bilig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilig
(Bilig-ta)
Iftiin ama dhalaal yar oo muuqashadiisa iyo qarsoomiddiisu isu dhow yihiin; big; bidhaan; walac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilig
m.dh.sh.r If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilig
f. n. twinkle, blinking, flashing
bilig v. twinkle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilig
-ta: (magac, dhedig, keli) lagu tusmeeyo if yar oo hal mar meel fog ka bildhaamay. Hillaac bilig yidhi harraad ma baxshee, muxuu hormarkaagu ii tari. Dh: bidh!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biig
(Biig-ga)
Warqadaha turubka intaan midabka lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biig
m.l.u 1. Warqadaha turubka inta u dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biig
m. n., [collective] playing card of low value
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biig
-ga: (n) the low value playing cards from two till ten ~ [opposite of ran]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biig
-ga: (magac, lab, keli) warqadaha turubka inta aan ranka ahayn, labaaluhu ugu hooseeyo tobanluhuna ugu sarreeyo. Biig ma haysataa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biig
de: playing card of low value
lx: biig
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
xv: ace through five
key: biig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bili
m.l/dh 1. Nasiib wacan. 2. Sharaf wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bili
-da: (magac, dhedig, keli) tiro ama muuqaal yar. Daraawiish ninkii bili u filay, waw badownimo e'.
bili-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar wiilal iyo hablo wada dheelaan oo la ciyaaro habeen iyo dharaarba. Waxa la ciyaaraa barqada intay xooluhu ku maqan yihiin xilli barwaaqeedka. Waxa kale oo la ciyaaraa aroosku marka uu cusub yahay ee uu afartan bixin.
bili-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu ku ciyaaraan ul dheer iyo qori yar oo balan oo inta god la jeexo qoriga yar la dul dhigo ul kor loogu tuuro inta uu soo lalmanayana dhexda usha lagaga dhifto oo kolba inta uu godka ka fogaaday usha lagu dhereriyo laguna kala badiyo.
bili -ga: (magac, lab, keli) saaciido wanaag. Bili nimaan lahayn baa xarbiga biid ka tarahayne. Dh: ayaan, nasiib.
bili-ga: (magac, lab, keli) marada haweenka inta u hoosaysa; xaynka haweenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilig
(Ilig-ga)
Afka dadka iyo nafleyda riciraha leh badankeed, dhis ku sarcan oo lafaha u eg oo wax lagu gooyo oo lagu qaniino oo lagu calaliyo midkood; ilkaha dadku waa 32 (foolal, dhoolal, miciyo, gowso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilig
m.l (ilko, m.l) (cilmiga naflayda) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilig
m.l (ilko, m.l) (cilmiga naflayda) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ilig
pr. n., loc. Ilig [coastal town in northeastern Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilig
m. n. tooth; teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilig
-ga: (n) [Pl.l ilko -ilkaha] teeth (tiith)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilig
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah lafaha yaryar ee Ilaahay afka noolaha ku dhex abuuray si wax loogu goosto ama loogu ridqo.
ilig -ta: (magac, dhedig, keli) jaadka qaybtiisa waddamarka loo adeegsado oo la siiyo jidjoogta. Ilig qaado oo bir iga qaad, qaadow adigaa leh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ilig
سن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilic
(Bilic-da)
Muuqaal indhuhu u bogaan oo jeclaystaan; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilic
f. n., [abstract] prettiness, beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilic
-da: (n) beauty (biyuuti); grace (gareeys); ~ qurux, bilicsami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilic
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal qurux badan oo isha soo jiita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilic
de: prettiness, beauty
lx: bilic
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: bilic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilid
(Bilid-da)
1. Kor u qaadid.
2. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilid
m.f.dh eeg bil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suusuubbin oo qurxin.
