birsulub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsulub
m.dh la-mid: birlab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsulub
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg birshub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallays
gaallays¹: m.l.kh Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
gaallays²: m.dh.kh Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birshub
m.dh (-byo, m.dh) Qalab biraha lagu dhalaaliyo, qaabab kala duwanna u yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birshub
m.dh (-byo, m.dh) Qalab biraha lagu dhalaaliyo, qaabab kala duwanna u yeesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birshub
-ta: (magac, dhedig, keli) bir adag oo tayo leh ama la cufay. Dubbaha waxa laga sameeyaa birshub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulub
1. Sidib ah; aan xanaf iyo gowtiyo lahayn.
2. (Sulub-ka) a) Dhagax sulubi ah. b) Birsulub; birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulub
m.l 1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sulub
m.l 1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sulub
m. n. polished stone; anything smooth and polished
sulub m. n., (mass n.): steel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sulub
name-m polished; smooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sulub
-ah: (adj) smooth (ismuuth); smooth surface free from roughness ~ siman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sulub
magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo dagaalyahan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulub
-ka: (magac, lab, keli) dhagaxa sidibka ah; aan xanaf iyo gawtimo lahayn.
sulub -ka: (maga, lab, keli) bunduq lagu dagaallamo. Dh: qori.
sulub -ta: (magac, dhedig, keli) birsulub; birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birlab
(Birlab-ta)
Bir adag oo duuban oo dhuxusha lagu daray aad u yar tahay; birmac; birsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birlab
m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. la-mid: birsulub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birlab
m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. la-mid: birsulub.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birlab
Magnet
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birlab
f. n., [compound] steel; magnet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birlab
ka: (n) [Pl. birlabyo-da] magnet (maag neeyt); electromagnet ~ birdanab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Birlab
Acciaio
Steel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlab
-ta: (magac, dhedig, keli) bir adag oo aan dhayal ku afbeelin. Gudintani waa birlab dhagax haddaad ku garaacdana laabmimayso. Dh: birmac birsan.
birlab-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhaab astaanta bir soojiidashada leh.
birlab -ta: (magac, dhedig, keli) eeg birdanab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birlab
bw: birdanab
de: steel; magnet
lx: birlab
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
syn: birsan, magniit
key: birlab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsol
birsol¹: m.l 1. Neef xoolo ah oo la gowracay. 2. la-mid: birsolid.
birsol²: f.mg1 (-olay, -oshay) La gawracay ahaansho (neef xoolaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsol
(fal) gawrac neef xoolo ah oo dhimanaya. Baraarkii mid baa labirsolay
birsol -ka: (magac, lab, keli) neef sii dhimanaya xalaalayntii. Bakhtigiigsa iyo birsolkiisa ma kala jecle. Dh: gawrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsolid
m.f.dh eeg birsol². la-mid: birsol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsolid
-da: (magac, dhedig, keli) gawracida neef sii dhimanaya. Wankii bakhti oo bersolidna seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriskoob
-ka: (magac, lab, keli) qalab obtikeed ka sameysan; bikaacyo iyo birismi oo wax lagu fiiriyo ama lagu soo daawado wax ku daba qarsoon shey kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birollaab
-ka: (magac, lab, keli) qalab biraha lagu laabo oo farsamayaqaannadu adeegsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birshubid
m.dh Dhalaalinta iyo qaabeynta birta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birshubid
m.dh Dhalaalinta iyo qaabeynta birta. bir-u-eke m.l (-kayaal, m.l/dh) (kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsolsan
(tilmaame) neef la xalaaleeyey. Waanbaa noo birsolsan manta. Dh: gawracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyoculus
biyoculus¹: m.dh (-syo. m.dh) Ceelasha la shubo meesha isha xigta.
biyoculus²: m.dh (kiimika) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyoculus
m.dh (kiim.) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SIR CULUS
Segretissimo
Top secret