birxarbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birxarbi
(Birxarbi-da)
Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixii ku go'ana lagaga soo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birxarbi
m.dh 1. Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixi ku go'ana looga soo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birxarbi
f. n. rod used for cleaning the barrel of a gun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birxarbi
-da: (magac, dhedig, keli) bir dhuuban oo dheer oo inta maro yar dufan la mariyo qoriga dhuuntiisa lagu safeeyo oo dhuunta qoriga hoosteeda dherer loogu xareeyo oo markii loo baahda uun laga soo saaro. Birxarbida li soo saar maar baa qoriga dhunta u fadhiisataye. Dh: ulxarbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birxarbi
de: rod used for cleaning the barrel of a gun
lx: birxarbi
pd: (-da)
ps: n2-f, n7-f
key: birxarbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birri
(Birri-ga)
Dhulka intiisa engegan; inta aan baddu ku fadhiyin; dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. la-mid: berri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birri
m. n., [collective] land (as opposed to sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birri
-ga: (n) land (laandh) ~ dhul. Ex: badda iyo birriga; the sea and the land
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birri
a: berri
de: land (as opposed to sea)
lx: birri
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: birri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarbi
(Xarbi-ga)
Xaraabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarbi
xarbi¹: m.l la-mid: xaraabad.
xarbi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid la dagaalamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarbi
f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid la dagaalamid. m.f.dh, xarbiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xarbi
pr. n., masculine: Harbey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarbi
m. n. war, battle
xarbi v. make war, fight, do battle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xarbi
name-m to make war, fight, do battle. Lit: someone who was born during a memorable battle (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarbi
-ga: (n) war (woor); combat (kom-baat)-, fighting (faayt-ing) ~ dagaal. Ex: xarbigii labaad ee adduunka; the second world war
xarbi: -yey / day: (v) engage in fighting; especially armed battle ~ dagaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarbi
(fal) dagaal gal oo weerar iyo difaacba samee. Inta xaqaagu maqan yahay xarbi. Dh: dagaallan.
xarbi -ga: (magac, lab, keli) dagaal aan waxba loola kala hadhin. Rag waxa la iskaga ceshaa saw carbiga maaha. Dh: dagaal. Li: nabad.
xarbi -ga: (magac, lab, keli) bir yar oo ul leebka yaryar le'eg ah oo qoriga xabbadu ku go'do lagaga soo tuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid. m.f.dh, bararin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barari
(fal) wax bararsan ka dhig; xanuuni oo barar u yeel. Shawdh ku barari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birlab
(Birlab-ta)
Bir adag oo duuban oo dhuxusha lagu daray aad u yar tahay; birmac; birsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birlab
m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. la-mid: birsulub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birlab
m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. la-mid: birsulub.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birlab
Magnet
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birlab
f. n., [compound] steel; magnet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birlab
ka: (n) [Pl. birlabyo-da] magnet (maag neeyt); electromagnet ~ birdanab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Birlab
Acciaio
Steel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlab
-ta: (magac, dhedig, keli) bir adag oo aan dhayal ku afbeelin. Gudintani waa birlab dhagax haddaad ku garaacdana laabmimayso. Dh: birmac birsan.
birlab-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhaab astaanta bir soojiidashada leh.
birlab -ta: (magac, dhedig, keli) eeg birdanab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birlab
bw: birdanab
de: steel; magnet
lx: birlab
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
syn: birsan, magniit
key: birlab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid baraare siin (Eebbe).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAARI
(Barari) S Cissus aphylla Chiov. Vitaceae.
S Cissus quinquagularis Chiov. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraari
-ga: (magac, lab, keli) qaadka soo baxaaya ee cusub, ee curdanka ah. Baraari weeye qaadku. Dh: fiil. Li: gahayr, garraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbari
(fal) dadka tuugtuug; hadba qof bari oo isu mar in badan. Barbari dadka bal inay wax ku siiyaan.
barbari: (fal) (is ~) is barbari, dhinac isu badi. Isbarbari yaan lagu jiidhine.
