ereyga

biligbiliglayn

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biligbiliglayn

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin ama bildhaan meel durugsan ka muuqda ama ka baxaya samayn. Biligbiliglaynta roobkiyo onkodkuu fiinku ka ooyayaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biliglayn

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bililiglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) walalaclayn hillaac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Biibbiilayn

DHAFANDHAAF
1

(Biibbiilayn-ta)

2

Biibbiile samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

biibbiilayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg biibbiilee. la-mid: biibbiile (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bililiqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax diniinaya oo is daba qulqulaya. Bililiqlaynta biyaha roobkaa buuxshay bad iyo webi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biiqbiiqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bilbilitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) biyo si fudud ugu rushitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biliiligayso

DHAFANDHAAF

(fal) wax aanad lahayn boob cad ku qaad. Wax aanad lahayn marna biliiligayso hays odhan. Dh: dhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dilindillayn

DHAFANDHAAF
1

(Dilindillayn-ta)

2

Wax duuban ama kankoonsan garangarin, (sida birmiil la riixa hayo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dilindillayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dilindillee. la-mid: dilindillo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dilindillayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) giraangirin wax wareegsan duurin oo dhulka sida shaagga u eryesho. Taayirka dilindillayn ayaan halkan ku keenay. Dh: wilaanwilin.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Dilindillayn

DHAFANDHAAF

Garaangarin, Fuustada waa la dilindilleeyaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dililiqleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) marka ay biyo meel qasabad ah ama dhulka guudkiisa u socdaan si tabar yar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilgalaclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilguluclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha kolba dhinac u rogrogid. Dh: ilmidhiqlayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ilmirigleyn

DHAFANDHAAF
1

(Ilmirigleyn-ta)

2

Isha uun ka walacsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilmirigleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ilmiriglee. la-mid: ilmirigle (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miliilicsan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) eegideegiddiisa la dhacsan oo aad ugu fiirsanaya ah. Nin quruxda beeraha la miliilicsan ayaa ila socda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miririglayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si miririg ah u dhaqdhaqaaqid oo u socsocosho. Illaa saaka uun baa miririglayn lagu jiraa. Dh: xuuraan, agaguug, miririglays.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bidhbidhlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) bidhbidh soo noqnoqonaysa ahaan. Hillaacaa soo bidhbidhlayn hayaa waa bilowgii guga e'.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biliiliqaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) biliiliqaysasho ku dhaqaaqid. Biliiliqaysi iyo dil bay kula kaceen jabhaddii dadkii tuulada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

birimbirqayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg birimbirqee. la-mid: birimbirqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Birinbirqayn

DHAFANDHAAF
1

(Birinbirqayn-ta)

2

Cayaar-carruureed aan hab lahayn cayaarid; farsamo birinbirqada carruurta u eg, samayn; faranfardayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

birinbirqayn

DHAFANDHAAF

-ta: (n) child's play

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

birinbirqayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar aan qaab lahayn oo ay carruurtu jiifka ku galgalato. Birinbirqayn badanaa ilmuhu seexashana diidye. Dh: faranfardayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

karinbillayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg karinbillee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

silicdilyayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg silicdilyee. la-mid: silacdilyayn, silicdilyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biliiligaysad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) boob xoolo dad kale, ku dhaqaaqid. Biliiliqaysadka hanti gaar iyo hantiguud waa isku mid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balaqbalaqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha dareeruhu sameeyo marka uu si googo'a uga daadanayo weelkii uu ku jirey.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balasbalaslayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof si balasbalas ah u socda ahaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bulucbuluclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha uu sameeyo wax biyo hoosta kaga jiraan. Bulucbuluclaynta nirgaha caanaha jaqaa, hurdada noo diiday. Dh: dhulucdhuluclayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buluqbuluqlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) daadashada dareere balbalqanaya oo soo noqnoqota. Buluqbuluqlyanta biyaha bannaankaan ka soo maqlay. Dh: balaqbalaqlayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

firixfirixlayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg firfirlayn.

waa la naqliyay ✓