bilid-da: (magac, dhedig, keli) wax bidhid oo kor u qaadid. Bilid buu ku qaaday ooddii loo dhiibay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biliq
f.g1 (-lqay, -liqday; -lqi) Wax, wax si aan habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biliq
f.g1 (-lqay, -liqday; -lqi) Wax, wax si aan habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid. m.f.dh, bilqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biliq
v. scatter, put in disarray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliq
-da: (magac, dhedig, keli) in yar oo weel buuxa ka daadata. Biliq yar oo caano ah ayaa halkaa ku daadatay. Dh: balaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biliq
de: scatter, put in disarray
lx: biliq
pd: (bilqay)
ps: v1=
key: biliq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilis
(Bilis-ta)
1. Cid wanaagsan ka dhashay; gob; dhalad; xor.
2. Haween; dumar; dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilis
m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilis
f. n. noble, well-off, high-caste, free-born person
bilis [feminine] n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilis
-ta: (n) women (wi-men); women considered as a group; womenkind ~ dumar, bilis-xaawalay, haween, naago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilis
-ta: (magac, dhedig, keli) bilid ku samayn.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) qoys wanaagsan ka dhashay. Bilis buu ka soo jeedaa dadnimada lagu yaqaanno. Dh: xor, gob, dhalad.
bilis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid ku samayn oo kor u qaadis. Bilis baa wax lagu qaadi jirey oodda jiiddada ahi.
bilis-ta: (magacwadareed) dhedigoodka aadamaha oo aan kala reeb lahayn, yar iyo weyn. Dh: dumar, haween, gambooleey, xaawaley, bilisxaawo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilis
نبيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filig
filig¹: m.l 1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.
filig²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filig
filig¹: m.l 1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.
filig²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid. m.f.dh, filgid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filig
(ereycodeed) lagu tilmaansado marka xadhig si dhakhsa ah loo furo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silig
(Silig-ga)
Xarig ama dun dheer oo bir ah; taar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silig
m.l Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
silig
m.l Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
silig
m. n. wire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silig
-ga: (n) 1. wire (waayar); usually a steel wire ~ fiilo. 2. telegram (teela-garaam); telegraph (teela-garaaf); wire (waayer); cablegram ~ teelagaraam, taar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Silig
Filo spinato
Barbed wire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silig
-ga: (magac, lab, keli) xadhig ama dub dheer oo bir ah. Dh: taar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
silig
bw: Arabic
de: wire
initial: s
lx: silig
pd: (-ga Pl: silko (/ha))
ps: n2a-m, n3-m
key: silig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaan
(Bidhaan-ta)
Muuqaal yar oo meel fog laga arko; iftiin ama dhalaal yar oo meel ka bilig yiraahda; birbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Big
(Big-ta)
1. If muuqda oo durba libdha; carar durba la qarsoomo; bidhaan; bilig.
2. (Xarad) Bar, gaashi.
3. Orod haddiiba la libdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birid
(Birid-da)
Iftiin yar oo meel ka bilig yiraahda; daarmid; hurid; shidmid; hillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
big
m.dh 1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.

biliglayn
m.f.dh eeg biliglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bir
bir¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. la-mid: birajuuraan.
bir²: m.dh (kiimika) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.
bir³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax sida iftiin bilig dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
big
m.dh 1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
billy goat
/biligowt/ (n) orgi (labka ariga)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flash
/flaash/ (v) 1. walalac-siin, nal bilig laga siiyo. e.g. Could you stop flashing that light in my eyes? (v) 2. dirid, sida war, farriin iwm (n) 3. bilig, walalac (n) 4. war baahin u idaaco, teleefishin ama telegaraam laga xigto (n) 5. falaashka, ama ifka kaamarada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biglayn
-ta: (n) twinkling or flashing light; flicker, glimmer ~ biliglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beydan
magac loo baxsho gabadh muuq ahaan iyo martababa buuxa. Hillaac bilig yidhi haraad ma baxshee, muxuu Beydaneey hormarkaagu ii tari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidh
(fal) kor u qaad. Bidh boorsada oo baabuurka ila saar. Dh: dallac.
bidh!: ereycodeed lagu tusmeeyo iftiin yar oo hal mar ka baxay meel. Bari buu hillaac bidh ka yidhi. Dh: biliq, bilig, big.
