bilkeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilkeedi
f.g2 (-iyay, -isay) Aayaha dambe sida la noqon doono eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilkeedi
f.g2 (-iyay, -isay) Aayaha dambe sida la noqon doono eegid. m.f.dh, bilkeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilkeedi
v. see what fate ~ future luck is going to be
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkeedi
(fal) sida uu wax noqon doono eeg ama ka dhursug oo u shintiri. Bilkeedi arrimaha bishuba hortaaday iman. Dh: sug, baxnaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilkeedi
de: see what fate or future luck is going to be
lx: bilkeedi
pd: (bilkeediyey)
ps: v2a=
key: bilkeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilkeedin
(Bilkeedin-ta)
Ciribdanbeedka ama nasiibka danbe sida uu noqon doono eegid; tijaabin; baxnaanin; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilkeedin
m.f.dh eeg bilkeedi. la-mid: bilkeedo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida uu wax noqon doono eegid. Bilkeedin la imo war jiraaba cakaaruu iman. Dh: bilkeedis, tijaabin, baxnaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkeedis
-ka: (magac, lab, keli) bilkeedin la imasho. Bilkeedis iyo oddoros baan wadnaa beryahan. Dh: tijaabis, baxnaanis, sugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilkeedo
(Bilkeeda-da)
Ciribdanbeedka ama nasiibka danbe; tijaabo; baxnaano; sugitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilkeedo
m.dh Eegidda aayaha dambe sida la noqonayo. la-mid: bilkeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilkeedo
f. n., abs., [collective] chance; destiny, future; experiment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilkeedo
-da: (magac, dhedig, keli) siday wax u dhici doonaan sugiddeed. Bilkeedo danbe ma hadhine talo keena. Dh: baxnaano, tijaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilkeedo
cf: nasiib, tijaabo, sugitaan
de: chance; destiny, future; experiment
lx: bilkeedo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs/col
key: bilkeedo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxnaani
(fal) qof buka ka war sug oo dhaqaalee. Dh: bilkeedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmi
-ga: (magac, lab, keli) aqoon ku salaysan. baadhitaan, barasho iyo bilkeedin; kasmo lagu gaadhay barasho, fiiro iyo tijaabo. Dh: aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
day
(fal) indhaha ku jeedi. Bal dayaay dhaqankeenan doorsamaay! Dh: eeg, fiiri, dhawr.
day: (fal) (isku ~) wax isku bilkeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujarrab
(fal) sida uu yahay tijaabo ka qaad; tijaabi. Dh: hubi, tijaabi, bilkeedi.
mujarrab -ka: (magac, lab, keli) qof wax horay wax u soo arkay oo soo jirrabay. Dh: khabiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mujarrabid
-da: (magac, dhedig, keli) sida uu yahay tijaabo ka qaadid; tayadiisa eegid. Dh: jitaabin, bilkeedin, hubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrab
(fal) hal iyo wixii la mid ah, caaneheedu intay yihiin, eeg: jirrab.
shirrab: (fal) tijaabi oo bilkeedi. Baabuurka intaanad adeegsan horta shirrab. Dh: tijaabi.
shirrab -ka: (magac, lab, keli) tijaabo wax la tijaabiyo in natiijada laga rabo uu ku habboonyahay iyo in kale. Dh: shirrabaad, tijaabo, bilkeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujay
(fal) su'aal hal xidhaale ah weydii. Ninku hadduu guur doon yahay xujay. Dh: bilkeedi, xujee.
xujay: (fal) qof dembi falay ka dhig. Dh: eeday.
xujay-da: (magacwadareed) dad badan oo xaj gutay ama gudanaya. Dh: xujaaj, xaajiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof denbi falay ka dhigid. Dh: eedayn, xujays.
xujayn -ta: (magac, dhedig, keli) su'aal habidhaale ah ku xidhid. Habluhu xojeynta ragga way ku bilkeedin jiteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof denbi falay ka dhigid. Dh: eedayn, xujayn.
xujeyn-ta: (magac, dhedig, keli) su'aal habidhaa ah ku xidhid. Habluhu xojeynta ragga way ku bilkeedin jireen.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bileed
Meniscus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulakeeti
-ga: (magac, lab, keli) jaajuurka aqallada lagu dhiso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulikeeti
-ga: (n) brick (biriik) ~ bulukeeti, jaajuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulukeeti
m.l (-iyo, m.dh) Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulukeeti
m.l (-iyo, m.dh) Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulukeeti
m. n. brick; construction block
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulukeeti
-ga: (n) brick (biriik) ~ bulikeeti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulukeeti
-ga: (magac, lab, keli) jaajuur aqallada lagu dhiso, sibidhka iyo niiska ama dhoobada laga sameeyo oo siyaabo kala duwan loo sameeyo. Aqalkayga waxan ku dhisay bulukeeti dhoobo la shiiday ah. Dh: jaajuur, leben.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulukeeti
de: brick; construction block
lx: bulukeeti
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: bulukeeti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miskeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) darandoorrin oo gorof ku lisid. Miskeedaan laba wiiloo.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bleed
(v) to lose blood.
