bishaarays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarays
-ka: (magac, lab, keli) farxad iyo wanaag ugu bishaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaarayn
(Bishaarayn-ta)
Bishaaro sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarayn
m.f.dh eeg bishaaree.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bishaara
name-f good news, predictor of good news, good tidings
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarad
m.dh la-mid: bishaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarad
-da: (magac, dhedig, keli) war farxad leh. Bishaarad ayaan kuu sidaa. Dh: bishaaro. bishaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) war farxad leh warramis; cid ka farxin oo wax fiican u sheegid. Warka bishaaraynta waa lala degdegaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisharayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u cid kale, war farxadi ka buuxbdo u sheegid. Bishaarayntay roobkiyo, barwaaqaan Bismillaahi sugaynaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fiin
magac loo baxsho wiil cod qurux badan laga arkay ama xilligii uu dhalanayay shinbirkaasi ag joogay guriga oo khayr laga bishaaraystay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abshir
(fal) bishaarayso; erey bishaarayn ah oo qof war fiican laga sugayay uu hadalkiisa ku bilaabo. Abshir! Ardaydii itixaannadii dhammaan way ku guulaysteen. Dh: bishaaro!
abshir-ta: (magac, dhedig, keli) laba talo tan roon oo la jecel yahay. Tawfiiqda Eebbiyo, abshir baan sugaynnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaallicaanood
-da: (magacwadareed) labo xiddigood oo cadcad, kuwa la amaano na ka mid ah ee ayaanka badan. Aroosyada iyo carruurta xilligaa dhalatay, waa lagu bishaaraystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barako
magac loo baxsho wiil ama gabadh dhalashadeeda la bishaaraystay barako iyo khayr.
barako -da: (magac, dhedig, keli) gallad gaar ah, dadka qaar Ilaahay ku mannaysto, dheeri iyo siyaado. Badda iyo buuraha Allaw barako noo geli Dh: karaamo, barkhad, taran, lii, qaneecaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraysi
-ga: (magac, lab, keli) marka ay cidi muujiso dareen ah inay wax dhibsanayso. Kuuma fiicna durraysigu ee bishaarayso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BISHAAR
(Bisciar) S Dicoma gnaphaloides Mattei. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharays
-ka: (magac, lab, keli) wax shar ka dhigasho. Dh: sharaysad, sharaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisaarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan oo dhan waliba taabsanaysa. Dh: silic, basaas, jacdad, busaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaaro
(Bishaara-da)
War wanaagsan oo lagu farxo oo qofka loo sheegaa aalaa wax baxsho; naallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaaro
m.dh War wanaagsan oo farxad iyo reyn reyn leh. la-mid: bishaarad, bushaarad, bushaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bishaaro
m.dh War wanaagsan oo farxad iyo reyn reyn leh. la-mid: bishaarad, bushaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishaaro
f. n. good news; congratulations
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bishaaro
name-f good news; congratulations (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bishaaro
-bishaarada: (n) congratulation (kongaraajuleey-shin); good news ~ hambalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaaro
-da: (magac, dhedig, keli) war fiican oo aad loogu farxo. Bishaaraan kuu sidaa ee bilkhayr dheh!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishaaro
bw: bushaarad ~ bushaaro
de: good news; congratulations
lx: bishaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: abshir
xe: Arabic
xv: hambalyo
key: bishaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacays
m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. la-mid: shaacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahays
-ka: (magac, lab, keli) shah cabbid.
