birdhuxuleed
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birdhuxuleed
Bir dhuxul lagu dhex qaboojiyey.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baanad
Qalabka loogu isticmaalo xiridda iyo furidda qodobbada iyo qabbirrada dhabannada leh ee kala cabbirka duwan. Waxay leedahay xaglo celiya ama qabta geesaska qodobbada iyo qabbirrada, afkooduna wuxuu u samaysnaan karaa saddex hab: mid sugan oo labo qal leh, mid caynduub leh oo qalka sare uu sugan yahay iyo ama madax faraati-xaglood ah. Guud ahaan afka baanaduhu waxay ka samaysan yihiin birdhuxuleed heer sare ah.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Koroomiyum
Birciideed ama birdhuxuleed heer sare ah ee ku barxan koroomiyum ah 0'20-0,50 inta u dhexaysa. Koroomiyum waa bir xoog leh isla markaana la gaarsiin karo xoog aad u heer sarreeya. Wuxuu noqon karaa dheeh-bireed si birta lagu dheeho uu u xoogtaaro isla markaana uu ka dhawro mirirka ama daxasha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir dhuleed
Ground wave
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbirdhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Firidh Bu'eed
Nuclear Disintegration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhxumee
(fal) garaac oo jidhdil.
jidhxumee: (fal) cid aad necebtahay oo kuu timid, jidhka ka tus oo u muuji nacaybshaha.
jidhxumee: (fal) wajixumee oo caloosha iyo jidhkaba kadiid. Dh: wajidadab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldhuleed
m.l (jooloji) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhuleed
m.l (jool.) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhuleed
-ka: (magac, lab, keli) kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhuleed
Groundwater
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiir dhuleed
Earth pillar, Hoodoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir-dhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-bu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhuleed
Ground frost, Land-ice
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birilaxooxeed
m.dh Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birilaxooxeed
m.dh Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo wada qodax ah oo iftiima. Dh: xiddigdhul