dhiigayaa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bleed
/biliidh/ (v) 1. dhiig bixid. e.g. His nose is bleeding. 2. maal badan bixin (israafid)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bleed
/biliidh/ (v) dhiigow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bleed
v.i., (lose blood) dhiig bax; my wound is bleeding, qoontayda dhiig ka baxayaa or ka imanayaa.
bleed, v.tr., (let blood) dhig ka sii daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedi
(fal) cid kale tus sida loo leedo. Dh: leedsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledi
-ga: (magac, lab, keli) mid magaalayaqaan; mid reermagaal ah. Beledigu baadiye kuma noolaan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: ballee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biskee
v. cure, make healthy, cause to get well
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biskee
de: cure, make healthy, cause to get well
lx: biskee
pd: (biskeeyey)
ps: v2b=
key: biskee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakeeri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhalo ka samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo aan dhego lahayn. la-mid: bekeeri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakeeri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhalo ka samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo aan dhego lahayn. la-mid: bekeeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakeeri
m. n. drinking glass, tumbler, cup made of glass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakeeri
-ga: (n) a glass cup used for drinking tea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakeeri
-ga: (magac, lab, keli) weel yar oo quraarad ka samaysan oo shaaha lagu shubto. Dh: geeb, koob, bakayri, kubbaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakeeri
a: bekeeri
de: drinking glass, tumbler, cup made of glass
lx: bakeeri
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: bakeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bekeeri
m.l la-mid: bakeeri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bekeeri
m.l la-mid: bakeeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bekeeri
-ga: (magac, lab, keli) kubbaayad quruurad ah oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Bekeeri shaah ah ii shub. Dh: kubaayad, burjuqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileydh
-ka: (magac, lab, keli) eeg bilaydh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileysi
m.l la-mid: bileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax la gaadayo gadaal ugu imaan. 2. Cid, cid kale uga hiilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleedi
v. attack from the rear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleedi
-yay: (v) ambush (ambush), attack from a side position or opposite of the lee side ~ gaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleedi
(fal) guudmar ama korka xaadi.
duleedi: (fal) labo qof oo is dilaya mid garabsii oo u duleedi ka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleedi
de: attack from the rear
lx: duleedi
pd: (duleediyey)
ps: v2a=
key: duleedi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miskeed
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca midig ee hasha marka la lisayo laga joogsado. Dh: haaneed.
miskeed -ka: (magac, lab, keli) gorof weyn oo geela lagu maalo. Doobiga miskeedka ah inuu daato waw u halis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siljeed
Retro
Back
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buskeeti
m.l la-mid: busteeki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buskeeti
-ga: (magac, lab, keli) eeg bushkuleeti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeedi
m.l.kh Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeedi
(fal) dhinaca qorraxda u kac ama aad.
galbeedi: (tilmaame) wax kaste oo jihada galbeedka ka yimaadda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siijeedi
-yey / say: (v) turn backwards; face backwards ~ [opposite of soojeedi]
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
millepièdi
s.m. invar. - hangaraarac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilyaardi
m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilyaardi
m. n. billiards, pool; billiard ~ pool table
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilyaardi
-ga: (n) billiards (bil-yaar-diz); carom (kaa-ram); billiard; pool table
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilyaardi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar lagu ciyaaro miis dushii oo la adeegsado dhiilo yaryar oo weysada ubbada u eg'eg oo lagu toogto kubbad yar oo ul dheer lagu riixayo. Jaamacadda ayaan bilyaardi ku ciyaaraa. Dh: bilyaardo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilyaardi
de: billiards, pool; billiard ~ pool table {It}
lx: bilyaardi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bilyaardi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biskoodsi
-ga: (magac, lab, keli) xanuun ka bogsashadii. Haddeed wiilkii biskoodsi ayuu isku raacay biskoodsii: (fal) daawee cid bogsatay. Adaa nabarka ku jiidee iska biskoodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libkeenid
m.dh la-mid: niibkeenid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
millepede
/milapiidh/ (n) hanqaraarac (fara-badane).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siijeedid
(Siijeedid-da)
1. Docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u duwid.
2. Sii socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siijeedid
-da: (magac, dhedig, keli) docda laga xigo maahee docda kale u jeedid; dadka dhabarka u du'wid.
siijeedid -da: (magac, dhedig, keli) sii socosho; siijeedis.