bilkhayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkhayr
-ta: (magac, dhedig, keli) erey loogu jawaabo qof raba inuu war farxad leh kuu sheege oo hadalkiisa kuugu fura 'bishaaro!' adna aad ugu jawaabto 'bilkhayr!' kaddibna war xiisa leh kuugu xijisiiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaaro
-da: (magac, dhedig, keli) war fiican oo aad loogu farxo. Bishaaraan kuu sidaa ee bilkhayr dheh!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehlakhayr
m.l la-mid: ehelukhayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehlukhayr
m.l la-mid: ehelukhayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayr
(Khayr-ka)
Wax wanaag ku jiro oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayr
m.l (-raad, m.l) Wax wanaag ku jira oo dhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayr
m. n. goodness, good fortune, welfare, blessing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khayr
name-m goodness, good fortune, welfare, blessing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayr
-ka: (n) good thing; blessing (baleesing); prosperity (poroos-peeriti); goodness (guud nes); godsend; well-being; good luck; betterment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayr
-ka: (magac, lab, keli) wax wanaag ku jiro oo dhan. Dh: qayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayr
bw: kheer
de: goodness, good fortune, welfare, blessing
lx: khayr
pd: (-ka Pl: khayrar ~ khayraad)
ps: n4-m, n8-m
syn: dhur
xv: Arabic
key: khayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxayr
(Ilxayr-ka)
Koodka dhafoorka ku yaal xayrta ku jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxayr
m.l Meesha godan oo isha iyo dhegta u dhexeeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilxayr
m.l Meesha godan oo isha iyo dhegta u dhexeeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilxayr
m. n., [compound] fat found inside the temples
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilxayr
de: fat found inside the temples
lx: ilxayr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: ilxayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakhaar
(Bakhaar-ka)
Makhsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaar
m.l (-rro, m.dh) Maqaasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhaar
m.l (-rro, m.dh) Maqaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhaar
m. n. store room, warehouse; magazine; larder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhaar
-ka: (n) storage (istooreeyj); warehouse (weer haaws); magazine (maga siin); store (istoor); depot (dii pow); storehouse ~ maqaasiin, makhaasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaar
-ka: (magac, lab, keli) meel raashinka iyo alaabooyinka kale lagu kaydsado; goob wax lagu kaydiyo. Bakhaarka raashinka baabuur qamadiya ka soo rar. Dh: macdaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhaar
de: store room, warehouse; magazine; larder
lx: bakhaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: magaasiin, makhsin
key: bakhaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakhayl
(Bakhayl-ka)
Qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin; muudal; masuug; dhabcaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhayl
bakhayl¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. la-mid: bakhiil¹.
bakhayl²: f.mg1 (-aylay, -ayshay) ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. la-mid: bakhiil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhayl
bakhayl¹: m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. la-mid: bakhiil.
bakhayl²: f.mg1 (-aylay, -ayshay) ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. m.f.dh, bakhaylid. la-mid: bakhiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhayl
m. n. (adj.): miser; stingy, miserly
bakhayl [inchoative] v. be miserly with someone ~ in some way; become a miser
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhayl
-ah: (adj) stingy (istinji) dhabcaal, gacan adag, bakhiil, qurur. -Syn: close-fisted, niggardly, penny- pinching, miserly, parsimonious, penurious, tight, tightfisted. Ex: ninka bakhayl ah; the stingy man
bakhayl: -ka: (n) stingy man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhayl
-ka: (magac, lab, keli) qofka aan waxba quudhin, waxna bixin. Bakhayl irgac qalay 'baloy' baydh' badanaa. Dh: bakiil, buqayl, gacangeed, masuug, deeqlaawe. Li: deeqsi, dhabcaal, faxal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billayn
m.dh la-mid: ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartan cisho jira cid dusha u saarid oo dibadda warwareejin. Billaynta carruurta waxa lagu balleeyaa kolba qofka la doorbidayo. Dh: gardaadin, ballayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BISHAAR
(Bisciar) S Dicoma gnaphaloides Mattei. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukhaar
-ka: (magac, lab, keli) hawo la curjiyay ama dareere la bayliyay ka soo baxda oo siyaabo kala duwan loo adeegsado. Bukhaarka ka soo baxa wershadaha nugleerka waa lagu le'daa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulshay
-ga: (n) social person; outgoing personality; friendly male person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildhawr
-ka: (magac, lab, keli) hawl cid kale ku eeg inay qabato; ku xinninta cid kale inay qabato hawl.
