birotobilaasma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birotobilaasma
-da: (magac, dhedig, keli) qalab kimikaad kakan oo kala duduwan ee salka u ah unugyada noolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotobalaasam
m.u (baayoloji) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borotobalaasam
m.u (baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotobalaasam
-ka: (magac, lab, keli) walax leh miramiro oo looga jeedo walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo Walaxdan, waxay ka kooban tahay bu' dhextaalla saytoobalaasam oo xab oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoobitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo noqod. Biyoobitaanka barafka ka ilaali oo qaboojiyaha geli. biyoole-ha: (magac, lab, keli) ruuxa biyo dhaaminta ka shaqaysta ee intuu soo dhaamiyo sii gada biyaha. Biyoole tanag iiga shub markuu soo maro. Dh: warraad, biyadhaamiye, dameerdhaamiye.