ereyga

birimbirqayn

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

birimbirqayn

DHAN

m.f.dh eeg birimbirqee. la-mid: birimbirqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Birinbirqayn

DHAFAN
1

(Birinbirqayn-ta)

2

Cayaar-carruureed aan hab lahayn cayaarid; farsamo birinbirqada carruurta u eg, samayn; faranfardayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

birinbirqayn

DHAFAN

-ta: (n) child's play

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birinbirqayn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar aan qaab lahayn oo ay carruurtu jiifka ku galgalato. Birinbirqayn badanaa ilmuhu seexashana diidye. Dh: faranfardayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birinbirqays

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) birinbirqayn samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

birbirqaya

DHAFANDHAAF

(adj) glittering (gilitaring); sparkling; glistening birbir

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

birimbirqo

DHAFANDHAAF

m.dh Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iyo wixi lamida marka ay barwaaqeysanyihiin. la-mid: birimbirqayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

birimbirqee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-qeeyay, -qaysay) Birimbirqo samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sirinsirqayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax miyirbel ku dhacay ahaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biibiilayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) biibiib ama biibiile samayn. Biibiilaynta biiqbiiqda naga daaya. Dh: biiqbiiqlayn.

2

biibiilayn-ta: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa biibiida samayn. Biibiilayn baaq maaha. Dh: dhiiqdhiiqlayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Birinbirqo

DHAFANDHAAF
1

(Birinbirqa-da)

2

Cayaar-carruureed aan hab ama madax iyo manjo midna lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

birinbirqo

DHAFANDHAAF

f. n. child's play

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birinbirqo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) birinbirqayska ciyaarta carruurta. Birinbirqo iyo jiidhjiidh baad nagu disheen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

birinbirqo

DHAFANDHAAF
1

de: child's play

2

lx: birinbirqo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

key: birinbirqo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Biibbiilayn

DHAFANDHAAF
1

(Biibbiilayn-ta)

2

Biibbiile samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biibbiilayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg biibbiilee. la-mid: biibbiile (3).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

birinbirqee

DHAFANDHAAF

v. play like a child

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

birinbirqee

DHAFANDHAAF

-yey/birinbirqaysay: (v) romp (roomp); frolic (faroolik); play like a child

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birinbirqee

DHAFANDHAAF

(fal) jiif ku galgalo, jiifka ku ciyaar si aan qaab lahayn. Cunuggu intuu birinbirqeeyey buu ooyey. Dh: cagabidhlee, firfirlee, faranfardee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

birinbirqee

DHAFANDHAAF
1

de: play like a child

2

lx: birinbirqee

3

pd: (birinbirqeeyey)

4

ps: v2b=

5

key: birinbirqee

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sirinsirqay

DHAFANDHAAF

(fal) siriri; miyirbeel.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biiqbiiqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sirinsirqays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) sirinsirqayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bartirayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) turub dhigid wax nooc ahaan ka duwan waxa badka yaalla.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

birbirqid

DHAFANDHAAF

-da: (n) the act of shining; glinting (gilinting); sparkling ~ shucaac bixin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birlabayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, lab, keli) habka walxaha ama biraha loogu geddiyo birlab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Birqabayn

DHAFANDHAAF

Forging

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jiciirayn

DHAFANDHAAF
1

(Jiciirayn-ta)

2

1. Ceeb ku markasho.

3

2. (timo) ciiro guduudan u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jiciirayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jiciiree.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jiciirayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) timaha midab guduudan u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xiriirsan

DHAFANDHAAF

Midba midka ka horreeya ku daban yahay, ku xiran yahay; taxan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xiriirsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku daba xiran ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xiriirsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku daba xiran ahaansho. m.f.dh, xiriirsanaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xiriirsan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] in a chain, connected one to another, continuous

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xiriirsan

DHAFANDHAAF

-aa I ayd: (adj) in series; serial (sii-ri-yaal); continuous (kontiini-yuwas); successive (sek-see-siv); straight (istareeyt), linear (liiniyer) ~ xiriir ah, musalsal ah, taxane ah, socda

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiriirsan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) kala dambeeya oo isku aaddan ah. Baabuur xiriirsan ayaa la weeraray.

