ereyga

bilirubiin

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bilirubiin

DHAN

m.l (daawo) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bilirubiin

DHAN

m.l (daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]

bilirubin

DHAFAN
1

(n) the orange or yellow substance in bile.

2

dacarta

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Filibiin

DHAFANDHAAF

pr. n., loc. Philippines

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

Filibiin

DHAFANDHAAF

(n) Philippines (fila piiniz); a country of Eastern Asia; Manila is the capital and the largest city

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Filibiin

DHAFANDHAAF
1

de: Philippines

2

lx: Filibiin

3

ps: n0-loc-f

4

key: Filibiin

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

BIL KU BIXIN

DHAFANDHAAF
1

Pagamento mensile

2

Monthly payment

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Bil ku bixin

DHAFANDHAAF
1

Pagamento mensile

2

Monthly payment

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bilniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) wax qurxin. Bilniin uma baahnoo, Ilaah baa bilic siiyey.

2

bilniin-ka: (magac, lab, keli) bidhitaanka wax sare loo qaado. Bilniin ma karayee jüidniin aan ku qaado. bilo: (fal) bil dhalo oo dayax buuxa aayar aayar isu baddel. Bishii bilataay bil khayr.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) hurinta dab yar. Dh: daarniin, dhidniin, hurniin.

2

birniin -ka: (magac, lab, keli) eeg bidhniin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Biciriir

DHAFANDHAAF
1

(Biciriir-ka)

2

Wax eegid iyadoo indhaha aan dhab loo kala qaadin, muruqyadoodana la adkayna hayo: kolka indhaha wax-araggoodu yar yahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biciriir

DHAFANDHAAF

m.l Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

biciriir

DHAFANDHAAF

m.l Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

biciriir

DHAFANDHAAF
1

v. look from under one's eyelids, glance furtively

2

biciriir vl. n. furtive glance, quick look

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biciriir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo aad u naaxsan sida dibiga. Biciriir dibiyaa martida loo qalay markay barada soo gaadhay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biifniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) biifitaan ku samayn. Biifniin waxba ka qaadi waayey waa weelala aan wax badan la maydhin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biiqbiiq

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig) eeg biibii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jiirsiin

DHAFANDHAAF
1

(Jiirsiin-ta)

2

Xoog ku dhexmarsiin; jibaaxsiin; marsiin; qaadsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jiirsiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jiirsii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jiirsiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, wax kale, dul marin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miirniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dareere weel uu wax kula jiro ka shubid oo ku kale inta saafiga ah ku xawilid. Miirniinka subaggu waa muhiim.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xiirniin

DHAFANDHAAF
1

(Xiirniin-ka)

2

Timaha oo mandiil lagu xiiro (ama xiirriin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xiirniin

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: xiirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiirniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xiirid, tima gurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xiirriin

DHAFANDHAAF

vl. n. shaving (one's beard ~ the head)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xiirriin

DHAFANDHAAF

-ka: (n) the act of shaving ~ xiirasho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiirriin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xiirniin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xiirriin

DHAFANDHAAF
1

de: shaving (one's beard ~ the head)

2

initial: x

3

lx: xiirriin

4

pd: (-ka)

5

ps: vn-m

6

key: xiirriin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiirsiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid timaha ka xiirid. Dh: xiirid, xiirasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Badrudiin

DHAFANDHAAF

name-m moon of the faith

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidinbiid

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caano raagey; caana aad u dhanaan. Bidinbiid bay cabbeen kuwii baqasha soo fuulay. Dh: kalabbax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dirirsiin

DHAFANDHAAF
1

(Dirirsiin-ta)

2

Dirir ku boorrin ama ku guubaabin; dagaalgelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dirirsiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dirirsii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dirirsiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dagaal gelin. Dh: dagaallansiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fikirsiin

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: fekersiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fikirsiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro u horseedid; in uu fikiro sabab u noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bihimbihin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg bihimbihi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bihimbihin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si soo jiidasho iyo is jecleysiin ah isku looxlooxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biligbilig

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biligbilig

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hillaac meel fog ka soo baxaya si isdaba joog ah. Dh: wacwac. biligbilig-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal meel fog socda ama bildhaan muuqaalkeedu dhab u muugan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cilladbixin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax cillad leh, hagaajin. Dh: hagaajin, cilladbixis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xilafursiin

DHAFANDHAAF
1

(Xilafursiin-ta)

2

Xilafur ku dhaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xilafursiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg xilafursii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xilafursiin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) inuu xilafuro ku dhaarsiin. Dh: xilakudhaarin.

waa la naqliyay ✓