bilooras
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilooras
m.l (cilmiga naflayda) Afka hoose ee caloosha oo u furan xiidmaha (duwodeenam).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biloow
- bilaabay / bilowday: (v) start (istaart); begin ~ bilaab-ay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobas
m.l Habaas; boor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la booray ahaansho (sac). 2. Wax qalloocan ahaansho (dhabarka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booran
(tilmaame) sac la booray; sac boortii dabada kaga jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg boorid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Booris
Dabayl kiisid, dabayl cabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooras
m. n. force {military}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooras
de: force {military} {Eng}
lx: fooras
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fooras
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bilious
a., dacaraysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorash
-ka: (n) porridge (poorij)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faloora
Flora
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foloora
m.dh (juqraafi) Nafleyda dhirta ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foloora wuxuu la xiriira erayga foona oo loo isticmaalo nafleyda xayawaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foloora
m.dh (juqraafi) Nafleyda dhirta ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foloora wuxuu la xiriira erayga foona oo loo isticmaalo nafleyda xayawaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakoorad
m.dh (-ddo, m.dh) Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. la-mid: bakooro (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakoorad
m.dh (-ddo, m.dh) Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. la-mid: bakooro (3).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakoorad
-da: (n) walking stick ~ matoobbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakoorad
-da: (magac, dhedig, keli) ul toosan oo xagga sare soo laaban oo uu raggu u qaato xarragada, odayada gaboobay na ku tukubaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorad
m.l la-mid: baroorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorad
-ka: (magac, lab, keli) ooyid oo qaylo la hiqlayn. Baroorad geel laguma dhiciyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kilogram
Kiilogaraam
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
kilogram
(n) the fundamental unit of mass in the international system, equaling 2.2 pounds.
wax lagu qiyaaso miisaanka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kilogram
/kilo-graam/ (n) hal kiilo (= 1000 garaam)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Kilogram
Kiilogaraam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiloodis
-ka: (magac, lab, keli) la gogolgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroorasho
(Baroorasha-da)
Baroor samayn; boohin badan oo lagu dheeraysana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorasho
m.f.dh eeg barooro. la-mid: baroorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroorasho
vl. n. crying, act of mourning, keening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroorasho
-baroorashada: (n) the act of mourning (mooning) ~ baroodiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorasho
-da: (magac, dheddi, keli) oohin dhiillo iyo naxdin leh oo ay qofka ka keento geeri ama dhib kale oo soo gaadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroorasho
de: crying, act of mourning, keening
lx: baroorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baroorasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balloolis
-ka: (magac, lab, keli) dareensi awgii sida ur iyo wixii la mid ah sanka labadiisa dul weynayn. Dh: sanbaloolis.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bilateral
(adj) having two sides, or pertaining to both sides.
labada dhinac
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bilateral
Laba dhinac, laba qolo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
billiards
/bilyardis/ (n) — ciyaarta bilyaardiga (miiska iyo ulaha lugu dheelo)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
billiards
/bilyardis/ (n) dheely bilyaardighy oo ully i shiitho boojothy lyky dheelaw.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bistoolad
-a: (n) [Pl. bistoolado-ha] pistol (pistaly, revolver (ri-volvar); handgun (haandh-gan) ~ bastoolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyooleys
-ka: (magac, lab, keli) biyooleyn ku shaqayso, Biyooleyska ayuu ka helaa odaygaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoosfar
-ka: (magac, lab, keli) dhulka intiisa deegaanka u ah noolayaasha; berriga, biyaha iyo hawada inta ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filoojani
m.l (-iyaal, m.l) (baayoloji) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filoojani
m.l (-iyaal, m.l) (baay.) Taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filoojani
-ga: (magac, lab, keli) taariikhda tadawurka ee noole ama koox noolayaal ah oo xidhiidh ka dhexeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooraad
m.l la-mid: ilqooreed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalloorad
f. n. covered metal container (for milk, water, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalloorad
de: covered metal container (for milk, water, etc.)
lx: kalloorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kalloorad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg malookayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldooris
m.l Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldooris
-ka: (magac, lab, keli) inkiraadda wanaag la taray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsasho
m.f.dh eeg baroorso. la-mid: baroorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcooshaan
m.dh Nooc ka mid ah maryaha xariirta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcooshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maro rag iyo dumarku ba huwadaan. Bilcooshaan xariir ahiyo bafto iyo, khayli baro weyn leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibloomaasi
m. n. diplomat
dibloomaasi m. n., [abstract] diplomacy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibloomaasi
-ga: (n) diplomat (diplomaat); politician (polatishin) ~ siyaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooraadso
f.mg3 (-saday, -satay) Si ilqooraad ah wax u eegid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilqooraadso
f.mg3 (-saday, -satay) Si ilqooraad ah wax u eegid m.f.dh, ilqooraadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiloogaraam
-ka: (magac, lab, keli) halbeeg cufka ama culayska lagu cabbiro oo la mid ah 1000g.