barbari -da: (magac, dhedig, keli) geedgaab kulul, khudradda ka mid ah, lagu geedeeyo cuntada, leh iniinyo yaryar oo afka ku guba. Barbare ninkii beerta bay gubtaa. Dh: qaji, basbaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryari
-da: (magac, dhedig, keli) qurjad xumi. Dh: sinyari, lafyari, jidhyari, saryari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriiri
f.mg2 (-iyay, -isay) Weji biriir u yeelid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birjare
Qalab lagu jaro birta qarada yar ee duuban ama fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birqaab
(Birqaab-ka)
Bir labo qalbac oo is-haysata ka samaysan oo biraha la tumayo lagu qabto ama lagu qaabiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birqaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iyo wixi lamida lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. la-mid: birqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birqaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir laba qalbac oo gadaal ama dhexda iska haysta ah oo dhuxusha birta kulul iyo wixi lamida lagu qabto. 2. Summad ka kooban laba alif oo isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. la-mid: birqabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birqaab
m. n., [compound] pair of tongs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birqaab
-ka: (magac, lab, keli) bir bal dhaban oo dhexda iskaga laaban oo dhuxulaha dabka ah iyo birta kulul ee la tumayo lagu qabto. Birqaabka dhuxusha ku qabo.
birqaab -ka: (magac, lab, keli) sumad laba farraaq leh oo eg hiinsaraarka oo xoolaha luqunta lagaga dhigo. Ri' birqaab leh ayaa arkay oo baadi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birqaab
de: pair of tongs (e.g., as used for holding or moving charcoal)
lx: birqaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: birqaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birxaar
(Birxaar-ta)
Bir jaad xun oo jilicsan: birta iyo dhuxusha laga sameeyey baa birtu yar tahay, dhuxushuna aad u badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birxaar
m.dh 1. Nooc biraha ka mid ah, aad u jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. la-mid: birajuuraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birxaar
m.dh 1. Nooc biraha ka mid ah, aad u jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. la-mid: bir-ajuuraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birxaar
f. n., [collective] iron ore; poor-grade iron; iron powder (medicine)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birxaar
-ta: (n) 1. discarded metal; junk (jank); scrap (iskaraap) birqalax. 2. iron ore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birxaar
-ta: (magac, dhedig, keli) bir jilicsan oo jabi og sababta oo ah inay dhuxushu ka badan tahay birta laga sameeyay. Dh: birxun. Li: birlab, birsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birxaar
cf: bir
de: iron ore; poor-grade iron; iron powder (medicine)
lx: birxaar
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: birxaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryari
m.dh Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. la-mid: ciryaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciryari
m.dh Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryari
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciryaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: feeraari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabi
(fal) hiraab sii; suxuur sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birwaran
-ta: (magac, dhedig, keli) birta, jaad adag oo la tumo afkana loo yuubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirqarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof ama in ka badan sir ku qarsasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biforcarsi
v.rifl. - laba meel u qaybsamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituarsi
v.rifl. - caadaysasho, u barasho, qaayibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraaruji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin. m.f.dh, baraarujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraaruji
v. wake up, rouse, awaken someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraaruji
-yey -say: (v) 1. make someone awake; wake up ~ toosi. 2. make someone conscious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaruji
(fal) hurdada ka toosi cid kale. Baraaruji beesha colbaa soo galaye.
baraaruji: (fal) cid kale, digtooni iyo feejigni geli, ruux baraarugsan ka dhig. Ku baraarujiya dadka halista nadaafad darradu leedahay. Dh: wacyigeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraaruji
de: wake up, rouse, awaken s.o.
lx: baraaruji
pd: (baraarujiyey)
ps: v2a=tr
key: baraaruji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barimarsi
m.l Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barimarsi
Hinterland
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigrojebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimo ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikrajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimada ka bi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bikrajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimada ka bi'in. m.f.dh, bikrajebin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bilharzia
Kaadi dhiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilyaardi
m. n. billiards, pool; billiard ~ pool table
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilyaardi
-ga: (n) billiards (bil-yaar-diz); carom (kaa-ram); billiard; pool table
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilyaardi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar lagu ciyaaro miis dushii oo la adeegsado dhiilo yaryar oo weysada ubbada u eg'eg oo lagu toogto kubbad yar oo ul dheer lagu riixayo. Jaamacadda ayaan bilyaardi ku ciyaaraa. Dh: bilyaardo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilyaardi
de: billiards, pool; billiard ~ pool table {It}
lx: bilyaardi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bilyaardi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birbirqid
-da: (n) the act of shining; glinting (gilinting); sparkling ~ shucaac bixin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biribaati
-ga: (n) [Pl. biribaatiyaal- sha] private school (paraayvit iskuul)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birshubid
m.dh Dhalaalinta iyo qaabeynta birta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birshubid
m.dh Dhalaalinta iyo qaabeynta birta. bir-u-eke m.l (-kayaal, m.l/dh) (kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursariir
m.l la-mid: bursaaliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijaxaabi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: manjaxaabi.