bir-ajuuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bir-Ajuuraan
(Bir-Ajuuraan-ta)
Bir gaar ah oo inta la tumo oo la budeeyo, afka layska siiyo, oo lagu daweeyo dadka birtu ku yar tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bir-ajuuraan
m.dh 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. la-mid: birxaar. 3. bir 1 (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bir-ajuuraan
m.dh 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. la-mid: birxaar. 3. bir¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bir-ajuuraan
f. n., (mass n.): iron (the powder used as medicine)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bir'ajuuraan
-ta: (magac, dhedig, keli) macdan bir ah oo la tumo lana budeeyo oo afka laga siiyo dadka jidhkooda macdanta birtu ku yar tahay. Bir'ajuuraanta badiya bukaanka birtaa ku yare. Dh: xadiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bir
bir¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. la-mid: bir-ajuuraan.
bir²: m.dh (kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birxaar
m.dh 1. Nooc biraha ka mid ah, aad u jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. la-mid: bir-ajuuraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qurjad xumaan. Dh: sinyaraan, lafyaraan, jidhyaraan, saryaraan.
baryaraan -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo yaraan. Dh: saboolnimo. Li: hodannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuurayn
m.f.dh eeg bayuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fadeexadayn oo ceeb weyn ku sheegid. Dh: ceebayn, fadeexadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryaraan
m.f.dh eeg ciryar. la-mid: ciryaraansho, ciryari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuntacunis yaraan; ciryari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguuraan
-ka: (magac, lab, keli) reer beereley ama baal agar ah oo meesha uu dego muddo dheer aan gu' iyo jilaal midna ka guurin kana baqoolin. Beereleydu waa negaadi maguuraan ah.
maguuraan -ka: (magac, lab, keli) hanti rasmi ah oo meesheeda ka dhaqaaqayn sida guryaha iyo beeraha. Dh: maguurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burtuursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Soor wax burtuur yeeshay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumayn
m.f.dh eeg barafuumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) udgoonayn oo cadar ku buufin. Waxyaabo badan baa barafuumaynta loo adeegsadaa. Dh: cadarayn, udgoonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiracduulaan
-ka: (magac, lab, keli) xasharaad midab madow leh oo si wada jir ah wax u shaqaysta aadna u qaniinyo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barafuumaysan
der. [adjective] perfumed, fragrant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumaysan
(tilmaame) udgoon cadar lagu buufiyay. Macawis barafuumaysan ayaa la ii keenay. Dh: cadaraysan, carfisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barafuumaysan
de: perfumed, fragrant
lx: barafuumaysan
pd: (barafuumaysnaa)
ps: adj-der
key: barafuumaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiracduullaan
(Jiracduullaan-ka)
Jirac guuto guuto isu raaca, oo wixii ka hor yimaada baabba'sha oo cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiracduullaan
m. n., [collective] flying ant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiracduullaan
de: flying ant sp.
lx: jiracduullaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: jiracduullaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.