biyabuuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabuuf
-ka: (magac, lab, keli) labada xidid ee waawayn ee hunguriga labadiisa dhinac mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabuur
(Baabuur-ka)
1. Gaadiid badanaaba afar garangarood leh oo ku socda qalab dhaqaajiya (motoor) oo gudaha ugu jira; dadka iyo alaabada buu qaadaa; gaari.
2. Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, wixii wax lagu karsana hayo, la kor saaro; girgire, birjiko; marakab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada; gaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabuur
m. n. car, automobile, truck
baabuur m. n. tin cooking stove, steamer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabuur
-ka: (n) car (kaar); auto (oo tow), automobile (ooto moobiil); vehicle (viikal); truck (taraak) gaari, fatuurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabuur
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid ku socda afar walxood ama in ka badan oo ka samaysan bir iyo cinjir neef lagu afuufay kuna shaqeeyaa shidaal. Dh: gaadhi, gaari, tamaamuul.
baabuur: -ka: (magac, lab, keli) qalab jikada loo adeegsado. Dhagax si farshaxannimo loo qoray ama ka samaysan ama walax bir ah oo inta dhuxul lagu shido wax lagu dul kariyo. Distida baabuurka dul saar oo xeraadka innoo kari. Dh: birjiko, girgire, marakab, burjiko.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyabax
-a: (n) ejaculation (ijaa-ki leey shiri); orgasm (oorgaasam); climax (kalaay-makis) ~ biyobax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabax
(fal) lab ama dhedig, biyaha menida ama shahwada, soo bax.
biyabax -a: (magac, lab, keli) lab ama dhedig. shahwad soo baxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabaxo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul biyaha webiyada iyo balliyadu fariistaan, markay soo jabsadaan jiinkii celinayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbax
(Biyabbax-a)
Biyaha laboodka imaatinkooda, soo bixiddooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbax
biyabbax¹: m.l Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaan. la-mid: biyabbixid.
biyabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyabbax
biyabbax¹: m.l Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaa.
biyabbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho. m.f.dh, biyabbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbax
v., [compound] ejaculate, have an orgasm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbax
a: sp: biyabax, biyobax
de: ejaculate, have an orgasm = biyo + bax
lx: biyabbax
pd: (biyabbaxay)
ps: v1=cmp
key: biyabbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeel
-ka: (magac, lab, keli) cunto la karinayo oo biyuhu ka yaraadaan ama ka dhammaadaan. Dheriga biyo ku dar biyabeel buu ku dhow yahay. Dh: biyallaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyashub
m.l (-byo, m.dh) Meel dabiici ama dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan uga daataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyashub
m.l (-byo, m.dh) Meel dabiici ama dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan uga daataan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyashub
-ka: (magac, lab, keli) guryaha saqafkooda ama dushooda dhinaca biyaha roobku uga dhacaan ee janjeedha. Biyashubka gurigu waa dhankee? Dh: majaroor, biyadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufbuuf
m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufbuuf
m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenabuur
-ka: (n) forgery (foorjari); falsification, something fraudulent ~ foorjari
beenabuur: -ay / tay: (v) counterfeit (kaawnterfit); fabricate, falsify, forge, make up, phony ~ beensamayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbaxo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meesha ay biyaha webiga ka fatahay ku faafaan. 2. Marka ay biyuhu webiga ka fatahmaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyabbaxo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meesha ay biyaha webiga ka fatahay ku faafaan. 2. Marka ay biyuhu webiga ka fatahmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeel
(Biyabbeel-ka)
(cunno la karinayo, kd.) biyaha oo oomaar ahaan uga dhammaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbeel
biyabbeel¹: m.l 1. B. ah: badar la karinayo oo isaga oo aan weli bislaan biyihii ka dhammaadeen. 2. la-mid: biyabbeelid.
biyabbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Dheri karsamaya biyo ka dhamaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbeel
v., [compound] dry out, become waterless, evaporate, lose water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbeel
de: dry out, become waterless, evaporate, lose water
lx: biyabbeel
pd: (biyabbeelay)
ps: v1=cmp
key: biyabbeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbiyo
m.l la-mid: biyabbiyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabixid
-da: (magac, dhedig, keli) qarbid iyo wax la mid ah, biyo sii dayn. Dh: biyabixis.
