bislays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysi
m.l la-mid: bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysi
-ga: (magac, lab, keli) karsasho oo wax bislaaday ka dhigasho. Bislaysiga cuntadayda waan ka adagahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bislayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon. m.f.dh, bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayso
(fal) cuntadaada karso. Qadada bislayso bisle: magaca loo baxsho wiil dhashay isaga oo leh timo jilicsan oo bis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislay
(fal) wax bissil ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslays
-ka: (magac, lab, keli) baslayn u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bislayn
(Bislayn-ta)
Wax bisil ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayn
m.f.dh eeg bislee. la-mid: bislays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bissil ka dhigid. Bislayn intaa ka badan looma baahnee dheriga ka soo rog. Dh: bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubasho
(Dubasha-da)
(cunno) dab, raran, kd., ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarin
(Karkarin-ta)
1. Dhawr jeer karin.
2. (biyo, kd.) karkar gaarsiin; bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysasho
m.f.dh eeg bislayso. la-mid: bislaysad, bislaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubo
dųbo: f.g3 (-btay, -batay) Cunto raran ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax hog ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarotiin
m.l (baayoloji) Xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheef-shiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dab iyo biyo ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raranso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto raran ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilayso
f.g3 (-stay, -satay) Shiil wax ku bislaysasho ama ku kululaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcad-dhalaalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solo
f.g3 (-oshay, -olatay) Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab ku bislaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubo
dųbo: f.g3 (-btay, -batay) Cunto raran ku bislaysasho. m.f.dh, dųbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dab iyo biyo ku bislaysasho. m.f.dh, karsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Subag ama saliid wax ku bislaysasho. 2. Burcaddhalaalsasho. m.f.dh, shiilasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bislee
-yey / bislaysay: (v) cook (kuukf, make well-done ~ kari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaysad
m.l la-mid: bislaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax bisil oo la cuni karo ka dhigasho. Ninna bislaysadka cuntadiisa loogu iman maayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaysan
(tilmaame) ah wax la bisleeyey. Hilib bislaysan oo baruur leh noo keen. Dh: karsan, diyaarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilays
(Ilays-ka)
Waxa aan la'aantiis wax la arki karin; if; iftiin; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilays
Light
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilays
m. n., [collective] faint ~ dim light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilays
-ka: (n) light (laayt) ~ iftiin, if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilays
-ka: (magac, lab, keli) iftiin; nuur. Iilku waa aqal aan ilays lahayn. Dh: nal, tiriig, laydh, kaah.
ilays -ka: (magac, lab, keli) hirar birlabdanab oo hirbaacyo u gooniya leh, ishuna arki karto oo ka kooban midabada oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilays
cf: if, nuur
de: faint ~ dim light
lx: ilays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: ilays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslay
(fal) si aan qorshaysnayn oo kolba meel laga bilaabayo hawl u qabo. Baslaynta jooji si fiican wax u doodndoon. Dh: baslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belays
-ka: (magac, lab, keli) belo iyo baas u keenis. Dh: balays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigays
-ka: (magac, lab, keli) bigaynta shaaha. Bigays shah beri horaa iigu danbaysay.
bigays -ka: (magac, lab, keli) shaah aan caano lahayn. Laba koob oo bigaysaan cabbay: Dh: rinji, madow. Li: caddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileys
m.l la-mid: boliis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileys
-ka: (magacwadareed) ciidanka suga ammaanka dalka ee xidha qofka jebiya sharciga. Bileyskaan kaa soo dacweyn haddaad ideyni waydo Dh: boolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlay
(fal) gammaan, labada lugood ee danbe, wax ku harraati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birays
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah birayn. Birays ha la seegin wanka. Dh: xalaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisayl
(Bisayl-ka)
1. (cunno) dab lagu karshay oo gaaray heerka lagu cuno.