ildhawr -ta: (magac, dhedig, keli) halka qofka aragtidiisu gaadho. Lo'dii ildhawr ayay inoo jirtaaye imika soo rog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho is dabajoog ah oo soo noqnoqota.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bildhaan
(fal) sheedda ka muuqo. Dh: bidhaan.
bildhaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sheedda ka muuqda. Dh: bidhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilisayn
(Bilisayn-ta)
1. Bilis ka dhigid; xorayn.
2. Gudid (gabdho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilisayn
m.f.dh eeg bilisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dumar ka dhigid. Bilisaynta dumarkoo kaluu ka dhigay raganimadi doobeede. Dh: naagayn.
bilisayn -ta: (magac, dhedig, keli) gabar da' yar gudid; xalaalaynta gabadh yar. Dh: gabdhaggudid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulalayr
-ka: (n) firecracker (faayar-karaker)-, fireworks (faayar weerkis) ~ rash
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bricklayer
/brikleeyar/ (n) fuundi; qof bulukeetiga isa saara (ku dhisa)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehelakhayr
m.l (-rro, m.dh) la-mid: ehelukhayr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ehelakhayr
m. n. good-hearted ~ noble person; pious, devoted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ehelakhayr
bw: Arabic
de: good-hearted ~ noble person; [orig.] pious, devoted Alt sp: ehelukhayr
lx: ehelakhayr
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ehelakhayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehelukhayr
m.l (-rro, m.dh) Qof caadeystay samaynta xumaha oo aan ku dhaqmin caqiidada islaamkaa. la-mid: ehelakhayr, ehlu-khayr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ehelukhayr
m.l (-rro, m.dh) Qof caadeystay samaynta xumaha oo aan ku dhaqmin caqiidada islaamkaa. la-mid: ehelakhayr, ehlukhayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelukhayr
-ka: (magac, lab, keli) qof samafalaha ah; inahabardoobireed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ummalkhayr
pr. n., [feminine] Umalkhayr
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ummalkhayr
bw: Arabic
cf: khayr
de: Umalkhayr Lit: mother of goodness
initial: u
lx: Ummalkhayr
ps: name-f
key: Ummalkhayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylahayn
m.dh la-mid: baylihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylahayn
(tilmaame) wax dayacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhayn
m.f.dh eeg biindhee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Biladdaya
name-f mirror; telescope. Cf: Muraayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biladdaye
(Biladdaya-ha)
1. Dhalo gaar ah oo xalleef ah, oo inti dhinaca hoose wax laga marshey, daruur ku wareegsanna loo yeelay, la iska arko; mandarad; muraayad.
2. Qalab sida dhuunta u samaysan, oo wixii aad u fog, sida xiddigaha, lagu dhugto oo soo dhoweeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biladdaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biladdaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biladdaye
m. n. mirror; telescope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Biladdaye
magac loo baxsho wiil quruxdiisa aawadeed la iska dhex arko sida muraayadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biladdaye
-ha: (magac, lab, keli) agab ka samaysan dhalooyin dhumuc waaweyn oo wixii fog soo dhaweysa marka lagu eego oo weynaysa. Biladdaye ayaan ku arkay doonta. Dh: diirad, weynayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biladdaye
cf: mandarad, muraayad {C}
de: mirror; telescope
lx: biladdaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: biladdaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliglayn
m.f.dh eeg biliglee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biliglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlabayn
-ta: (magac, lab, keli) habka walxaha ama biraha loogu geddiyo birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyakuhar
m.l (-rro, m.dh) Balli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyakuhar
-ka: (magac, lab, keli) meesha ay biyuhu ku sii hadhaan xilliga jilaalka kolka meelihii laga cabbi jiray ay gudhaan. Dhijaan biyakuhar ah ayaa beertayada ku dhex taal. Dh: biyokuhadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kilkilayn
(Kilkilayn-ta)
Kilkilada ka xadatayn (xanatayn); ka qoslin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkilayn
m.f.dh eeg kilkilee. la-mid: kilkilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkilays
m.l la-mid: kilkilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleenkhayr
-ka: (magac, lab, keli) geed jinaw ah ama dhanaan oo caleentiisuna tahay sida xinnaha oo ay dumarku wallaca u cunaan.