shaahays-ka: (magac, lab, keli) shaah ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bishaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid. m.f.dh, bishaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishaaree
v. congratulate, tell good news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaaree
(fal) u~ cid kale, war farxad ku jirto u sheeg. Bilaal isagoo nool baa Jannada loogu bishaareeyey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishaaree
de: congratulate, tell good news
lx: bishaaree
pd: (bishaareeyey)
ps: v2b=
key: bishaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushaarad
m.dh la-mid: bishaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushaarad
f. n. good news, congratulations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushaarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bishaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushaarad
a: bushaaro (/da) [n6-f]
de: good news, congratulations
lx: bushaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: bishaaro
key: bushaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarays
-ka: (magac, lab, keli) sinsaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhaarhaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhaarhaye
m. n. storekeeper, shop attendant, warehouseman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhaarhaye
-bakhaarhayaha: (n) storekeeper (istoor kiiper); warehouser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaarhaye
-ha: (magac, lab, keli) qofka bakhaar furihiisa iyo qufulkiisa haya; qofka haya bakhaar shaqadiisa ee waxa yaalla maamula.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhaarhaye
de: storekeeper, shop attendant, warehouseman
lx: bakhaarhaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bakhaarhaye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaarhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl laga hayo bakhaar dhexdii iyo wixii la xidhiidha sida furahiisa iyo qufulkiisa ba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilhaarsiya
m.l (daawo) Deris ku nool saddexda nooc uu leeyahayna ay keenaan cudurro dalalka kulul laga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilhaarsiya
m.l (daaw.) Deris ku nool saddexda nooc uu leeyahayna ay keenaan cudurro dalalka kulul laga helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miishaareyn
m.dh la-mid: miinshaareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiishaarayn
m.dh la-mid: afmiinshaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaaddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: nashaaddaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bashaar
name-m messenger of good news, bringer of many glad tidings
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisbaas
m.l la-mid: basbaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisbaas
m. n. chili, hot pepper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisbaas
-ka: (n) hot pepper (hot pepar)-, chili (jili) ~ basbaas. Ex: cunto bisbaas leh; hot spicedfood; [ peppered food]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisbaas
-ka: (magac, lab, keli) eeg baribari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisbaas
a: basbaas
de: chili, hot pepper
lx: bisbaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bisbaas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bishaan
(expression) this month ~ bishan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanay
(fal) ha xurmayn oo sharafdil ku samee. Dh: ihaanee, dullee, dullay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaaro
(Ishaara-da)
Far ku fiiq; baaq; tusmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaaro
m.dh Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaaro
m.dh Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaaro
f. n. indication, sign, omen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ishaaro
name-f indication, sign, omen (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishaaro
-ishaarad: (n) 1. prediction (piridikshin), prophecy. 2. traffic light stoplight, traffic signal. 3. indication (in-dikeeyshin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaaro
bw: Arabic
de: indication, sign, omen
lx: ishaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ishaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarays
-ta: (magac, dhedig,meli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahay
(fal) biyo karaya shaah ku dar, ranjiyey.
shaahay: (fal) shaah cab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaarac
-a: (magac, lab, keli) meel suuq dhexdilah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaraq
shaaraq¹: m.l.kh S. ah: Qalidda neef ishkin ah la qalo waqti abaar ah si hilibkiisa looga ganacsado.
shaaraq²: f.g1 (-qay, -qday) Neef ishkin ah, waqti abaar ah qalasho si hilibkiisa looga ganacsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shacays
(Shacays-ka)
Dab hore oo afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo loo daaro; (ama shucays).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shacays
shacays¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. la-mid: shucays.
shacays²: m.l la-mid: shacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shacays
m. n. muzzle-loading rifle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacays
-ka: (magac, lab, keli) buntukh afka laga cabbayn jirey gadaalna ku lahaa meel baaruudda loogu shubo iyo liifad kolka la qarxinayo laga daaro; shucay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shacays
a: shucays
de: muzzle-loading rifle
initial: s
lx: shacays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shacays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanays
-ka: (magac, lab, keli) shanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqays
m.l la-mid: shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirays
m.l la-mid: shirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirays
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) u shidhayn; qof dartii, neef u qalid. Dh: shido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wishaar
(Wishaar-ka)
Weshaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wishaar
wishaar¹: m.l.kh Doon ama markab cusub oo kolkaas dibedda iyo badda loo saaray.
wishaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax duugoobay sidii uu hore u ahaa ka dhigid (guri, doon, iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wishaar
vl. n. launching of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg weshaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wishaar
a: weshaar
cf: washir
de: launching of a ship
initial: w
lx: wishaar
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: wishaar