bidh!: (tilmaame) lagu tusmeeyo orod xawaare ah oo mar qudha sida iftiinka loo booddacararo. Tuuggii halmar buu orod bidh yidhi. Dh: bilig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaanso
(fal) wax kuu muuqda muuqaalkiisa eego. Geed baaxad weynoo, la yidhaahdo Baaroo, bilig dheer hirkiisii, ma bidhaansanaynoo. Dh: bildhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidh
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin yar oo si dhakhso badan marna daarmaya marna demaya. Garabildhaanka bidhbidha hayaa ilaa waaga berigiisa. Dh: biligbilig, birbir, bigbig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligbilig
-ta: (magac, dhedig, keli) hillaac meel fog ka soo baxaya si isdaba joog ah. Dh: wacwac. biligbilig-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal meel fog socda ama bildhaan muuqaalkeedu dhab u muugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligbiliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin ama bildhaan meel durugsan ka muuqda ama ka baxaya samayn. Biligbiliglaynta roobkiyo onkodkuu fiinku ka ooyayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biliglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biligbiliglayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilig_1
cf: bidhaan, big, iftiin, walac
de: twinkle, blinking, flashing
hm: 1
lx: bilig
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: bilig_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilig_2
de: twinkle
hm: 2
lx: bilig
pd: (bilgay)
ps: v1=
key: bilig_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligle
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo iftiin biligbilig ah bixinaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bililig
-ta: (magac, dhedig, keli) hillaac meel fog ka baxaya. Bililig hillaac gu' bilowday baa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitilig
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar qaadid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
boiling
/booyling/ (adj) eed ing kaluul.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
boiling
n., kar, -ki; a., give me boiling water, biya karaya i sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbig
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilin
-ta: (magac, dhedig, keli) biil siin. Dh: biilid, masruufid, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilis
-ka: (magac, lab, keli) dad ama reer biilin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bilaag
Gantafaha maarta ah ee ku xiran xarigga alxamaha korontada ee quwadda korontada kasoo gudbiya godka korontada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilbil
(Bilbil-ka)
1. Biyo ama wax la mid ah oo meel sida roobka loogu firfirdhiyo; rushays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbil
bilbil¹: m.l 1. Firdhinta biyo iyo wixi lamida sida dhibcaha roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin gabdhaha taataabta. 3. la-mid: bilbilid.
bilbil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Biyo iyo wixi lamida meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilbil
bilbil¹: m.l 1. Firdhinta biyo iyo wixi lamida sida dhibcaha roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin gabdhaha taataabta.
bilbil²: f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Biyo iyo wixi lamida meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho. m.f.dh, bilbilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilbil
v. spray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilbil
-ay / bilbishay: (v) sprinkle (is-prin-kal); spray (ispareey) with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbil
(fal) ku biyo sida roobka oo kale ugu daadi oo ku firdhi. Dh: rush, biifi.
bilbil-ka: (magac, lab, keli) biyo meel lagu firdhiyo. Bilbil yar ku samee hadhuudhka. Dh: biif, rushays. bilbil -ka: (magac, lab, keli) noole labo qalbac ah oo ku nool badda gunteeda, luulku dhexdiisa ka baxo lagana gurto. Bilbil badda gunteeda lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilbil
de: spray
lx: bilbil
pd: (bilbilay)
ps: v1=
key: bilbil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilbil
رَشَّاشَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcil
(Bilcil-ka)
Geed weynaada oo qodxo xanan ah yeesha, dhirta dawadana ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcil
m.l (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilcil
m.l (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilcil
m. n. large thorny tree species (used medicinally)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BILCIL
[BILEL, BEL-EL, BILIL]: Acacia mellifera 63, A. senegal 04,Albizia obbiadensis 10, Parkinsonia scioana 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BILCIL
(Bilil) All.Som. Acacia mellifera (Vahl) Benth. Mimosaceae.
C, Og Acacia ogadensis Chiov. Mimosaceae.
May, S Bauhinia ellenbeckii Harms. Caesalpinaceae.
C Parkinsonia sciona (Chiov.) Brenan. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilcil
nickname; name-m he who born near the large thorny tree used medicinally; medicine man; herbalist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilcil
-ka: (n) a large bushy tree