bitijoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitijoor
-ka: (magac, lab, keli) qalab gacanta lagu qaato oo dhagax baytari iyo il la geliyo oo la shido leh oo mugdiga lagu iftiinsado. Dh: toosh, bijijoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitijor
m.l (-rro, m.dh) Karbuuno; tooj.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bitijor
m. n. flashlight
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bitijor
de: flashlight
lx: bitijor
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: karbuuno {N}
key: bitijor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooj
-ka: (magac, lab, keli) qalab yar oo dhawr beytari lagu rido oo afka hore guluub bidhaama ku leh oo gacanqabsi ama madaxa lagu qaato oo wax lagu ifsado. Dh: karbuuno, bitijoor, toosh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lampe
lampe, n.f. - Faynuus; Nal; Bitijoor.
lampe électrique - Toosh; Tooj; Kaarboon.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
torche
torche, n.f. - toosh; tooj; kaarboono; bitijoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitikobar
-ka: (magac, lab, keli) nooc saarka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biijo
(Biija-da)
Cudur bushinta hoose docdeeda kore ku dhaca; barraaqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biijo
m.dh Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biijo
m.dh Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biijo
f. n., [collective] lip disease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biijo
-biijada: (n) disease that affects lips
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biijo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur bishinta hoose xanuun ku dhaca oo caddeeya, malaxaysta. Dh: barraaqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biijo
cf: barraaqdo
de: lip disease Caused by lack of vitamins
lx: biijo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: biijo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax biiri qabatay noqosho. Tusaale: “Cali waa biirooday”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroo
(fal) «ku ~» ceel in badan dhoobnaa ama aasnaa dib u qodiddiisa ama dabool ka qaadiddiisa ku sumow. Raggii dhoobka ka qaaday laba nin baa ku biirootay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bitiqo
name-f beautiful; elegant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirood
m.f.l eeg biiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirood
-ka: (magac, lab, keli) ceel in badan aasnaa ama dhoobnaa oo dib u qodiddiisa ama dabool ka qaadiddiisa biirta sumoowga laga qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istijoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istijoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xubnaha saxarada iyo kaadidu ka timaaddo nadiifin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fiqidoor
nickname; name-m an exalted whisperer; exalted religious man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fiqidoor
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo wadaad diinta ku xeeldheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istijood
m.f.dh eeg istijoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istijood
m.f.dh eeg istijoo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mijiroor
Water spout
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
abat-jour
abat-jour, n.m. - daharka nalka lagaliyo si loo dhimo ifka nalka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriskoob
-ka: (magac, lab, keli) qalab obtikeed ka sameysan; bikaacyo iyo birismi oo wax lagu fiiriyo ama lagu soo daawado wax ku daba qarsoon shey kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibijooni
-ga: (magac, lab, keli) abbaanduule ama hoggaamiye dagaal. Dibijooniyaashii ku lumay daakhatiyo faafan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diktatoor
m.l Keligi-taliye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diktatoor
m.l Keligi-taliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diktatoor
m. n. dictator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diktatoor
-ka: (n) dictator (dik-teey-tar); absolute ruler; tyrant (taay-rent); despot (dhes-pat) ~ kali taliye, dikteeyter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diktatoor
-ka: (magac, lab, keli) siyaasi kelitalis ah oo mar walba in taladiisu socota doona ama isku arka inuu dadka in dheer yahay. Dh: kelitaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diktatoor
de: dictator
lx: diktatoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: diktatoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Martisoor
(Martisoor-ka)
Martida oo sooryo loo sameeyo; martiqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martisoor
martisoor¹: m.l la-mid: martisoorid.
martisoor²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid marti ah soorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
martisoor
f.g1 (-ray, -rtay) Cid marti ah soorid. m.f.dh, martisoorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
martisoor
m. n., [compound] food and hospitality for guests; entertaining
martisoor v., [compound] hold a reception ~ feast; feed and entertain ~ show hospitality to guests
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
martisoor
-ay / tay: (v) feed and entertain guests; give a feast for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martisoor
(fal) marti kuu timid sed iyo seexadba sii.
martisoor-ka: (magac, lab, keli) eeg martigelin.