biraha-alkaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biraha-alkaali
m.l (kiimika) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biraha-alkaali
m.l (kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoraalbaali
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga baara farta qoraalka ee dadkii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasammaali
m.l (-iyiin, m.dh) Qof hanti badan leh. la-mid: raasummaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raasammaali
m. n. capitalist, one who has capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raasammaali
-ga: (n) capitalist (kapa-teliist); investor (in-vees-ter); wealthy person ~ rasomaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasammaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg raasammaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raasammaali
bw: Arabic
de: capitalist, one who has capital
lx: raasammaali
pd: (-ga Pl: raasammaaliyiin (ta))
ps: n8-m
key: raasammaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafdhalaal
-ka: (magac, lab, keli) qaabka dhaqdhaqaaqa barafweynaha, kolka uu ku dhaco uumibax ee uu dhalaalo. Dh: barafburbur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birlab baali
Palaeomagnetism
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adkaan
m.f.dh eeg indha-adayg. la-mid: indha-adayg, indha-adkaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adkaan
f. n., [abstract] state of having no shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-adkaan
-ta: (n) see [eeg] indha-adayg -ga
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIBAAX-XALAALIS
(Libah-halalis) N Pterolobium stellatum (Forsk) Brenan. Caesalpinaceae.