari. la-mid: abaalmaris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaalmarin
-ta: (n) reward (ri woordh) ~ abaalgud, jaa'isad, jiso, mutaysi. -Syn: award (a woordh); promotion (pare mow shen); prize (pareyz); recompense (re kom pensi) -abaalmari -yey/say: (v) reward (ri-woordh); award (a woordh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Abaalmarin
Premio
Bonus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ajarka uu Ilaahay siiyo addoomihiisa u hoggaansama.
abaalmarin -ta: (magac, dhedig, keli) samafal iyo hawl wanaagsan uu geystay uga abaalgudid. Dh: abaalcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixmarid
-da: (magac, dhedig, keli) hal dhinaca bidix maran. Bidixmaridda hashu candho barar bay ka qaaddaye ka fur maraqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyagaleen
-ka: (magac, lab, keli) meel godan oo dhijaamo iyo haro leh oo biyuhu fadhiistaan. Reerku wuxu ag degey meel biyagaleen leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyammacee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Dhar saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyammacee
v., [compound] rinse with fresh water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyammacee
de: rinse with fresh water
lx: biyammacee
pd: (biyammaceeyey)
ps: v2b=cmp
key: biyammacee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaraacis
-ka: (magac, lab, keli) biyarraacin ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaxireen
m.l (-nno, m.dh) la-mid: biyaxir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyaxireen
m.l (-nno, m.dh) la-mid: biyaxir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyaxireen
m. n., [compound] dam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyaxireen
-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baangk-ment); dike ~ biyoxireen, biyoxidh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyaxireen
a: biyaxidheen ~ biyoxireen
de: dam
lx: biyaxireen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyaxireen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyayarood
(Biyayarood-ka)
Biyuhu ku yar yihiin; aan biyo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayarood
m.l la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyayarood
m. n., [compound] scarcity of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyayarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yar oo aan biyo badnayn, dhadhiin ah. Biyayarood buu noqday ceelkii cusbaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyayarood
de: scarcity of water
lx: biyayarood
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyayarood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyoraacin
-ta: (n) the act of flushing; rinsing (riinsing) ~ see [eeg] biyaraaci
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyosaaris
-ta: (n) drainage (dharee neeyj); the act of draining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsiin
m.dh la-mid: cayaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, koox iyo wixii la mid ah, gaardisiin. Dh: dheelsiin, cayaarin, ciyaarsiis.
ciyaarsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dheeldheelsiin oo maaweelin. Dh: dheeldheelsiin. ciyaarsiis -ka: (magac, lab, keli) cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarin
(Dabammarin-ta)
Meesha u danbaysa geyn; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabammarin
m.f.dh eeg dabammari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammarin
-ta: (magac, dhedig, keli) khayaano cid wax loogu diiddan yahay. Dh: seejin, waydaarin.