birbirqaya
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birbirqaya
(adj) glittering (gilitaring); sparkling; glistening birbir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wirwirqaya
(v) shining (shaayn-ing); shimmering (shimar-ing); twinkling (tuwinkal-ing) ~ dhaldhalaalaya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brilliant
/biriiliyanti/ (adj) 1. dhalaalaya (birbirqaya) (adj) 2. maskax badan (caqli badan). e.g. She is a brilliant child.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shiny
/shayni/ (adj) dhalaalaya (birbirqaya).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fosforòscènte
agg. - dhalaalaya, birbirqaya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lucènte
agg. - birbirqaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birimbirqayn
m.f.dh eeg birimbirqee. la-mid: birimbirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birinbirqayn
(Birinbirqayn-ta)
Cayaar-carruureed aan hab lahayn cayaarid; farsamo birinbirqada carruurta u eg, samayn; faranfardayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birinbirqayn
-ta: (n) child's play
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birinbirqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar aan qaab lahayn oo ay carruurtu jiifka ku galgalato. Birinbirqayn badanaa ilmuhu seexashana diidye. Dh: faranfardayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birinbirqays
-ka: (magac, lab, keli) birinbirqayn samayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birbirqid
-da: (n) the act of shining; glinting (gilinting); sparkling ~ shucaac bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiray
(fal) dhig wax ka duwan waxa badka yaalla, dhig waxa aan la nooc ahayn inta kale oo ka duwan turub. Bartireeyey turubkii haddaad baabsan garanaysid. Dh: bartee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birbirid
(Birbirid-da)
Dhaldhalaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaldhalaalid ama iftiimid isdaba socda. Birbiridda kurdadda na shawaqisay. Dh: bidhbidhid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birbiriq
-ay/birbiriqday: (v) reflect light; glint or glisten; shine (shaayn)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURBURAA
(Burbura) NFD, May, S Carphalea glaucescens (Hiern) Verdc. Rubiaceae.
N Tolpis somalensis Fries. Compositae.
N, C Launaea hafunensis Chiov. Compositae.
S Launaea cornuta (Oliv & Hiern) Jeffrey. Compositae.
C Carphalea glaucescens (Hiern) Verd. Rubiaceae.
N Pentanisia fragrans Rendle. Rubiaceae.
N Melhania muricata Balf.F. Sterculiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirday
(Dirirday-ga)
Xiddigo naafaha ku jira; waxay u dhexeeyaan koxdin iyo dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirday
m.l Urur xiddiga ah oo Naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya Koxdinta iyo Dirirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirday
-ga: (magac, lab, keli) xiddigo naafaha ku jira oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirriqaa
(Jirriqaa-ga)
Bahal yar oo kobojaaga u eg; warriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqaa
m.l (cilmiga naflayda) Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriqaa
m. n., [collective] cricket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirriqaa
-ga: (n) cricket (kirkit); grasshopper (graashopar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqaa
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo booda. Meelaha qoyan iyo alaabaha galaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriqaa
cf: jiiqjiiqle
de: cricket
lx: jirriqaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: jirriqaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibirayn
m.f.dh eeg sibiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sicir marin. Dh: shammiintayn, sibidhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarray
(fal) barbarradhac la noqo cid kale; labo aan ka la badinnin noqda. Way barbarreeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub dhigid wax nooc ahaan ka duwan waxa badka yaalla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartirays
-ka: (magac, lab, keli) turub haadka socda haad aan ahayn, bartirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbirole
-ha: (magac, lab, keli) magaca jaad ka mid ah kaluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarrayn
m.f.dh eeg barbarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barbarro noqosho; kalama'adkaan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg barbarrayn. barbarraysii: (fal) labo dhinac oo tartamaya, kalama'adkaan ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbiglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidhlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biibiib ama biibiile samayn. Biibiilaynta biiqbiiqda naga daaya. Dh: biiqbiiqlayn.
biibiilayn-ta: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa biibiida samayn. Biibiilayn baaq maaha. Dh: dhiiqdhiiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfirlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rafasho aan kala joogsi lahayn. Dh: rafasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tirtirayya
essuyer, frotter.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqbiiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiryaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dibbirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirinsirqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miyirbel ku dhacay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirinsirqays
-ka: (magac, lab, keli) sirinsirqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biibbiilayn
(Biibbiilayn-ta)
Biibbiile samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biibbiilayn
m.f.dh eeg biibbiilee. la-mid: biibbiile (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birimbirqee
f.mg2 (-qeeyay, -qaysay) Birimbirqo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birinbirqee
v. play like a child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birinbirqee
-yey/birinbirqaysay: (v) romp (roomp); frolic (faroolik); play like a child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birinbirqee
(fal) jiif ku galgalo, jiifka ku ciyaar si aan qaab lahayn. Cunuggu intuu birinbirqeeyey buu ooyey. Dh: cagabidhlee, firfirlee, faranfardee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birinbirqee
de: play like a child
lx: birinbirqee
pd: (birinbirqeeyey)
ps: v2b=
key: birinbirqee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciirciiraya
(v) being unsteady (bii an-istadh)-, stagger (istagerf totter footer), fluctuat (falak-juweyt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiraysan
f.mg1 (-snaa, -snayd) la-mid: dibbirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirinsirqay
(fal) siriri; miyirbeel.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Siririnayya
étrangler.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biresbiyabiya
-da: (magac, dheddig, keli) dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga wax dhaw iyo hoos u dhac xagga aragga oo ay da'du keento. Arrintaa waxa sabab u ah isha oo aan awoodin inay bedesho qalooca birta (lens) si ay bayaan u aragto wixii u dhaw. Waxa lagu saxaa muraayadaha uu dhakhturku kuu qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biresbiyobiya
m.dh (daawo) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biresbiyobiya
m.dh (daaw.) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiricaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax jiriirico hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriiricaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax jiriirico hayso ahaansho. m.f.dh, jiriiricaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriiricaysan
der. [adjective] having gooseflesh ~ goosebumps, with goose-pimples
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriiricaysan
(tilmaame) huruurac ka soo daatay jidhka, naxdin ama farxad aawadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriiricaysan
de: having gooseflesh ~ goosebumps, with goose-pimples
lx: jiriiricaysan
pd: (jiriiricaysnaa)
ps: adj-der
key: jiriiricaysan