2

xiriirsan: (tilmaame) soo kabmaysa ah. Lahtu way xiriirsan tahaye dhawr.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xiriirsan

DHAFANDHAAF
1

de: in a chain, connected one to another, continuous

2

initial: x

3

lx: xiriirsan

4

pd: (xiriirsanaa)

5

ps: adj-der

6

key: xiriirsan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barbarrayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg barbarree.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barbarrayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) barbarro noqosho; kalama'adkaan noqosho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bigbiglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidhlayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bihimbihin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bihimbihi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bihimbihin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si soo jiidasho iyo is jecleysiin ah isku looxlooxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Binimbaraa

DHAFANDHAAF

Penumbra

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biricbiric

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaq iyo diirdiirranaan meelse aan lagu gaadhin. Biricbiricda haddaan naleedahay wax qaban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ciribtiran

DHAFANDHAAF
1

ciribtiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho.

2

ciribtiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax jiriitaankiisa baaba'ay ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ciribtiran

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho. m.f.dh, ciribtirmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ciribtiran

DHAFANDHAAF

(tilmaame) wax la dabargooyey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diradirayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) iska horkeenista labo dhinac ayadoo qofba intiisa xun ka kale loo sheegayo. Dh: namiimayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

firfirlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) rafasho aan kala joogsi lahayn. Dh: rafasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jiri jiray

DHAFANDHAAF

vl. [expression] there used to be

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jiri_jiray

DHAFANDHAAF
1

de: there used to be

2

lx: jiri jiray

3

ps: v1-expr

4

key: jiri_jiray

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wiriiryaan

DHAFANDHAAF
1

(Wiriiryaan-ka)

2

Wax faro badan oo meel wada jooga oo intaas is dabammaraya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wiriiryaan

DHAFANDHAAF

m.l Wax farabadan oo meel wada jooga oo intaas is dabammaraya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

wiriiryaan

DHAFANDHAAF

m. n. swarm ~ swarming (circulation of large groups ~ numbers)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wiriiryaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) is daba mar iyo xuuran uu sameeyo wax farabbadan oo meel wada jooga. Dadkiiba wiriiryaan kama baxayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

wiriiryaan

DHAFANDHAAF
1

de: swarm ~ swarming (circulation of large groups ~ numbers)

2

initial: w

3

lx: wiriiryaan

4

pd: (-ka)

5

ps: n-m

6

key: wiriiryaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

wirwirqaya

DHAFANDHAAF

(v) shining (shaayn-ing); shimmering (shimar-ing); twinkling (tuwinkal-ing) ~ dhaldhalaalaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bililiglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) walalaclayn hillaac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bililiqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax diniinaya oo is daba qulqulaya. Bililiqlaynta biyaha roobkaa buuxshay bad iyo webi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biyabbiyayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg biyabbiyee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Diraddirayn

DHAFANDHAAF
1

(Diraddirayn-ta)

2

(dad) inay wax isyeelaan ama colloobaan ama is nacaan ka xoojin; iskuddirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

diraddirayn

DHAFANDHAAF

m.dh eeg diraddiree. la-mid: diraddire, diraddiro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miririglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si miririg ah u dhaqdhaqaaqid oo u socsocosho. Illaa saaka uun baa miririglayn lagu jiraa. Dh: xuuraan, agaguug, miririglays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ciribtirnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ciribtiran². la-mid: ciribtirnaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ciribtirnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dabargo'naan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

karinbillayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg karinbillee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biligbiliglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin ama bildhaan meel durugsan ka muuqda ama ka baxaya samayn. Biligbiliglaynta roobkiyo onkodkuu fiinku ka ooyayaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

firixfirixlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg firfirlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

firinfirlaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq badan iyo joogsil'aan.

waa la naqliyay ✓