2. (miro) dhuguc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisayl
m.l 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iyo wixi lamida marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. la-mid: bislaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisayl
m.l 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iyo wixi lamida marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. la-mid: bislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisayl
m. n. ripe fruit ~ vegetable; cooked food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisayl
-ka: (n) 1. ripeness (raaypnes) 2. cooked food (kuu kidh fuudh); ready to eat bisil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisayl
-ka: (magac, lab, keli) dhuuni dab lagu kariyey oo diyaar u ah in la cuno. Labadii caydhiin wax ku qaybsataa bisayl iskuma cawrido.
bisayl -ka: (magac, lab, keli) midho caydhiinkii ka baxay oo gaadhey heer la cuni karo. Dh: dhuguc. bisayldhaaf -ka: (magac, lab, keli) wax dabka ku raagey oo aad u karsamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisayl
cf: bisil, dhuguc
de: ripe fruit ~ vegetable; cooked food
lx: bisayl
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bisayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaw
(fal) wax bisil oo cunid diyaar u ah noqo. Dherigii wuu bislaaday ninkii cuniyoow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulays
-ka: (magac, lab, keli) bulaynta ul qoyan. Bulayska cidaaddu dhiilshaa lagu cugaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cisayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Iblays
-ka: (magac, lab, keli) makhluuq aan dhiman oo xumaan iyo shar ka shaqeeya kuna qalqaaliya dadka inay ka tegaan wanaagga, xumaantana falaan. Dh: Shaydaan, Ibliis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milays
-ka: (magac, lab, keli) eeg milayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mislay
/misley/mislaid; (v) boos khaldan wax dhigid, kuna hilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baslayn
(Baslayn-ta)
Si basle ah, baadi ama wax kale, u raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baslayn
m.f.dh eeg baslee. la-mid: basle (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc orodka ka mid ah oo gucle u eg oo si qaabxun wax loo raadgoobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelays
-ka: (magac, lab, keli) dad beelbeel u dejin, dad ururin oo beelbeel u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biglayn
(Biglayn-ta)
Hadba big leh; bidhaamo googgo'an oo degdeg isu dabajooga, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biglayn
m.f.dh eeg biglee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biglayn
vl. n. twinkling, flashing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biliglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhlayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biglayn
de: twinkling, flashing
lx: biglayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: biglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifays
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku bilbilid oo ku qoyn. Biifayskii baa ka badisay ka jooji biyaha.
biifays -ka: (magac, lab, keli) wax qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimays
-ka: (magac, lab, keli) biimo ku samayn: halis ku ridid. Biimayska markii horeba adaa i geliyey ee iga saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billayn
m.dh la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartan cisho jira cid dusha u saarid oo dibadda warwareejin. Billaynta carruurta waxa lagu balleeyaa kolba qofka la doorbidayo. Dh: gardaadin, ballayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqlayn
(Biqlayn-ta)
Biqle samayn; biibbiilayn; jaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlayn
m.f.dh eeg biqlee. la-mid: biqlays, biqle (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada lugood ee danbe oo wada jira, ku harraatiyid. Dh: jaflayn, biibiilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisbaas
m.l la-mid: basbaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisbaas
m. n. chili, hot pepper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisbaas
-ka: (n) hot pepper (hot pepar)-, chili (jili) ~ basbaas. Ex: cunto bisbaas leh; hot spicedfood; [ peppered food]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisbaas
-ka: (magac, lab, keli) eeg baribari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisbaas
a: basbaas
de: chili, hot pepper
lx: bisbaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bisbaas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bislaad
-ka: (n) 1. ripeness (raaypnes) ~ dhuguc. 2. the state of being cooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaad
-ka: (magac, lab, keli) wax cunitaan diyaar u ah noqod. Dh: dhugcid, gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislaan
m.f.dh eeg bisil. la-mid: bisayl (4), bislaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bisil oo la cuni karo ahaan. Bislaanta badan garowga ka ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlays
m.l la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaysin
m.l la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baashayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysi
(Beelaysi-ga)
Gumeysi, isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysi
m.l la-mid: beelaysasho.