biyabixid-da: (magac, dhedig, keli) shahwada lab ama dhedig soo baxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabiyow
(fal) wax aad u jilicsan noqo; biyo oo kale noqo.
biyabiyow -ga: (magac, lab, keli) wax aan rasiin ahayn oo jilicsan noqosho. Sharaabku biyabiyowga kuma macaana.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabooli
-ga: (magac, lab, keli) dhul kor ka awdan. hoosna dalawyo iyo hogag waaweyn oo qarsoon ku leh oo biyaha soo dulmara wada liqa. Biyabbooli bay biyihii laagtu ku dhaceen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyakuhar
m.l (-rro, m.dh) Balli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyakuhar
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay biyuhu ku sii hadhaan xilliga jilaalka kolka meelihii laga cabbi jiray ay gudhaan. Dhijaan biyakuhar ah ayaa beertayada ku dhex taal. Dh: biyokuhadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyashubo
f.mg3 (-btay, -batay) Ku b.: hadal arrin iyo wixi lamida dulucdiisa meel isugu uruurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyashubo
f.mg3 (-btay, -batay) Ku b.: hadal arrin iyo wixi lamida dulucdiisa meel isugu uruurid. m.f.dh, biyashubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyashubo
(fal) biyo dhaanso oo weelasha buuxso. Waa jilaale biyashubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyoculus
biyoculus¹: m.dh (-syo. m.dh) Ceelasha la shubo meesha isha xigta.
biyoculus²: m.dh (kiimika) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyoculus
m.dh (kiim.) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylasuuf
m.l (-fyo, m. dh) Nin cilmiga falsafada yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faylasuuf
m.l (-fyo, m.dh) Nin cilmiga falsafada yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faylasuuf
m. n. philosopher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylasuuf
-ka: (magac, lab, keli) ninka yaqaan cilmiga falsafadda. Falasuuf haddaad tahay anna farsama yagaan baan ahay. Wa: faylasuufyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faylasuuf
bw: Arabic
de: philosopher
lx: faylasuuf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: faylasuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyannuug
riyannuug¹: m.l 1. Orgi yar oo hooyadii nuuga. 2. Nin hungurixumo lagu dhalii-layo.
riyannuug²: m.dh.u Abeeso-lugalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riyannuug
m.dh.u Abeeso-lugalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyannuug
-ga: (magac, lab, keli) orgi yar hooyadii nuuga.
riyannuug-ga: (magac, lab, keli) nin hungurixumo lagu dhaliilayo.
riyannuug-ga: (magac, lab, keli) qof ariga aan caadi u maalane toos naasaha uga nuuga. Riyanuug xoolo looma diro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirabbuur
(Tirabbuur-ka)
Wax ama dad badan oo meel wada jooga, docda tiradoodu u badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirabbuur
m.l Wax ama dad meel wada jooga dhanka tiradoodu u badantahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirabbuur
m. n., [collective] majority; supernumerary, extra people to make up numbers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirabbuur
-ka: (magac, lab, keli) wax ama dad badan oo meel wada jooga docda tiradoodu u badan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirabbuur
de: majority; supernumerary, extra people to make up numbers
initial: t
lx: tirabbuur
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: tirabbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti'afuuf
(Baqti'afuuf-ka)
Soo noolaan iyadoo dhimasho lagu dhowaadey; (ama bakhti'afuuf).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqti'afuuf
v. resuscitate, bring back to life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqti'afuuf
(fal) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolee. Dh: bakhti'afuuf.
baqti'afuuf -ka: (magac, lab, keli) Awood Eebbe, qof dhimasho qarka u saaran ama loo huray, noolayn. Dh: bakhti'afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqti'afuuf
de: resuscitate, bring back to life
lx: baqti'afuuf
pd: (baqti'afuufay)
ps: v1=
key: baqti'afuuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. la-mid: bakhti-afuuf².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqti-afuuf
baqti-afuuf¹: m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. la-mid: bakhti-afuuf.
baqti-afuuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. m.f.dh, baqti-afuufid. la-mid: bakhti-afuuf.