biyakuhadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyakuhadh
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay biyuhu ku sii hadhaan xilliga jiilaalka kolka meelihii laga cabbi jiray ay gudhaan. Dh: biyokuhar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyakuhar
m.l (-rro, m.dh) Balli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyakuhar
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay biyuhu ku sii hadhaan xilliga jilaalka kolka meelihii laga cabbi jiray ay gudhaan. Dhijaan biyakuhar ah ayaa beertayada ku dhex taal. Dh: biyokuhadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyadhac
(Biyadhac-a)
1. (xoolo) balli waran ama webi ka cabbid.
2. Meel jab ah oo biyo ka degtaan (ama biyadhaceen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhac
biyadhac¹: m.l 1. la-mid: biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iyo wixi lamida ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. la-mid: biyadhicid.
biyadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Xoolo meel biyo leh ka harqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyadhac
m.l 1. la-mid: biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (- cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iyo wixi lamida ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. la-mid: biyadhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyadhac
m. n., [compound] swamp, marsh, watering place for cattle ~ livestock
biyadhac m. n., [compound] waterfall, cascade; rapids
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyadhac
-a: (n) waterfall (wo ter-fooly, cascade (kaaskeeyd) ~ biyodhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhac
-a: (magac, lab, keli) guryaha saqafkooda dhinka biyaha roobku uga dhacaan. Dh: majaroor, biyashub.
biyadhac-a: (magac, lab, keli) meel hoose oo qaw ah ama haadaan ah oo biyo socdaa ka dhacaan, halka biyuhu ku hoobtaan. Garabada biyadhaca ku taalla ku soo dabbaasha. Dh: biyashub.
biyadhac-a: (magac, lab, keli) xoolo, biyo wadhan oon shubaal ahayn loona kala horaynin ka cabbid. biyadhaceen -ka: (magac, lab, keli) eeg biyadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyaxidh
-ka: (magac, lab, keli) dhisme xoog badan oo lagu istaajiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: biyaqabatin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaakhad
(Siyaakhad-da)
Alaabta laga sameeyo dahabka iyo lacagta iyo macaadinta kale oo qaaliga ah: suuqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaakhad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iyo wixi lamida oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaakhad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan macdan qaali ah oo ay ka mid yihiin dahabka, qalinka iyo wixi lamida oo haweenku isku qurxiyaan; suuqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaakhad
f. n. jewelry (valuable item worn); the art of making jewelry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaakhad
-da: (magac, dhedig, keli) alaab laga sameeyo dahabka, lacagta ama macdan kale oo qaali ah; suuqad.
siyaakhad-da: (magac, dhedig, keli) qalab dahab ah oo dumarku xidho. Gabadhaydii siyaakhad baan u soo iibiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaakhad
bw: Arabic
de: jewelry (valuable item worn); the art of making jewelry
initial: s
lx: siyaakhad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: siyaakhad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyashubad
m.l la-mid: biyashubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyashubad
-ka: (magac, lab, keli) abaar darteed biyo la soo dhaamiyay iib ama aaqiibo ku shubasho. Jiilaalka biyoshubadka waa lakala waayaa. Dh: biyoshubasho, biyadhaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golekuhadh
-ka: (magac, lab, keli) xoolo odayga u gaar ah oo dumarka uu qabo iyo carruurtiisa midna wax ku lahayn. Geeddi geelii golakuhadhka ahaa buu yaradka xaaska labaad ka bixiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyashubasho
m.f.dh eeg biyashubo. la-mid: biyashubad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyashubasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg biyashubad.