biyabeeltirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku daridda dheri biyabeelsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltiris
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darista dheri biyabeelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltir
(fal) dheri biyabeelay biya ku shub. Biyabeeltir dheriga wuu gubanayaaye.
biyabeeltir -ka: (magac, lab, keli) dheri biyabeelay in kale ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dheri karsamaya oo biyuhu ka dhammaadaan. Dh: biyallaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeelid
(Biyabbeelid-da)
Biyaha wax lagu karinayo, oomaar ahaan u dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbeelid
m.f.dh eeg biyabbeel². la-mid: biyabbeel¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbixid
(Biyabbixid-da)
Shahwo ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbixid
m.f.dh eeg biyabbax². la-mid: biyabbax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbixid
vl. n. ejaculation, having an orgasm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbixid
a: biyabbax (ka)
bw: sp: biyabixid
de: ejaculation, having an orgasm
lx: biyabbixid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: biyabbixid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeelsan
(tilmaame) dheri u baahan in biyo lagu daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabeenxirid
m.f.dh eeg sabeenxir². la-mid: su- beenxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasetirid
-da: (magac, dhedig, keli) masayrtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleeltirid
(Leelleeltirid-da)
Leelleel ka eegid, ka dhawrid; ciidan hawl gabay, abaalgud ku filan oo uu ku noolaado siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltirid
m.f.dh eeg leelleeltir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof midiidin ah ama hawlgabay, wax ku filan siin; leelleeltiris.
leelleeltirid -da: (magac, dhedig, keli) wax uu leelleelka iyo dhibaatada kaga baxo siin. Li: leelleelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhicid
m.f.dh eeg biyadhac². la-mid: biyadhac¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyuhu ka badan yihiin oo biyabiyo ah noqosho. Shaaha rasiin ka dhig oo biyadhicidda ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhigid
m.f.dh eeg biyadhig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) roob biyo badan di'id. Shuuc biyadhigid maleh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) cabidda biyaha diidid. Dh: biyadiidis.
biyadiidid -da: (magac, dhedig, keli) arrin ku qanciwaayid oo natiijadeeda saluugid. Ka biyadiididda arrimaha badhkood wuu jiraa waana la xalliyaa. Dh: saluugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilbeelid
(Ciilbeelid-da)
Wax ciilka bi'iya falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbeelid
m.f.dh eeg ciilbeel. la-mid: ciilbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii ciilka keenay, tirtirid; aargudasho dabadeed, ciil iska baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribtirid
m.f.dh eeg ciribtir². la-mid: ciribtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribtirid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltirid
m.f.dh eeg degeltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'inta jabadkii iyo gujufkii reerkii hore ee degganaa meesha kaga guuray. Dh: degeltiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) ibabbeel ku dhaca ibtii caanuhu ka soo dhiiqayeen. Dh: candhabbeelid, naasabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirtirid
m.f.dh eeg miyirtir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) maandoori; miyirdoorin. Sakhraanku miyirtiridda naftiisa isaga ayaa ugu wacan. Dh: waalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigibtirid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooca ka bi'in; ula'qumiye gelin; toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifaftirid
(Tifaftirid-da)
Wax tifaftiran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifaftirid
m.f.dh eeg tifaftir². la-mid: tifaftir¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tifaftirid
vl. n. detailed explanation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifaftirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamaystirida hawl la soo af jaro.
tifaftirid -da: (magac, dhedig, keli) qaabdarri ka bi'in. Tifatirida usha godin u qaado.
tifaftirid-da: (magac, dhedig, keli) qeexida warka runtiisa la sheego.
tifaftirid -da: (magac, dhedig, keli) khalad ka saarida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tifaftirid
de: detailed explanation
initial: t
lx: tifaftirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tifaftirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaddiidid
m.f.dh eeg biyaddiid². la-mid: biyaddiid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtirid
m.f.dh eeg dhabaqtir². la-mid: dhabaqtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeelid
m.f.dh eeg miyirbeel³. la-mid: miyirbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) maan iyo kala garashaba waayid; waalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeenxirid
m.dh la-mid: sabeenxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welweltirid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo walbahaar ka bi'in; cid walaacsan u bishaarayn. Waraaqda waxan aabbahay ugu soo diray welweltirid. Dh: welweltiris. Li: welwel-abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo oo kale noqod; sida biyaha oo kale noqosho. Biyabiyoobid iyo bislaad xumo shuurada ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabeeloobid
m.f.dh eeg dhabeelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) naag gaari ah oo martabo iyo maamuus leh noqosho. Dh: marwoobid, gaariyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbiyoobid
m.f.dh eeg biyabbiyow². la-mid: biyabbiyow¹.